Feyruus Aldeylami

Marki uu nabiga scw ka soo noqday xajkiisi ugu danbeeyey ayuu aad u xanuunsaday. Warka xanuunka nabiga ayaa ku faafay jasiiradda carabta, waxaana diinta ka laabtay qaar ka mid ah qabiiladi carbeed oo marki horaba aan diinta u soo gelin si dhab ah laakiin u soo galay cabsi iyo in ay ka badbaadaan seefti muslimiinta ee gal la’aanta ahayd.
Qaar ka mid ah qabiiladi ayaaba sameystay rag ay ugu caana shubteen in ay yihiin nabiyo loo waxyoodo. Raggi nabinimada sheegtay waxaa ka mid ahaa, alaswad alcanasi, oo nabinnimadiisa uga dhawaaqay yaman.

Halkaan Ka Dhagayso Warbixinta Oo Uu Diyaariyey ustaad Mohamed H. Biikole

Aswad, wuxuu ahaa aftahan iyo afminshaar carrab fasiix ah leh. Wuxuu ahaa nin dadka caamada ah ku qancin kara hadalkiisa la malabeeyey. Dadki marki ay la yaabeen ficilladiisa iyo faalkiisa ayay isla dhexmareen in uu yahay faalalow fariid ah, laakiin wuxuu ku qanciyey in uu san faallow ahayn ee uu yahay rasuul laga soo diray dhanka samada, waxa uu sammaynayana ay yihiin mucjisooyin uu Alle soo siiyey. Wuxuu dadka u sheegay in uu u yimaado malag waxyiga uga keena samada, wuxuu dadka ku dhex siideyn jiray ardaal badan oo xogta uga soo dhex aruurisa, markaas ayuu sheegi jiray, in uu malag xogta u keeno.
Marki uu helay nabiga scw warka aswad iyo fitnada uu ka dhex wado reer yaman, wuxuu la soo xariiray asxaabtiisi reer yamaneed, wuxuu na u sheegay in ninkaas beenhawaaska ah laga qabto umadda. Muslimiinti ayaa u kala tartamay sidi ay nabiga uga farxin lahaayeen, aswadna umadda uga aamusin lahaayeen.
Raggi tartanka u galay in ay nabiga ka farxiyaan, aswadna qaboojiyaan, waxaa ka mid ahaa, Fayruus al-daylami. Fayruus wuxu ka soo jeeday qabiil lagu magacaabo Al-abnaa oo asalkoodi hore ka yimid dhulka faaris (iiraan), maamul ahaana waxay hoos tagi jireen xukunki faarisiyiinta, laakin marki danbe way islaameen, faarisiyiintina xariirka ayay u jareen. Markaan uu aswad nabinnimada sheeganayo ayaga ayaa maamula yaman.
Fayruus wuxuu ku dadaalay in uu noqdo qofka ugu horreeya ee nabiga ka farxiya.
Aswad wuxuu qabay gabar ay ilma adeer ahaayeen fayruus oo uu xoog ku guursaday ka dib marki uu dilay ninkeedi. Gabadhi ayaa fayruus iyo laba dagaalyahan oo la socday u fududeysay in ay galaan qasrigi aswad ee aadka loo ilaalinayay.
Aswad oo saqdhexe, dhex quurinayo qol mugdi badan, ayaa waxaa u galay fayruus iyo raggiisi. Marki seefihi lala dhacay ayuu u qayliyey sida lo’da. Waxaa soo kala cararay ilaaladiisi, waxaa ka hortagtay gabadhi oo u sheegtay in nabiga loo waxyoonayo oo uu san jirin wax dhib ah. Feyruus iyo raggiisi, qasriga ayay ku dhexjireen ilaa laga gaaray salaaddi fajarka.
Salaaddi subax marki la gaaray, fayruus wuxuu koray darbigi ugu dheeraa qasriga aswad. Wuu addimay, ka dibna wuxuu ku dhawaaqay dhimashada aswad. Muslimiinta ayaa meel walba isaga yimid si ay qasriga u galaan, oo baqtiga aswad u arkaan, laakin waardiyihi aswad, oo weli warmoog ah ayaa isku dayay in ay muslimiinta ka celiyaan qasriga, laakin feyruus oo darbi dheer saarnaa ayaa soo tuuray madaxi aswad al-canasi, markaas ayay waardiyihi argagaxeen, muslimiinti oo takbiirsanayana qasrigi galeen.
Ibnu cumar wuxuu yiri: Waxaa nabiga u yimid waxyi, habeenki la khaarajiyey aswadki beenaalaha ahaa, markaas ayuu soo baxay si uu noogu bishaareeyo, wuxuuna yiri: “aswad, xala ayaa la dilay, waxaa dilay nin barakaysan, oo ka dhashay qoyska barakaysan” waxaa lagu yiri: yaa dilay yaa rasuulullaah? Fayruus al-daylami, ayuu yiri nabiga scw.
Fayruus wuxuu nabiga ka dib noolaa waqti dheer, wuxuu yaman ku geeriyooday xilligi cusmaan bin cafaan, waxaa kale oo la sheegaa in uu soo gaaray waqtigi mucaawiya.
Mohamed H. Biikole
Raad Media

Previous Post Next Post