Talooyin Kooban oo ku Wajahan Ardayda Jaamacadaha

Marxaladda jaamacadda koowaad waa aasaas muhiim ah oo uu ku dhismi karo mustaqbalka waxbarasho, shaqo iyo guud ahaan nolosha dambe ee ardayga. Waqtigaas lagu jiro jaamacadda waa xilli ardaygu diyaar u yahay in uu ogaado wax badan oo uu xiiso u qabo si uu u jiheeyo noloshiisa iyo maalmaha ka horreeya. Haddaba sidee ayaa ardaygu isugu miisaami karaa barashada maaddooyinka uu dhigto iyo barashada cilmiga uu xiisaha u qabo oo laga yaabo in uu ka duwan yahay kan jaamacadda uu ku dhigto? Maxaa lagu miisaamaa guusha? Hab-dhaqanka ardaygu sidee u saamayn karaa noloshiisa dambe?

Waxaan is leeyahay dhawr arrimood waa muhiim:
1. Ardaygu in uu xoogga saaro sannadka ama labada sano ee ugu horreeya in uu si fiican u fahmo cilmiga uu jaamacadda ku dhigto iyo aasaasiyaadkiisa. Taasi waxay firaaqo u siinaysaa inuu sandaha dambe wax kale ku mashquulo waayo cilmiga sanadaha dambe wuxuu u badan yahay ku celin, dhaqan-gelin iyo faahfaahin wixii hore loogu soo dhigtay sanadihii hore.
2. Isku day in habka aad wax u akhrido yeesho qaab (structure) si ay kuugu sahlanaato in aad wixii is lehba isku xirto oo wax uga faa’iiddo. Tusaale ahaan, ardayga xiiseeya taariikhda waxaa habboon inuu si gaar ah u eego xiriirka ka dhexeeya dadka, dhacdooyinka iyo waqtiga. Dadka iyo waqtigu ma soo noqdaan laakiin dhacdooyinku waa soo noqdaan. Dadka iyo waqtigu micne gaar ah ma yeeshaan haddaan lala xiriirin dhacdooyinkii ku beegnaa xilligooda.
3. Diintu waa dhaqan. Dhaqankaagu ha waafaqo diinta. Ogaan aan dhaqan lahayn dheefteeda in dhibkeedu ka bataa la arakaa. Waxaan diin ahayn ha ka dhigan diin. Ogow in Nebigeenu noo sheegay in mar walba gaabis jirayo oo aan 100% la hagaagi Karin. Marka dadaal, dantaada ha ka caajisin oo dadka ammaan sii. Diintu yaanay kugu noqon caqabad naftaada iyo dadka kaleba aad ku dhibtid. Qofka noocaas ah waxaa looga baqaa inuu xawaaraha uu ku socdo masjidka dhinaca kale uga boodo.
4. Cilmiga saynisku wuxuu ku fadhiyaa caddayn. Caddayntu ma sahlana in la been abuuro oo waxay u baahan tahay in marar badan lagu celiyo oo meelo kala duwan iyo xaalado kala duwan lagu hubiyo intaan la oran waa caddayn cilmi ah. Culimada saynisku waxay wax isugu sheegaan qoraal cilmiyeed ay hab iyaga u gaar ah u qoraan. Wargeysyada iyo taleefishinda ayaa isku daya in ay noo fududeeyaan wixii culimadu daahfureen. Laakiin wargeyska iyo taleefishinku waxay wax u qoraan si sahlan oo soo jiidasho iyo laab-la-kac leh oo mararka qaarkood ma soo gudbin karaan xaqiiqda cilmiga ee lagu daabacay qoraalada saynisyahanada (scientific journals). Culimadu inta badan waxay wax u sheegaan si dadban “Caddayn uma hayo arrinkaas…, Cilmi baaris gaar ah oo arrinkaas la xiriirta ima soo marin…, Ma aqaan…, IWM” Waxaa adag in aad aragto iyagoo wixii la qaldan ku jeesjeesaya, wax aanay aqoon ku doodaya ama iyagoo wixii iyaga aragti ahaan ugu muuqda ka dhigaya cilmi sugan.
5. Buugaagta manhajka laga barto (textbooks) waxaa loogu talo galay in lagu qoro cilmiga inta badan dadka qoontaas yaqaanaa isku raacsan yihiin. Dawladaha qaarkood si gaar ah ayey u eegaan bugaagta noocaas oo kale ah si ardayda aan loogu sheegin cilmi aan sal culus ku fadhiyin.
6. Waxaa jira noocyo kale oo buugaag ah oo loogu talo galay in ay dadka dhiirri geliyaan sida “Sidee 6 maalmood loogu noqdaa Milyaneer!” “Sidee laba maalmood dabeecaddaada loogu bedelaa!” Buugaagta noocaas ah, in kastoo ay ku dhiiri gelin karaan, waxaa u badan khibrado dad gaar ah soo maray oo laga yaabo in aanay adiga isugu kaa toosin.
7. Hadba wixii aad xiiso u qabto akhri. Qoraagii aad jeclaato buuggiisa, doono buugaag kale oo uu qoray. Akhrisku ma dhammaado, laakiin in aad xusuus gaar ah u lahaato wixii aad mar hore akhriday oo aad ku xirto wixii aad meel dambe ku aragto waa muhiim waayo in culimo badan is waafaqaan waxay siisaa mawduuca culays gaar ah.
8. In ardayda kale kaa derejo sarreeyaan yaanay ku niyad jebin. Macallinku wuxuu qiimeeyaa warqad iyo shaqo ardaygu qabtay ee ma qiimayn karo ardayga. Taas waxaa caddayn u ah in ardayda sannadka kowaad ugu derejo sarraysa aanay mar walba ahayn kuwa ugu derejo sarreeya sannadaha dambe ee jaamacadda. Kartida hoggaamineed, go'aan qaadasho iyo asluub wanaag laguma muujin karo warqad. Noloshaada dambe inay guulaysato kuma xirna derejooyinkii ku qornaa warqad imtixaan aad waa hore gashay.
9. Intaad dhallinyarada tahay, iska ilaali wax ceeb kuu soo jiida. Qalad yar oo xanaaq, damac iyo degdeg aad ku gashay ayaa sumad madaw ku noqon kara noloshaada inta ka hartay. Wuxuu hoos u dhigi karaa hammigaaga iyo meesha aad tiigsanaysid. Wuxuu kugu noqon karaa hummaag aan weligiis kaa qarsoomin oo markii aad is tiraahdo kor u soo muuqaba garbaha culays kaa saara.
Shirkadaha qaar ayaa qaba in aanay shaqo siin ardayga maaddo walba keena A+. Gaar ahaan shaqooyinka u baahan in dadka lala xiriiro ama bulshada lala hadlo. Waayo, waxay leeyihiin, ardaygaasu saaxiibbo ma lahayn oo dad la dhaqanka kuma fiicna. Buug iyo Kombiyuutar inuu qol la joogo ayuu ku fiican yahay. Ha u shaqo doonto shirkada u baahan qof qol gaar ah fadhiya oo wixii mushkilad ah oo la xallin waayo loo geeyo!. Programmer, designer, IWM ayuu ku habboon yahay ayey qabaan. Laakiin taasi waa arrin laga doodi karo.
Intaas waa qodobbo kooban oo aan is leeyahay waxay wax ka tarayaan qaabaynta nolosha ardayga jaamacadda dhigta.

Raad Media

Previous Post Next Post