Dalka Sudan | Taxanaha Taariikhda Afrika | 9aad


Dalka suudaan, wuxuu ka mid yahay dalalka ugu muhiimsan dalalka qaaradda. Caasimaddiisu waa kharduum, afka rasmiga ah waa afka carabiga. Nidaam maamuleedka dalka suudaan waa nidaam jamhuuri ah.
Dalka suudaan wuxuu xornimadiisa ka qaatay guumeystihi waynaa ee ingiriiska iyo dowladda ay dariska yihiin ee masar sanaddi 1956di miilaadiyadda. Dalwaynaha suudaan wuxuu ku fadhiyaa masaaxo dhuleed dhan 900 oo kun oo km2 ah. Lacagta waddanka waa janiyaha suudaaniga.


Dalka suudaan waxaa daris la ah dalka, south Sudan oo beri aan fogeen ay isku ahaayeen waddan qura. Sidoo kale dalka suudaan waxay ood wadaag yihiin dalalka ereteria, itoobiya, masar, liibiya, jaad iyo jamhuuriyadda afrikada dhexe.

Dalka suudaan wuxuu ka mid yahay wadamada uu qaaradda ka maro wabiga lagu xanto in uu jannada ka soo burqado ee niilka. Waxaana goob aan ka fogeen magaalada kharduum ku kulma niilka cad iyo naylka buluuga halkaas oo uu ka sameysmo niilka wayn.
Shacabka reer suudaan 96% waa dad muslimiin ah. Dadka reer suudaan waxaa lagu sheegaa in ay yihiin carab iyo madow isku milmay, ayada oo ay jiraan dad aan badneen oo asalkoodu yihiin, turki, masriyiin, liibiyiin, ereterian, hindi iyo itoobiyaan.
Tirada shacabka reer suudaan waxaa lagu sheegaa, 38malyuun, taas oo ka dhigan, in uu yahay wadanka 35aad ee ugu dadka badan dunida. Iyo waddanka 9aad ee ugu dadka badan qaaradda afrika.
Dadka reer suudaan, marka laga soo tago luuqadda carabiga, waxaa kale oo jiro ilaa 300 oo ah afaf kale oo maxalli ah.
Isha ugu wayn ee dhaqaalo ee uu dalka suudaan leeyahay waa saliida, sidoo kale waxay dhaqaalo ka sameeyaan shamiitada, sonkorta, kabaha, batroolka iyo xoolaha.
Dhanka aqoonta, reer suudaan waxbarashada aad ayay u jecelyihiin, waxaana ku yaala jaamacado caana oo looga yimaado gudaha dalka iyo daafaha caalamka, jaamacadaha dalka ugu caansan waxaa ka mid ah jaamacadda caaliga ee afrika, oo ay ka soo baxeen aqoonyahan badan oo soomaaliyeed, arday badan oo soomaaliyeedna ay dhigtaan. Sudaan waxay ka mid tahay ama kaalinta 1aad uga jirta dalalka ardayda soomaaliyeed ay ka helaan deeqaha waxbarasho.
Furaha ama codeka wadanka suudaan ee taleefanka waa +249, haddi aad qorsheyneyso in aad soo gaarto waddanka suudaan, darawalna aad tahay, wadada waxaad ka leedahay dhanka midig. Ku soo dhawow wadanka suudaan.

Raad Media

Previous Post Next Post