Inta badan waxaan maqalnaa sanduuq madow oo laga helay diyaarad burburtay. Ama waxaan maqlaa macluumaad laga soo xigto ama uu keeydiyey sanduuqa madoow ee diyaaradaha, hadaba, muxuu yahay sanduuqa madow, ee kaligiis ka badbaada diyaaradaha burbura, waliba laga helo xogo ku saabsan diyaaradda iyo jawiga sida uu ahaa ka hor inta aysan burburin diyaaradda.
Dhab ahaanti, sunduuqu ma ahan mid uu midabkiisu madow yahay, laakiin waa aalad ama jihaas wax duuba, midabkiisuna waa huruud ama jalle, sida ku xusan qawaaniinta caalamiga ah ee LA isku ogyahay, waxaa waajib ah in uu ku xirnaado diyaarad walba guud ahaan gaar ahaan diyaarada ganacsiga ama rakaabka, asaga oo duuba macluumaad khaas ah oo ku saabsan safarka diyaaradda iyo duruufaha ku xeeran inta ay duulimaadka ku guda jirto.
Sababta loogu yeero sanduuqa madow ayaa lagu sheegaa in ay tahay, ama loogu magac daray marka uu gubto sanduuqa oo uu qariyo qiiqa gubashada diyaaradda ayaa wuxuu isku badalaa madow, sidoo kale midabka qalabka ku dahaaran cajaladaha wax duuba ee ka ilaaliya dildilaaca iyo waxyeelooyinka kale waa kuwo madow, sidaasna waa laga yaabaa in loogu magacaabay sanduuqa madow.
Hadaba goorma ayaa loo baahday in LA helo aaladdaan muhiimka ah. Laga soo billaabo sagaashameeyadii quburrada duulimaadka hawada sare waxay xal u raadinayeen sirta ka danbeyso soo dhicitaanka diyaaradaha, taas oo sababtay in ay qasab noqoto marka hore in LA ogaado sababta keentay in ay soo dhacaan duyuuradaha, ileen xalka waxaa LA helaa marka LA ogaado mushkiladda. Si loo helo xogta uu duubo sanduuqa madow, waxaa qasab noqotay in la xoojiyo u adkeysigiisa, gubashada iyo quusashada biyaha. Sidaas daraadeed sanduuqa madow wuu u adkeysan karaa gubasho walba xadkeeda ugu sarreeyo iyo biya walba oo uu dhex tiinbada, badda salkeedaba ha ahaatee. Marki ugu horreysana waxaa ikhtiraacay caalim u dhashay dalka usteralia, oo lagu magacaabo David waron. Laakin aakhirki dalkiisa ustaraliya waa laga joojiyey isticmaalka sanduuqa madow, ayada oo loo arkay in uu dhagaysanayo siraha dadka, laakiin waron ma quusan ee fikraddiisa wuxuu LA soo aaday dalka ingiriiska, waxaana warbixin ka diyaarisay qisadiisa iyo qisada sanduuqa madow bbc-da, wixii intaas ka danbeeyeyna shirkadaha waawayn ee diyaaradaha ayaa ku tartamay sidi ay u hormarin lahaayeen aaladdaan loo arkay in ay muhiim u tahay safarka diyaaradaha.
Hormarinno badan oo lagu sameeyey sanduuqa madow, kadib, hadda wuxuu ka koobanyahay, laba sanduuq. Sanduuqa 1aad wuxuu duubaa, Xilliga, xawaaraha ay diyaaradda ku socoto ama surcada iyo speedka, iyo sidoo kale jihada loo socdo. Sanduuqa labaadna wuxuu duubaa, cododka kala duwan, sida wadasheekeysiga dadka, guuxa iyo dhawaaqyada gargaar waydiisashada.