Faallo: Loollanka Loogu Jiro Maamulidda Dhaqaalaha Dunida Xaguu Ku Danbayn Doonaa?

Wixi ka danbeeyey dhibaatadi dhaqaale ee uu caalamku la kulmay sandki 2008da, oo sababtay hoos u dhac wayn oo in mudda ah laga soo kabsan waayay, sababtayna in dowlado badan ay iska gudi waayaan daymihi lagu lahaa, sida dalaka giriigga saamayna ku yeeshay dowladaha Talyaaniga, Qubrus, Spain iyo Eerlaan. Waxaa isqabsaday qeylo dhaan lagu doonayo in la sameeyo nidaam dhaqaale oo cusub, kaas oo aan cid gaar ah gacanta ugu jirin, kuna tiirsaneen doollarka oo kaliya.

Laakin, qaylo dhaantaas caalamiga ah, ma ahayn mid farxad gelisay Mareekanka, wuxuu na geed gaaban iyo mid dheerba u koray sidi uu guntigiisa uga bixi lahayn ku amar ku taaglaynta awoodda dhaqaalaha dunida. Waa na sababta keentay in ruushka iyo shiinuhu isku dayaan in ay sameeyaan nidaam dhaqaale oo xooggan oo cusub kana madax bannaan kan mareekanka. Qorshaha ruushka iyo shiinaha waxaa soo dhaweeyey, dowlado ay ka mid yihiin, turkiga, iiraan iyo funuzweela. Waxaa na si wayn loogu diyaar garoobey in laga xoroobo guumeysiga dhaqaale ee uu mareekanku ku heesto dunida, asaga oo cunaqabatayn dhaqaale ugu hanjabo dowlad walba oo isku daydo in ay ka baxdo xayndaabkiisa awoodeed. Laakiin
kobaca dhaqaale ee shiinaha ee sida joogtada ah u sii siyaadayo oo lagu daray ku tiirsanaanta reer yurub gaaska ruushka, waxaa laba kacleyey qorshaha u ololeenta abuuridda midow dhaqaalo oo u dhaxeeyo yurub iyo eeshiya, ayada oo ay labadaan qaaradood ku noolyihiin saddex meelood meel ka mid ah shucuubta caalamka, soona saara wax ka badan 60% wax soo saarka dunida, taas oo isbahaysigaan, waa haddii uu hirgalo e, yarayn doonta saamaynta cunaqabataynta mareekanka.


Yaa aasaasay nidaamka dhaqaalaha dunida?

Sheekada waxay ka soo billaabatay marki uu mareenkanku aasaasay nidaamka dhaqaalaha dunida, oo uu ku jaangooyoy doollarka shirki Bretton Woods ee 1944ki, dowladihi shirkaas ka soo qayb galayna way ku raaceen, ayada oo lagu ballamay in ay dowlad walba ay dahabka uga guuri karto doollarka marka ay u baahato. Laakiin mareekanka ayaa billaabay in uu doollar badan daabacdo xilligi uu ku jiray dagaalki uu la galay fiyitnaam, dagaalkaas oo billowday 1956 socdayna ku dhawaad 20 sano. Sanadki 1967di madaxwaynihi faransiiska charles De gaulle oo jawaab ka bixinayo daabacashada mareekanka ee doollarka badan ayaa amray in doollarka yaallay faransiiska lagu badalo dahab, dowlado kale ayaa ku raacay tillaabbadaas faransiiska. 1971di ayuu madaxwaynihi mareekanka richard Nixon, ka baxay heshiiski Bretton Woods, wuuna diiday in dahabka lagu badasho doollar.



Nidaamka batrool doollar ku badalashada (petrodollars)


Billowgi todobaatameeyadi, halki doollarka lagu jaan goyn lahaa dahabka, waxaa la sameeyey nidaam cusub oo doollarka lagu jaangooyay badeecad istiraatijiyadeedka ugu muhiimsan dunida taas oo noqotay batroolka. Laakin doollarki ayaa mar kale loo baahday ka dib dagaalki oktoobar 1973di oo dhex maray yuhuudda iyo carabta, dagaalkaas oo sababay in uu batroolku qaaliyoobo, halki barmiil ama foosto oo ahaa 3doollar ayaa tagay 12doollar. Sidoo kale 1973di waxaa la aasaasay nidaamka caalamiga ah ee lacagaha la isku dhaafsado (swift system) kaas oo uu mareekanku ka maamulo daaha gadaashiisa, isticmaalidda doollarkana la gu qasbanyahay , wuxuu na mareekanka xaqiijiyey in uu gacanta ku dhigo nidaamka cusub ee maamulidda dhaqaalaha dunida, wuxuu na si rasmi ah uga sheegay shirki jameeka ka dhacay 1976di in uu dhammaaday heshiiski Bretton Woods, waxaa na meesha ka baxay in awood la siiyo wax aan doollar ahayn.

Afganbiyo Dhaqaaleed


Todobaatameeyadi iyo siddeetameeyadi dowladda mareekanka waxay taageertay afganbiyo ciidan oo ka dhacay koonfurta qaaradda ameerika iyo yurub. Afganbiyada waxaa loo ga soo horjeeday nidaamyadi ku dhisnaa hantiwadaagga ee dalalka Jili (Chile), Baraasiil iyo Arjentiin. Hadafka laga lahaa afganbiga ayaa ahaa in nidaamka dowladahaas oo ahaa mid ku dhisan hantiwadaag loo bedelo hantigoosad mareekanka raacsan. Sidoo kale mareekanka wuxuu ku guuleystay taageeradiisi uu ku bixiyey hawayneydi ra'isul wasaaraha ka ahayd ingiriiska, Margaret Thatcher, ee qaadatay nidaamka hantigoosadka ku dhisan, sidoo kale wuxuu mareekanka ku guuleystay in uu shirkadihiisa ku faafiyo mandiqadda bariga dhexe, afrika iyo dowladaha dhaca bariga aasiya, shirkadahaas mareekanka ayaa qaatay fursad walba oo ay heli lahaayeen shirkadaha maxalliga ee muwaadiniinta dalalkaas ay lahaayeen, sidaas daraadeed mareekanka wuxuu isku badalay deeqbixiye caalami ah oo dowladaha siiyo amaah ay ku xirantahay shuruud bahdilaad ah, oo macnaheedu noqonayo, weligaa ahaw qaan bixiye, qaan mareekan waa qaaxo kugu maqan. Kuuma ogola horumar, dalkaadina shirkadihiisa ayaa lacag ka sameeyo, umana ogola in lala tartamo, in la cayriyana cidi kuma dhacdo.

Ururka Shanghai (Shanghai Cooperation Organisation)


Si ay uga hortagaan sida uu rabo ka dhigashada mareekanka ee dhaqaalaha dunida, waxay ruushka iyo shiinaha aasaasteen gaashaanbuur dhaqaale, si ay ula tartamaan gaashaanbuurta reer galbeedka, waxay na sanadki 1996di ku dhawaaqeen ururka Shangahaay, waxaana kula midoobey dowladaha aasiyada dhexe, hindiya iyo baakistaan. Halka turkiga iyo iiraan la siiyey kaalin korjoogteeneed. Qorshaha ururkaan waxaa weeyo in ay badalaan midowga yurub oo la il daran dhaqaalo xumo daran, xaaladdiisana lagu tilmaami karo, xaalad odey jirrin oo aan la hubin in uu ka kici doono iyo inkale.


Nidaamka swiftiga ee ruushka


Ka dib marki uu ruushku qaatay karemiya (Crimea) sanadki 2014ki, mareekanka wuxuu ruushka ugu goodiyey in uu ka saari dooni nidaamka caalamiga ah ee lacagaha la isku dhaafsado (Swifty system). Nidaamkaan waxaa isticmaalo wax ka badan 11kun oo iskugu jiro bankiyo iyo hayado dhaqaalo oo caalami ah. Ruushka wuxuu hanjabaadda mareekanka uga jawaabay in uu samaystay nidaam u dhigmo kan swiftiga, wuxuu na taageero ka helay yurub, wuxu na si rasmi ah u hawlgalay sanadki 2017di. Dhanka kale, shiinaha ayaa samaystay nidaam la mid ah kan swiftyga kaas oo shaqo billaabay bishi maarso ee sanadkaan 2019ka.

Qorshaha shiinaha ee Pteroyuan


Shiinuhu wuxuu daaha ka rogay qorshaha uu ku doonayo in uu batroolka ku gato lacagtiisa Yuanka oo dahabi ah, waxaa na jiro heshiis ay isla gaareen ruushka oo dhigayo in ay batroolka iyo naftada ku kala gataan lacagaha maxalliga ah oo ay yareeyaan ku tiirsanaanta doollarka mareekanka. Sidoo kale, dalka funusuwela (Venezuela) wuxuu ku dhawaaqay sanadki 2017da in ay naftada ku gadan doonaan lacag u bedeli doonta doollarka maadaama uu mareekanku cunaqabatayn saaray, mareekanka ayaa arintaan uga jawaabay in uu taageeray afganbigi lala damacsanaa maamulka madaxwayne Maduro Moros.

Isku daygi afganbi ee Turkiga ka dhacay


Ka dib marki uu fashilmay afganbigi lala damacsanaa turkiga 2016ka, Erdugaan wuxuu si degdeg ah u qaaday tillaabooyin uu ku ilaalinayo dhaqaalaha turkiga, isaga oo filayay in uu ku soo wajahanyahay afganbi dhaqaale. Waxaa la keydiyey dahab badan, waxay na xariir dhaw la yeesheen ruushka, iiraan iyo shiinaha, waxay na isku raaceen in la yareeyo isticmaalka doollarka oo la adeegsado lacagaha maxalliga ah.

Mareekanka oo cidiyaha ku dagaallamayo


Tan iyo inti uu kursiga ku fariistay Donald Trump sanadki 2017da, wuxuu isku dayay in uu bedelo qaab ciyaareedka siyaasadeed. Wuxuu cunaqabatayn ku soo rogay shiinaha si uu ugu qasbo in ay shidaalka ka gataan mareekanka oo joojiyaan gadashada shidaalka ruushka. Ciidamada mareekankuna waxay dhoollatus ciidan oo wayn ku qabteen xuduudaha ruushka iyo shiinaha si ay u argagax geliyaan. Sidoo kale, Trum wuxuu iiraan dib u saaray cunaqabatayn dhaqaale si uu ugu qasbo in ay joojiso in ay naftadeeda shiinaha uga gadato lacagtiisa Yuanka ee ay uga gadato doollar. Iiraan, cunaqataynta mareekanka waxay uga jawaabtay tillaabooyin farsamaysan oo ay ka fulisay gacanka khaliijka iyo gudaha sucuudiga ayada oo adeegsanayso maleeshiyaadka ayada ku xisaabsan ee xuutiyiinta. Dhanka kale, midowga yurub wuxuu caddeeyey in uu san joojin doonin la macaamilka iiraan ee dhanka isdhaafsiga ganacsiga. Kaligii socoshada mareekanka ee muujineyso sida ay uga soo horjeeddo dunida inteeda badan, waxaa sababay qaabdarrida uu u wajaho dhibaatooyinka ka taagan dunida.

I-Diinaar


Ayada oo uu jiro loolankaas xooggan oo ay dunidu ugu jirto sidi loo heli lahaa isbaddel dhaqaale oo aan cid gooni ah u xirneen, umaduhuna ay isku raacayaan wax na iskula qabsanayaan hadba sida ay danahoodu iskugu xiranyihiin, waxay dowladaha Qadar iyo Malaysia curiyeen barnaamijki ugu horreeyey oo islaami ah oo dahabi ah kaas oo ay ugu magac dareen I-Diinaar. Waana qorsho ka qayb qaadan karo in xal loo helo dhibaatooyinka dhaqaale ee ay dunidu wajahayso.

Maxaa lagu maagay, Sadaam iyo Qadaafi?


Saddaam, inta uu san mareekanku ugu marmarsiyoon in uu haystay hubka aadka wax u gumaado, wuxuu billaabay in uu shidaalka ciraaq ku gado lacagta yuuraha (euro), waa na waxa kaliya oo uu eersaday. Sidoo kale qadaafi wuxuu waday qorsho uu ku sameynayay diinaar uu ugu magac daray diinaarka afrika, asaga oo damacsanaa in uu ku badalo farankaha faransiiska ee laga isticmaalo dowladihi uu faransiisku guumeystay ee dhaca bartamaha iyo galbeedka afrika.Aruurinta dahabki lagu samayn lahaa diinaarka afrika ayaa la soo gabagabeeyey bilooyin ka hor inti ay san kicin duufaannadi kacdoonka liibiya, halkaas oo ay faransiiska iyo mareekanku fursad ka heleen, si toos ah na u farageliyey liibiya si ay dedeg ugu ridaan qadaafi iyo maamulkiisi.
Ma kula tahay in uu markaan guuleysan doono isku dayada ay wadaan, dalalka Ruushka, Shiinaha, Turkiga, Iiraan, Qadar, Malaysia iyo Fenusuwela oo ay ku doonayaan hergelinta nidaam cusub oo dhaqaale oo ay dunidu yeelato, mise waxay mari doonaan wadadi sadaam iyo qadaafi ay mareen?!

WQ. Mohamed H. Biikole
binbiikole1@gmail.com

Raad Media

Previous Post Next Post