Dalka morotaniya, ama jamhuuriyadda islaamiga ah ee murataaniya, oo ay caasimaddiisu tahay nawaakshood, luuqadda rasmiga ah ee looga hadlo waa carabiga, waxaana jiro afaf kale oo maxalli ah.
Nidaam dowladeedka dalka waa jamhuuri ama dowladda dhexe ayaa dalka ka wada taliso. 28Ki November, 1960 ayay ka xoroobeen faransiiska oo ka mid ahaa dalalki guumeystay dalal badan oo ka mid dalalka qaaradda afrika.
Juqaari ahaan, dalka murataaniya wuxuu dhacaa, galbeedka qaaradda afrika, dhanka waqooyi waxaa daris kala ah, dalalka marooko ama loo yaqaano almaqrib alcarabi, iyo dalka aljeeriya ama aljazaa'ir, dhanka barina waxaa daris kala ah, dalka maali, halka dhanka koonfureed uu daris kala yahay dalka sinagaal. Dhanka galbeedna waxaa ka saaran badda atlantigga. Cimilo ahaan, dalka moritaaniya waa saxaro kuleel badan, oo qallalan.
Dadka reer murataaniya waxay iskugu jiraan dad carab ah oo cadcad oo asalkooda galo yaman iyo carab madmadow oo soomaalida u eg, waxaad ba isleedahay qabiilada soomaalida ah ee sheegta in ay carabyihiin, moritaaniya ayay ka soo hayaameen quroomo hore, dadkaan soomaalida u eg waxaa loo yaqaanaa, amaaziiqiyiin, sidoo kale dadka reer moritaaniya qaar ayaa u eg afrikaanka caadiga ah ee laandheeraha ah. Dhanka diinta, dadka reer muritaaniya waa muslimiin 100% hadal kama taagno.
Wax soosaarka dalka uu dhaqaalihiisa ku tiirsanyahay waxaa ka mid ah, macdanta birta, nuxaasta ama maarta, dahabka, malaayga iyo timirta.
Carabta waxay dalka murutaaniya ku naanaysaan, dalki malaayiinta gabyaa, بلد المليون شاعر. Laakiin reer moritaaniya waxay ku kaftamaan in ay yihiin dalki malaayiinta siyaasi, بلد المليون سياسي, waxaa ku badnaa dalka in xukunka lagu kala qabsaday afganbi ciidan, ayada oo ay madaxwaynayaasha qaarkood ay laba sano kaliya talada hayeen.
Ka hor inta uu san faransiisku dalkaan u bixinin moritaaniya, oo ah erey laatiin ah oo macnihiisa lagu sheego cadaan, ama dhulki dadka cadaanka, waxaa loo yaqaanay shanqiidh, dadkana waxaa loogu yeeri jiray shanaaqidho. Waxaa loogu magac dari jiray magaalo ku taalo waqooyiga dalka oo lagu magacaabo shanqiidh, waxay ahayd magaalo loo xereysto oo ay culumo badan ku noolaayeen, lagana soo barto diinta iyo carabiga. Ilaa maanta dalka moritaaniya waxaa loo aadaa barashada diinta, waxaana ku yaalo xarumo waawayn oo diinta islaamka lagu barto oo looga yimaado dacallada dunida, qaabka wax loo bartana waa nooca xalaqaatka ee masaajidda wax lagu barto, goobaha wax lagu bartana waa goobo ka fogfog magaalooyinka oo baadiyo saxaro ah, qofki doonayo in uu diinta iyo carabiga soo barto, ama carruurtiisa uu baro moritaaniya ha u sahan tago, waxaan rajaynayaa in uu mowduucaan gaaro soomaali badan oo dalka moritaaniya wax ka barato ama ka soo baratay, oo faahfaahin ka bixin doono sida wax looga barto dalka.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa, barnaamijka, laba dhaqan oo leeyihiin reer muritaaniya, kuwaas oo kala ah, in ay hablaha ama dumarka shukaansadaan ragga, dee sida caadiga ah ragga ayaa dumarka shukaansado oo soo xero gashada laakiin gabdhaha reer murataaniya ayaga ayaa kuu imaanayo si ay kuu shukaansadaan, dhaqanka kale oo ay leeyihiin waxaa ka mid ah, in ay xaflad u samaystaan furriinka.