Ku barbaarinta ubadka tubta toosan waa fan iyo hawl ay yartahay inta sugi karta. Waa fan laga qoray buugaag waaweyn iyo kuwo yaryarba. Halkaan waxaan kuugu soo gudbin doonaa qodobbo kooban oo aan rajeynayo in ay anfici doonaan waalid waliba oo doonayo in uu u badkiisa ku hago tubta toosan.
Caqiidada
1. Bar ubadkaada kalmadda towxiidka, waxa ay nafareyso iyo waxa ay naga reebeyso.
2. Bar ujeedada naloo keenay koonka ee ah in aan caabudno Allihi na abuuray.
3. Ha ku badin ku cabsi galinta naarta, ciqaabta iyo carada ilaahay si uusan Ilaahay uga qaadan malo xun.
4. Ku beer jacayka Ilaahay sababtoo ah waa midki na abuuray noona fududeeyey ku dul noolaanshaha koonkaan.
5. U sheeg in uusan sameyn waxyaalaha xun xun marka uusan kula joogin ama uu kaligiisyahay sababtoo ah Allaa u jeedo.
6. Bar hal-kudhegyada wanaagsan, ducooyinka iyo adkaarta maalin laha ah ee nabiga ka sugnaaday.
7. Ku beer jacaylka shakhsiyadda rasuulka (SCW), ku sallintiisa mar walba oo uu maqlo magaciisa. Uga sheekee qisooyinkiisi, hab-nololeedkiisi iyo akhlaaqdiisi.
8. Bar ku qancidda qadarta iyo qadaha Ilaahay. Wuxuu doono ayaa dhaco wuxuusan dooninna ma dhacaan.
9. Bar ubadkaada lixda tiir ee Iimaanka.
10. Joogtee u bandhigidda ubadkaada weydiimo la xariira caqiidada sida; waa kuma Rabbigaa? Nabigaada? Diintaadu waa tee? Maxaa naloo abuuray? Yaa na quudiyo, na waraabiyo na caafiyo? Muxuu yahay shirkiga, munaafaqnimada iyo Gaalnimada?. U sheeg halka ay ku danbeeyaan gaalada, mushrikiinta iyo munaafiqiinta ugana dig marinkooda xun iyo ku dayashadooda.
Ku Xirnaashaha Rabbi
11. Bar caruurtaada shanta tiir ee islaamka.
12. Bar ubadkaada salaadda iyo qaabka loo tukado. “Fara ubadkiina salaadda marka ay toddoba jirsadaan kuna qaraaca marka ay toban jirsadaan”.
13. U wad masaajidda oo bar sida loo weyseysto.
14. Bar aadaabta masaajidda, ixtiraamkooda iyo muqaddasnimadooda.
15. Bar soonka si uu marka uu weynaado ula qabsado.
16. Ku tarbiyee xifdinta qur’aanka inta uu awoodo, axaadiista iyo adkaarta sugan ee saxiixa ah.
17. U samee abaal-marin mar kaste oo uu ubadkaadu kobciyo xifdiskiisa.
18. Haku dhibin caruurtaada in ay wax badan xifdiyaan oo ay u arkaan ciqaab kadibna nacaan xifdinta qur’aanka.
19. Ogow in aad caruurtaada u tahay hogaamiye ay ku daydaan sida aad ugu firfircoontahay ama aad uga gaabiso ku xirnaashiyaha Ilaahay ayey iyaguna noqonayaan.
20. Bar ubadkaada sadaqada iyo wax bixinta. Wax sadaqee asagoo ku arkaaya ama kula socda. Asaga u dhiib waxa aad bixineyso si uu usiiyo miskiinka ama u sheeg in uu sadaqeeyo lacagtiisa jeebka ugu jirto ee aad horay u siisay.
Akhlaaqda
21. Haddii aad dooneysid in ay carruurtaada runta bartaan haku beerinnaftooda cabsi. Mar walba oo ay kaa cabsadaan waxay isku dayi doonaan dhisidda xeelad ay kaaga badbaadaan.
22. Ku dadaal run sheegidda si ay caruurtaada ay kaaga bartaan.
23. Uga sheekee wanaagga iyo fiicnaanta runta iyo amaanada.
24. Tijaabi amaanada canugaada asagoon ku fahamsaneyn.
25. Bar sabirka iyo kaadsiimaha iyo degenaanta.
26. U caddaalad samee carruurtaada waxay u horseedeysaa barashada caddaaladda.
27. Uga sheekee caruurtaada dhibaatooyinka xun xun ee ka dhasha khiyaanada, beenta,isdaba-marinta iyo xatooyada.
28. Haddii uu canugaada la yimaado karti dheeraad ah dhiirra geli oo abaal mari, una sheeg in ay geesinnimadu tahay in aad sameyso wax wanaagsan ee dadka wada anfacaya.
29. Ha noqonin qof addadag oo kulul oo aad caruurtaada ku riixdo in ay noqdaan kuwo fulaya ah oo been badan.
30. Bar baarrinnimada, u dhimrinta dadka kale iyo isla-weynnimo la’aanta.
31. U sheeg dadku in ay ukala fiicanyihiin sida ay Ilaahay ugu kala dhawyihiin ee aan lagu kala fiicnayn qabiil, nasab, jago iyo hanti.
32. Bar xumaanta dulmiga, cirib xummida gardarrada iyo qaabdarrida khiyaanada.
33. Bar kala duwanaanshaha dabeecada uusan kala aqoonin sida; geesinnimada iyo doqonnimada, xishoodka iyo cabsida, caaqilnnimada iyo khaa’innimada.
34. Ha uga bixin ubadkaada ballamaha aad la gasho si uu u barto ballan awfinta.
Hab Nololeedka Wanaagsan
35. Salaan ama bariidi ubadkaada marka aad kulantaan kala maqnaasho kadib.
36. Ha fududeysan in aad cawradaada ku banneyso carruurtaada hortooda.
37. Ula dhaqan dariskaada qaab wanaagsan.
38. Bar carruurtaada xuquuqda dariska iyo xumaanta dhibkooda.
39. U baarri samee waalidkaada, xariiri qaraabadaada adigoo kaashanayo carruurtaada.
40. U sheeg ubadkaada in ay dadka jecelyihiin ilmaha wanaagsan ee akhlaaqda wacan leh ee aan dadka kale dhibin.
41. U qor canugaada dhanbaal xambaarsan hal-kudhegyo iskugu jiro dhiira galin, dardaaran iyo naseexo.
42. La fadhiiso carruurtaada lana wadaag mar walba mid kamid ah qisooyinki iyo hab-nololeedki nabiga Scw kadibna waxaad weydiisaa waxa ay ka faa’iideysteen qisooyinka aad uga sheekeysay.
43. Ugu nasteexee canugaada si keli ah ama sir ah hana ku canaanan dadka hortooda.
44. Ka idin dalab/ku qaraac albaabka marka aad dooneysid in aad gasho halka ay degenyihiin carruurtaada si ay kuugu ogolaadaan in aad usoo gasho. Taas waxay u horseedeysaa in ay bartaan aadaabta idan-weydiisashada guryaha.
45. Ha filan in uu canugaada horay ka garto waxa aad dooneyso, sabar iyo ku celcelin ayey u baahantahay.
46. Ha hilmaamin in aad bisinka ku billawdo cuntada adigoo kor u qaadayo si uu canugaada u maqlo sidoo kale marka aad ka baxdo cuntada mahdinta eebbe la wadaag ubadkaada.
47. Is hilmaamsii khaladaadka qaar ee ka dhaca ubadkaada. Halla daba istaagin canaan joogta ah.
48. Ka cafis dalab ubadkaada marka aad ka khaldantahay.
49. Ha yasin hadalka ilmahaada iyo falalkooda qaar.
50. Bar ubadkaada soo hababka soo dhaweynta, hambalyeynta iyo marti soorka.
51. Ka dhigo canugaada saaxiibkaada kowaad.
Dhisidda Muuqaalka Ilmaha
52. Sii ubadkaada waqti ku filan oo ay ku cayaaraan.
53. U door ubadkaada cayaaraha faa’iidada u leh.
54. U ogolow in uu canuggaada doorto cayaarta uu rabo, mararka qaar.
55. Bar dabbaasha, orodka iyo cayaaraha u sahlayo in uu ad-adkaado.
56. U ogolow mararka qaar in uu kaaga guuleysto cayaar aad wadaagteen.
57. Ugu dadaal cunnooyinka isku dheeli tiran.
58. Mar walba u samee cuntada uu jecelyahay.
Kobcinta Garaadkooda
59. Si fiican u dhageyso marka ay ilmahaadu kula hadlayaan adigoo u muujinayo in ay sheekadooda kugu socoto.
60. Faraha uga qaad ubadkaada xallinta caqabadaha lasoo darso, kuna caawi xallinteeda iyaga oo aan ku ogaanin.
61. Ixtiraam carruurtaada una mahadceli marka ay hawl wanaagsan qabtaan.
62. Ka ilaali carruurtaada dhaarta badan una sheeg in aan rumeysaneyso iyaga oo aan dhaaran.
63. Ka fagow ereyada handadaadda iyo cabsi galinta leh sida “hadaanan ku bireynin, hadaanan laba kaa kala dhigin, maantaad I baran doontaa” iyo hadallada la midka ah ee carruurta ka dilayo maskaxda.
64. Ha dareensiin canugaada in uu yahay qof xun ama ah damiin aan waxba fahmi karin.
65. Ha dhibsan su’aalaha badan ee uu canugaada ku weydiinayo, isku day in aad uga jawaabto su’aal waliba oo uu ku weydiiyo adigoo qancinayo si koobanna ugu jawaabayo.
66. Ku qabo canugaada laabta (hab sii) adigoo dareensiinayo sida aad u jeceshahay.
67. Kala tasho canugaada arrimahaada kuna dhaqaaq taladiisa.
68. Dareensii canugaada xoogaa xoriyad ah si uu go’aanno u gaaro. Taas oo u fududeyneyso maaraynta noloshiisa marka ay noqoto in uu noolaado keligiis.
La Dhaqanka Bulshada
69. Ka qeyb geli ubadkaada dhaqdhaqaaqyada bulshada, sida tartamada, cayaaraha iyo waxyaalaha la midka ah ee u horseedi kara in uu bulshada dhex galo.
70. Ka dhig canugaada soo dhaweeyaha martida guriga timaada sida in uu u geeyo shaaha, kuraasta iyo waxyaalaha lamidka ah.
71. Soo dhawee carruurtaada marka ay kuu yimaadaan adiga oo asxaabtaada la jooga.
72. Bar canugaada shaqada iyo sameysashada quud xalaal ah.
73. Ku beer canugaada la xanuunsashada dadka dhibban iyo kaalmayntooda inta la karo.
74. U dir canugaada qabashada hawlahaada qaarkooda adigoo dareensiinayo sida aad ugu kalsoontahay.
Caafimaadka
75. Ilaali caafimaadka ubadkaada.
76. Ka ilaali qaadashada daawooyinka uusan dhaqtar u soo qorin ama qaadashada in kabadan inti loogu tala galay.
77. Ku akhri ubadkaada qur’aanka iyo ducooyinka sugnaaday.
78. Bar carruurtaada in jiiftaan xilli hore soona kacaan waqti hore.
79. Ka dhig ubadkaada kuwo ilaaliyo nadaafadda jidhkooda, ilkahooda iyo dharkooda.
80. Ha sugin ilaa uu xanuunka soo rito canugaada.
81. Ka fogee carruurtaada dadka qaba xanuunada la isqaadsiiyo.
82. Ha dareensiin canugaada khatarta cudurka hayo.
Kobcinta Aqoonta Carruurta
83. Weydii cauurtaada hal-xiraalayaal.
84. U dir curisyo ay kasoo diyaariyaan mowduucyo aad siiso.
85. Isku day in aad akhriso mar walba waxa uu qoro canugaada.
86. Ku dhiirra geli canugaada akhriska.
87. Ku dhiirra geli xifdinta gabayada, maahmaahyada iyo qoridda afka hooyo.
88. Ku dhiirra geli in uu si fiican u barto luuqad kale oo caalami ah sida carabiga ama ingiriisiga.
Abaal Marinta iyo Ciqaabidda
89. Abaal mari mar walba, hana ciqaabin mar waliba.
90. Ukala badbaddal waxyaalaha aad ku abaal marineysid, lacag un ha uga dhigin; mararka qaar uga dhig safar aad isla baxdaan, dalxiis, hadiyad, ama in aad u ogolaato in uu raaco saaxiibadiis.
91. Sidoo kale u kala badbaddal qaababka aad u ciqaabeyso (u edbineyso) qaraacidda haka dhigin qaabka aad ugu jeceshahay. Waxaa jiro u indha guduudin, canaan, xariirka oo loo jaro muddo kooban, fursadihi lasiin jiray ee uu ku ciyaari jiray oo laga jaro.
92. Ogow edbinta waxaa ugu wanaagsan tan ku hoggaamiso ubadka tubta toosan ee ka joojineyso ilmaha ku noqoshada qaladka.
93. Ogow nabiga Scw waligi ma qaraacin adeegihiisa.
94. Haku ciqaabin qaladka kowaad.
95. Ha ciqaabin carruurtaada ilaa ay ku dhibsadaan oo ay nacaan muuqaada iyo muuqaalkaada.
96. Haku qaraacin ilmahaada dadka hortooda.
97. Ha qaraacin marka aad xanaaqsantahay.
98. Ha qaraacin kaddib marka aad u sheegto in aadan qaraacaynin ilaa uu kugu kalsoonaan waayo.
99. Ciqaabkaadu ha ahaado edbin, yuusan noqon cadaabid.
100. Marka aad ciqaabto ubadkaada u sheeg sababta aad u ciqaabtay.
—– Dhamaad—–
Waxaa soo gudbiyey
Mohamed H. Biikole.
Mohamed H. Biikole.
Waad sii faafin kartaa.
(C) BiikoleSom Media