Fahamka Xuquuqul Insaanka


Xuquuqul insaanka waxaa loo yaqaanaa xuquuq isku xirto bani aadamka si walba oo ay u kala duwanyihiin, jinsi ahaan, midab, af iyo diin. Ama kala duwanaasho dhalasho,
deegaan iyo wax walba oo lagu kala duwanaan karo. Guud ahaan bani aadamka waxay xaq u wada leeyihiin, in ay helaan xaquuqdi insaannimo, oo uu qof walba u helo si siman oo aan kala sooc lahayn. Waxaana loo yaqaanaa xuquuq ay muqaddas tahay in la wada ilaaliyo oo dhamaystiran oo aan kala qaybsamin.
Si loo wada ilaaliyo xuquuqda insaanka, waxaa jiro heshiisyo iyo qawaaniin lagu heshiiyey si caalamiya oo ciddi ku xadgudubtaa ay tahay in tillaabo adag laga qaado.
Noocyada Xuquuqda Insaanka
1. Xuquuq asaasi ah. Waa xaq uu qofka si shuruud la'aan ah ugu baahanyahay. sida xoriyadda iyo noolaanshaha. Waa barbillowga xuquuqda aadanaha haddii aysan xuquuqda asaasiga ah jirin xuquuq kale oo la raadiyo ma jirayso.
2. Xuquuq aan asaasi ahayn. Waa xuquuq dhamaystirayso xuquuqda asaasiga ah, waxayna saldhig u tahay sharafka iyo karaamada insaanka. Waana xaqa uu qofka u leeyahay in uu fakarkiisa cabbiro, wax lahaado iyo in uu samaysto dhaqdhaqaaqyo ka shaqeeyo arrimihiisa.
3. Waxaa jirto xaquuq fardi ah oo ah in uu qof walba xaq u leeyahay in uu siduu doono u noolaado ayada oo aan arrimihiisa LA faragelineynin. Tusaale qof walba wuxuu xaq u leeyahay, in uu soo bandhigo fekerkiisa ayada oo aan la cunaqabatayn lana jirdilin, sidoo kale wuxuu xaq u leeyahay in uu helo waxbarasho, shaqo iyo in uu ku biiri karo meesha uu doono.
4. Sidoo kale waxaa jirto xuquuq jamaaci ah, oo si guud loo wada raadiyo loona wada ilaashado.
5. Xuquuqda rayidka iyo siyaasadda.
Rayidka: waa helitaanka amni iyo nabadgelyo, dhaqdhaqaaq xor ah iyo ixtiraamka.
Xuquuqda siyaasiga: in aan la adoonsan, in uu qofka siyaadda ka qayb geli karo iyo wixi la mid ah.
Cumar bin khadaab wuxuu yiri: Sideed u adoonsataan dad ay dhaleen hooyooyinkood iyaga oo xor ah.
Raad Media

Previous Post Next Post