Goorti Dayaxa La Tagay

Maalinbo waa cayn, sanad walbana amuurihiisa ayuu wataa.
Sanadki 1969ki adduunka waxaa la yaab ku noqotay dayaxaa la tagay. Waa lawada kacay madaxaa gacmaha lawada saartay macquul ma ahan. Waxaa ugu darnaa dunida muslimka sinnaba dadka wey u aamini waayeen dayaxaa la tagay.
Dood iyo muran xooggan ayaa la galay. Muslimiinta waxay weydiinayeen culumada sida ay arrintaas macquul ku tahay. Qaar waxay ku doodayeen dayaxu waa ileys meel yaallo ee ma ahan shey inta la tago la fuuli karo. Jawaabti ugu habbooneyd sidaan aniga isleeyahay ee culumada islaamka ay bixiyeen waxay ahayd: bal in ay marka hore muslimiinta isku dayaan in ay dayaxa tagaan markaas ka dib ay doodda noo furantahay ama aan soo ogaanno in la tagi karo ama aan tagno.
Armstrong iyo kooxdiisi oo adeegsanayay dayax gacmeydki Apollo 11 ayaa ku guuleystay in ay noqdaan dadka ugu horreeyey ee dayaxa soo sahmiya.

Abwaanka weyn ee soomaaliyeed Cabdullahi Dhoodaan (AUN) oo mar dhaw aan ubaa aduunkii ka dhacay wiiggan maanta ahe, dhulkiiba laga wada guuryoocirkaa loo tartamayaaye,
Xiddigaha dushoodaa dhawaan laysku haystaaye, aboolo 11 baa kharibay dad aan la koobeyne
Suuqa kolkii aad u dagtaba buuq haddaad maqasho dayaxay tageen iyo ma tegin muranku weeyaane,
Wadaaddadii jilbooday iyo casrigu wey isdilayaane ilkihii rag laga daadiyay bey galabta soo sheegeene.
Yuri Gaagiriin baa la yimid howshan oo idile , isagaaba wareerkaa baday dunidii fiicneyde
Awal waa la wada diidi jiray oo la beensadaye, hadda uun bey xaqiijinayaan oo waa la hubaaye
Armstrong-ba waa kii dayaxa ciid ka soo raraye oo luna iyo aboolaa la dhigay calamoodiiye
Hadaynan inana boodin oo meel kasii dayan Afrikaanku baashuu lahaa waa la degayaaye
Nin seexdaa sicii dibi dhal oo horaa loo sheegaye, orgi fuulayaa iyo qabaal miig ka dhiganayaaq
Toddobaadkan waa inaanu samada aadnaa .
Dhoodaana
Taariikhda dunidaa,
Iyadoo is daba taal,
Ninba meel ku tuurtee,
Anniguna tusmaystoo,
Qayrkay halkuu tegay,
U tabaabushaystee,
I taageer allahayow.
Axmed Mooge
Raad Media

Previous Post Next Post