Soomaaliya waxaa ay soo martay marxaladdo ay wadamada adduunka badankoodu soo mareen. Walibo waxaa dheer in Soomaalidu aanan maskax ahaan marna u dib dhicin oo ay marxalad kaste oo adag kadhaxlaysay qibrad iyo hor usocosho shaqsi iyo mid umaddeedbo.
Waxaan han wayn iyo iftiin ummadeed kaqabaa inta qalinka haysa maankana kuhaysa inay dalkii kuhormariyaan, kuna hormariyaan aragtidooda iyo cilmiyadda kala duwan ee ay baranayaan. Kuwaas la imaan doona cilmiga aqooneed ee Bariga adduunka , Galbeedka adduunka, Waqooyiga adduunka iyo Koonfurta adduunka oon qayb kanahay.
Waan awoodnaa inaan dunida hogaamino anaga oo kafaa´iidaysanayno 4 qayraad oo eebe noogu deeqay. 1- Dal kuyaallo meel caalamka u ah muhiim dhan ganacsi, dalxiis, militari iyo waxkaste oo aadanaha iskuxira. 2- Qayraad dabiici ah oo nooc walbo leh kaas oo dunidu isla qirtay inaanan laga faa´iidaysan karin sida Carabta, Afrika iyo Latin Amerika looga faa´iidaystay qayraadkooda looguna dhistay dalal umadda kale ayaga oo dadkoodii iyo dalkoodiiba macaluul iyo cuduro u dhamaanayaan. Qaabkaas Soomaaliya waxay tiri maya waana arrin qiima badan noo leh. 3- Ummad leh han iyo kal adayg dabiici ah oo aaminsan qadiyadda ummadnimo iyo jiritaanka Soomaalinimo. 4- Umadd hantiday ilbaxnimadda caalamka oo dhan taas oo fursad noo siisay inaan aqoonta caalamka oo dhan la imaano dalkeena kadibna inta tifatirna ka aqaadano waxii dalkeena iyo ummadda Geeska Afrika anfacaya si aan ugu hormarino siyaaasadeena, aqoonteena iyo hormarinta ganacsi ee dalkeena.
Balse waxaan shaki kaqabaa waxa uu noqon doono hankeena siyaasadeed. Kaas oo ah kan kali ah ee jeexi karo hormar iyo muuqasho wadannimo si caalamku u helo waddo rasmi ah oo ay kula macaamilaan Soomaaliya (Geeska Afrika) u hesho mansab adag oo siyaasi ah. Kaas oo ilaalinayo guud ahaan siyaasada mandaqada Geeska Afrika.
Waaan aaminsanahay inaan samayn karno aragti hufan kana madaxbanaan maalin kunaax, musuqmaasuq, qabyaalad, hanyari, nin jeclaysi, eex iyo aragti kusalaysan qabiil, dil iyo cadaalad darro. Sababta nagu sababayso inaan kagudubno tani waxaa ugu horayso cashiro aan kaqaadanay o 100-kii sano ee lasoo dhaafay. Qibraddaas ayaana noo sahlayso inaan dhisno aragti siyaasadeed oo leh han leh ujeed, raad reeb iyo cadaalad ladeeqsiiyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee Geeska Afrika. Si dalka iyo dadka Geeska Afrika looga hergaliyo dowlad leh sal balaaran iyo tiirar adag hogaana ay u hayaan dad ay ku adagtahay qadiyadda Geeska gaar ahaan Soomaaliya.
Dhisidda iyo taaba galinta dowladnimada iyo aragtida aan kor kuxusay waxay u baahantahay dad bilaabo oo meel mariyo. Waxaana aaminsanahay inay yihiin inta qalinka u sidata ummadda siday usamata bixin lahaayeen ee aan u wadan dano kale iyo in qofkaste oo Soomaali ah masuuliyadda asagu isa saaro si looga baxo caqabadda hortaagan hanaanka Dowladnimo iyo askumidda Soomaali leh Xoog caqli, mid aqooneed, mid qibradeed iyo mid militari, lana tacaasho caqabada dabiiciga ah iyo iinsaaniga ah ee soo wajaha caalamka iyo umaddaha adduunka.
Adiga ayaa bilaabi karo Soomaaliya awood leh! Haka sugin cidkale inay kuu hergaliso ee adigu isku tasho joojina dilka, qaska, carqaladaynta iyo Dowladnimada taas oo ah meesha kali ah ee wax laga dhiraandhirin karo.
"Han iyo ujeed ayaa inoo balan ah Soomaali wayn"
Wq. Xasan Bile Mohamed