Waa gurigayga hortiisa, may ee gadaashiisa oo labo albaab ayuu leeyahay. Dhowr sawir kollay waad aragteen oo buugaag ay ka dhex muuqdaan. Waa meel ay cagtu ku yartahay dhanka baabuurta la dhigtana aan ahayn, sidaas darteed ayaan kursigayga halkaas u la baxaa si aan wax ugu akhristo. Qof qof soo mara waan arkaa. Gabadh eygeeda lugaysiinaysa, Mid ey weyn ciyaarsiinaya, qof gurigiisa u socda, iyo labo sheeko isugu baxayso oo lug igu hormarayaba waan arkaa ma se badna. Miis iyo labo kursi oo bir ah oo dhexda laga dhisay ayaa ku yaalla oo loogu talagalay dadka deggan xaafaddu inay ku fadhiistaan marka ay rabaan. Wax yar ayuu iga fog yahay laakiin hortaydaas ayuu yaallaa. Badanka lama isticmaalo balse waxa jirta naag caddaan ah oo galab walba abbaaro 7da marka ay tahay iyadoo tallaabada dedejinaysa gurigeeda inta ay ka soo baxdo halkaas fadhiisata. Marka aad sheedda ka aragto waxa aad isleedahay meel ayay ku ordaysaa balse marka ay miiska la simantahay ayaad ogaan inaanay meel kale u socon. Oo tolow xaggey ku ordaysaa? Midh sigaar ah ayay la soo baxdaa oo budh ka siisaa. Waa abuu xaraare ay xaraaraddu soo saartay. May aan umu xaraare dhoho illeen nin ma ahee. Waa caddaanka Yurub ka yimi oo had iyo jeer iyadoo taleefanka ku hadlaysa ayay so baxdaa luqad aanan fahmaynna waan maqlaa marmar ay codka kor u qaaddo, marka ay xaraaradda iska bi’isana gurigeeda ayay ku noqotaa. Dalkan inta badan sigaarka guryaha iyo meelaha dhismayaasha laga ma oggolo oo way kadeedan yihiin sigaaryacabku. Marmar ayaan isidhaahdaa weydii halka ay ka timi oo iska daandaanso haddana baladaas caddaanka ah ha isku furfurin ayaan idhaahdaa yaanay sigaar kugu qarqine.
Maxaan ku xusuustay?
Haa, waxa jira labo dumar ah oo indhoyar ah oo guriga midigta xiga deggan oo hortayda soo mara. Runtii wax badan ma arkin oo inta badan buuggayga ayaanba ku fooraraa ee show iyaga ayaa maalin walba Meesha igu hormara. Way i faduuliyeen oo hadalku si uu ku bilaabmayba waxa ay isla markiiba ii sheegeen inay mar walba igu arkaan anigoo halkan fadhiya. Waxay dheheen aad ayaad wax u akhridaa. Waa labo qof oo kala weyn mid ayaa ta kale dhashay ama waa walaasheed ka weyn ayaan isleeyahay. Laakiin way adagtahay inaad qiyaasto da’da indhayarta oo Ilaahay baa u xilqariyay oo mooji isle’ekaayeenna. Tii aan islahaa way weyn tahay ayaa igu tidhi: “Qoftan ayaa sidaada aad wax u akhrida oo guriga buugaag ayaa uga buuxda,” iyadoo tii yarayd tilmaamaysa. Waxaan idhi “Oh! Hebla aad ayaad wax u akhridaa?” Magacyada mar dhexe oo aan idiin soo sheeko dhaafay ayaanu isweydaarsannay. “Haa, aad ayaan u jeclahay wax akhriska” ayay tidhi oo haddana raacisay “waan ku amaahin karaa buugaagtayda qaar haddaad rabto.”
“Waa arrin wanaagsan” ayaan idhi aniga oo yara yaabban oo haddana dhoollocaddeyn iyo ‘ilbaxnimo’ muujinaya. Sheeko yar oo gaaban, kaftan yar oo quruxsan, qosol yar oo munaafaqnimo iyo shukaansi kay tahayba uu naga keenay, iyo ballan inaanu buugaagta isdhaafsanno ah kadib way iga dhaqaaqeen anna akhrisakaygii ayaan ku noqday. Waxaan akhrinayay “The Kite Runner” oo qoraagu ka sheekaynayo markii uu gabadha ay isku Afqaanta yihiin ka helay iyo sidii uu ugu marmarsiyooday inay sheeko uu qoray akhriso. Waxoogay dareen ah ayaa i galay haddana madaxa ayaan yara ruxay sidii qof dareenkaas sida habaaska iska hurgufaya. Haddana buugtaas la isdhaafsanayo ayaan u bogay oo aan isku qanciyay in ay ahayd fikrad wanaagsan. Akhriskaygii ayaan ku noqday.
Habeenkii ayaan isweydiiyay arrintii. Waxa ii sawirantay aniga iyo “Hebla” oo buugaag isdhaafsannay marmarna ka sheekaysanayna isla buugaagtii. Waa arrin aad aan ugu bogay inaan jaal akhriste ah is helno oo buugaag isdhaafsi iyo isweydaarsi uu na dhex maro. Waxa aan ka fikiray tolow buugaagta noocee ayay akhridaa oo ay haysaa? Buugaag afkeeda lagu qoray oo haddana la tarjumay ma ka helaysaa si aqoonta dhaqannada dunidu ay kuugu kobocdo? Waxaan ka fikiray buugta anna aan amaahin lahaa. Ma iyada ayaad dookheeda weydiisaa mise kuwo aad adigu u xushay ayaad u dhiibtaa? Tan hore waa ilbaxnimo ta danbese waxaad u dhex qarin kartaa buugaag aad wacyigeeda iyo iimaankeeda ku saamayn karto ama wax uga beddeli karto. Tolow buugaag jacayl oo ingiriisi ku qoran ma kuu yaalleen kollay dhowr carabi ah waad heliye? Oo maxaa jacaylkanna ku xusuusatay ma adigaa og inay waxaas xiisayso? Xisaabahan khaldan ee aad isku dhufsanayso jooji ayaan nafta ku la murmay. Haddana waxay igu qancisay inaanay khaldanayn ee nin rag ahi uu yahay kii tabaabushaysta isuna diyaariya xaalad walba. Bal horta isbarta oo waxay hayso arag ayaan ku go’aansaday.
Calaa kulli xaal waxaad heshay “Book buddy” ayaan haddana nafta ku qanciyay markii danbe.
Shakhsi ahaan waxa aan ku jiraa “Book clubs” online ah oo ay kamid yihiin kuwo ka dhex samaysan Go Reads iyo meelo kale oo carbeed oo buugaagta diiniga ah iyo kuwa fikirka -Muntadayaad- ahba lagu soo bandhigo inkastoo kuwan danbe aanan muddo gelin, kuwa horena akhrintooda aanan badsan.
“Book Club” yar oo aanu samaynnay anigiyo qoftii ayaa ii sawirantay iyo hawshii oo isbarasho dheeraad ahi raacday. Maalinba buug ayaanu wada akhrisannaa marna waanu ku tartannaa. Waxaan arkay anigii oo taraaraxay meel la iga soo qabtana aan joogin. “Interracial marriage” anigoo galay ayaa la i tusay iyo caruur daraawiish ah oo indho yaryar oo la ii dhalay. Kuwii yaryaraa oo aan Nugaal ka dejiyay… Meelahaas markaan marayo ayaan shaydaankii iska naaray.
Labo wiig meeshii ma tegin oo gas ayaanba u siiyay.