Sababta ay dumarku u qalbi jabaan marka xiriir jacayl looga baxo oo la ogaaday

 Sida lagu sheegay cilmi-baaris ay samaysay Jaamacadda Stanford University School of Medicine, dadka jacaylka uu hayo waxaa sare ugu kacaya hormoonka ‘Dopamine’ ee maskaxdooda ku jira, taas oo sabab u ah farxadda iyo niyadda deggan ee ay dareemayaan.

Hase yeeshee, hormoonka dopamine ayaa waxa uu sidoo kale saameeyaa hababka dulqaadka qofka u uku dhaco xanuunka qalbi jabka. 'Broken Heart syndrome'. Xanuunkan wuxuu ku badan yahay haweenka, iyadoo daraasad la sameeyay lagu ogaaday in boqolkiiba 90 dumarka uu qalbi jabka saameeyo.

"Waxaa laga yaabaa sababta inay tahay in shucuurta dumarka ay aad u sarreyso sidaas darteed waxay u badan tahay inuu saameeyn xooggan ku yeesho xanuunkan," ayay tiri Dr. Jelena Ghadri, oo ku takhasusay cudurrada wadnaha iyo daaweynta xanuunka qalbi jabka.

Cilmi-baaristu waxay muujinaysaa in dadka qalbi jabka ku dhaco ay lumiyaan xiriirka nidaamka limbic ee maskaxdooda. Waxayna dhibbanayaashu taas u horseedaysaa inay wajahaan saamaynta shucuureed ee walbahaarka iyo qalbi jabka la soo darsay.'

Inta badan dadka ay saameysey dhibaatada qalbi jabka waxay ku soo kabtaan maalmo ama toddobaadyo gudahood

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Inta badan dadka ay saameysey dhibaatada qalbi jabka waxay ku soo kabtaan maalmo ama toddobaadyo gudahood,

“Markii aan bilownay cilmi baarista, waxaa noo suurtagashay in aan faafinno wacyiga cilmiga ah ee xanuunkan, waxaana sii korodhay heerka cudurka baarista waqti ka dib, taas oo muujineysa in hadda aan si fiican u fahannay xanuunkan, waxaan bilownay in aan wax badan ka ogaanno. maalin uun baan dawo u heli doonnaa.”

Cilmi-baarayaashu waxay aaminsan yihiin in qayb gaar ah oo maskaxda ah oo loo yaqaan 'hind cingulate' ay ka falceliso cadaadiska jirka iyo maskaxda ama xanuunka.

Inta badan dadka ay saameysey dhibaatada qalbi jabka waxay ku soo kabtaan maalmo ama toddobaadyo gudahood, laakiin waxay noqon kartaa mid nafta halis gelisa oo xaaladaha qaarkood keentay dhimasho.

Dr Guy Winch oo ku takhasusay cilmi-nafsiga ayaa yiri: 'Cilmi-baaristu waxay muujinaysaa in ay jiraan isbeddello badan oo maskaxda ah oo u horseeda dadka inay maskax ahaan naafo noqdaan. Sababta oo ah maskaxdu waxay wax uga falcelinaysaa si aad u daciif ah.'

“Dawada ugu wanaagsan ayaa ah inaad ka fogaato dhammaan xusuusaha aad ka hayso qofka aad kala tagteen ama qalbi jabka kuugu riday.”

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

“Dawada ugu wanaagsan ayaa ah inaad ka fogaato dhammaan xusuusaha aad ka hayso qofka aad kala tagteen ama qalbi jabka kuugu riday.”

Waxa uu sheegay in 'dadka qaar ay la qabsadaan daawashada sawirada qofkii ay kala tageen, iyagoo u arka inay niyadda ugu qaboobeysa balse dhab ahaantii taas kaaga sii dareysaa xanuunka ku hayo oo waxa ay qaadanaysaa wakhti dheer in aad ka bogsato.'

“Dawada ugu wanaagsan ayaa ah inaad ka fogaato dhammaan xusuusaha aad ka hayso qofka aad kala tagteen ama qalbi jabka kuugu riday.”

Qalbi jabku wuxuu noqon karaa waayo-aragnimo aad u xun, sidoo kale wuxuu kugu noqon kartaa mid aad u xanuun badan., ayuu yiri Dr Guy Winch, 'Balse wuxuu sheegay in laga yaabo in dhibaaytada aad ka dhaxashay qalbi jabka ay uur ku taallo kuugu noqoto.

Isaga oo arrimahaas sii faahfaahinaya waxa uu Dr Guy Winch yiri, ‘Jacaylku waxa uu maskaxdeenna ugu kaydsan yahay sida balwadda oo kale, sidaa darteed markaad qof la qabsato oo aad kala tagtaan, waxay la mid tahay sida qof balwad isticmaalayay oo iska joojiyay.'

BBC

Raad Media

Previous Post Next Post