Ibnu Zuhri : Aabbaha Cilmiga Caafimaadka

 


Hordhac

Qarniyadii dhexe, aqoonta dhanka caafimaadka ee Yurub taallay, waxay dhex dabbaalanaysay jahli iyo dhalanteed, dhakhaatiirta reer yurub na waxay la mid ahaayeen saaxiriinta, aqoonyahankana kuma tirsanayn, waxaa loo arkayay kitaab-gaablooyaal caqabad ku ah rabitaanka rabbaaniga ah ; Kaniisaddu waxay ku adkaysatay in cudurku ka dhasho marka uu jinku qofka galo, ama qofka bukaanka ah oo ay haleesho awood xooggan oo ka timid dhanka sare si loogu ciqaabo danbi uu galay; Sidaa awgeed, dawaynta keliya ee cudurku lahaa waxay ahayd in loo maro qaab diimeed.

Bedelka in bukaanka daawo loo qoro waxaa ku jiray in bukaanka lagu daro wadaad ku soo tufo una soo duceeyo. Kaniisaddu way ka soo horjeedday wax kasta oo badbaadinaya jirka laakiin khatar gelinaya nafta, sidaas daraadeed ayuu pope-ku u mamnuucay qalliinka. Dhaqaatiirta waxaa lagu qanciyey in uu san doorkoodu ahayn in ay wax daweeyaa laakiin shaqadoodu tahay in ay daraasadeeyaan oo ay gorfeeyaan qoraallada dhaqaatiirta kale.

Dhanka kale, marki uu faafay islaamku qarnigii todobaad ee miilaadiga, waxaa billowday kacaan boorka looga jafay aqoonta iyo cilmiga qaybihiisa kala duwan. Magaalada Baqdaad ayaa si gaar ah saldhig ugu noqotay ibba-furka iyo boor ka jafidda aqoonta, ayada oo ay saldhig ka dhigteen culumo iyo cilmibaarayaal si qoto dheer u baaray wax walba oo la garanayay iyo wax walba oo cusub, ilaa ay wax walba soo taabteen xaqiiqadooda, iyaga oo meel iska dhigay in ay wax walba faafiyaan iyaga oo aan xaqiiqadooda ka sal gaarin.

Andalus, iskuullo caafimaad ayaa laga aasaasay magaalooyinka Seville, Toledo, Cordoba, iyo kuwa kale. Macallimiintii ​​ugu caansanaa waxaa ka mid ahaa: Al-Zahrawi, Ibnu Rushd, iyo Ibnu Zuhri, oo lagu naanaysi jiray "aabbaha qalliinka tijaabada ah." hadaba; Waa kuma ibnu zuhri? Sidee buu se gacan uga gaystay horumarinta caafimaadka ee dhulki Andalus, sidee ayay ugu suurta gashay in uu daaha ka feydo mugdigi ay ku jirtay yurub qarniyadii dhexe? Sadarrada soo socda ayaan ku faahfaahin doonnaa waydiimahaan.

Reer Banii Zuhri

Reer Banii-Zuhri waxay ahaayeen qoys reer Andulus ah oo caan ku ahaa culuumta Fiqiga Iyo Caafimaadka. Waxay ka mid ahaayeen qoysaska caanka ku ah iska dhaxlidda cilmiga, suugaanta, iyo hogaanka. Waxay ka soo farcameen Zuhri bin Iyaad bin Macad bin Cadnaan.

Muxammad bin Marwaan bin Zuhri al-Faqih, oo ahaa Ibnu-zuhri awowgii; wuxuu ahaa faqiih lagu yaqaannay aqoon, aftahannimo iyo deeqsinimo. Qoysku waxay dhaleen shan jiil oo dhakhaatiir ah, oo ay ka mid ahaayeen Ibnu Zuhri (Cabdulmaalik) awoowgiis iyo aabbihiis; laakiin Ibnu Zuhri ayaa baac dheeraaday dhammaantood, wuxuuna ka mid noqday dhakhaatiirta ugu waawayn dunida Islaamka, iyo dhakhtarka ugu weyn Andalus.

Ibnu Zuhri wuxuu ku dhashay magaalada Seville sanadki 1090 miilaadiga , wuxuu bartay suugaanta iyo fiqiga, wuxuu ka qalin jabiyay jaamacadda Cordoba, ka dib wuxuu cilmiga caafimaadka ka bartay aabihiis Abil-calaa bin Zuhri, oo ahaa dhakhtar hormuud ahaa waqtigiisii, wasiirna ka noqday dowladdii muraabidiinta (Almoravid). Aabuhu wuxuu dusha u ritay waxbarista wiilkiisa, si gaar ah wuxuu u siiyey tababar caafimaad oo xiligaas ahaa midka ugu horumarsan.

Ibnu Zuhri wuxuu dhanka caafimaadka iyo daawaynta ka gaaray heer sare asaga oo muujiyey cabqarinnimo iyo halabuurnimo aad u qoto dheer, wuxuu isku dayi jiray inuu sameeyo tijaabooyin la taaban karo oo uu ku ogaanayo waxyaalaha aan la aqoon, isaga oo yiri: "tijaabadayda ayaa ka dhabayn doonta hadalkayga, intaan noolahay ama geeridayda ka dib ama way beenin doontaa." Ibnu Zuhri yaraantiisii ​​wuxuu saaxiib dhow la ahaa dhaqtarki iyo faylasuufki caanka ahaa ee la oran jiray Ibnu Rushdi, oo asaga oo kahadlaya Ibnu zuhri yiri: " Ibnu Zuhri: "waa dhakhtarka ugu weyn dunida Galen ka dib."

Marka laga soo tago hormarka ay dhanka caafimaadka ka gaareen raggii reer Banii Zuhri, dumarkooduna ma hawl yarayn; sida uu ku sheegay kitaabkiisa «عيون الأنباء في طبقات الأطباء» dhaqtarki iyo taariikhyahankii qarnigii 13aad ee la oran jiray Ibnu Abii-Usaybica: "gabadhi Ibnu Zuhri iyo gabadheeduba waxay ahaayeen laba dhakhtar oo caan ah, waxayna khibrad fiican u lahaayeen dhanka umulisada iyo cudurrada haweenka". Tani waxay gogol dhig u noqotay dhaqan caado u noqday bulshooyinka Muslimiinta illaa waqtigan la joogo, oo ah, in haweenka loo oggolaado in ay dhaqaatiir noqdaan. Waqtigaas dumarka reer Yurub waxay ahaayeen kuwo loo faquuqo diin ahaan, waxaa loo arkayay in ay yhiin danbi socda (Original sin), liita, kana hooseeya ragga. Haweeneydii ugu horreysay ee dhakhtarad ah kama qalin jabinin Mareykanka ilaa laga soo gaaray sanaddii 1849, England 1870, iyo Scotland 1894.

Toban sano oo Xabsi ah

Billowgii shaqadiisa, Ibnu Zuhri wuxuu la shaqeeyay amiirradii dowladdii Almoravid, ilaa ay isku dhaceen mid ka mid ah hogaamiyayaashi dowladda, waa Cali bin Yuusuf bin Tashfin'e, oo u xiray Ibn Zuhri sababo aan caddeyn - malaha wuxuu u xiray u janjeeriddiisi dhanka dowladdii loo yaqaannay Al-muwaxiddiin oo waqtigaas soo shaac baxaysay; sida ku cad buugga:

« رائد التجريب –الطبيب ابن زهر الأندلسي »

toban sano ayuu Ibnu Zuhri u xirnaa dowladdii murabidiinta.

Ka dib burburiddii dowladdii Almoravid (almuraabidiin), iyo aasaaskii dowladdii Almohad (almuwaxiddiin), Ibnu Zuhri waxaa laga soo bixiyey godkii xabsiga waxaana loo furay albaabada qasriyadii amiirrada, halkaas oo uu dhakhtarnimo iyo wasiirnimaba kula soo shaqeeyay Cabdil-Muumin, aasaasihii dowladdii muwaxidiinta, oo Ibnu Zuhri ku soo dhaweeyey daryeelid iyo daneen, taas oo u sahashay inuu qoro buugaagtiisii ​​ugu fiicnayd ee caafimaadka.

Ibnu-zuhri shaqadiisa wuxuu u adeegsan jiray qalliinno tijaaba ah, wuxuu qalliinada ku tijaabin jiray xayawaanka ka hor inta uu san u adeegsan bani aadanka. Ibnu Abii Usaybica wuxuu yiri: " wuxuu ahaa qof ku fiican baaritaanka dawooyinka caadiga ah iyo kuwa isku dhafan, si fiican wax u daweeyo, wuxuu magaciisu ku faafay guud ahaan Adalus iyo dalalka kale, dhaqaatiirta kale waxay ka shidaal qaadan jireen dhiganayaashiisa, ma jirin qof la mid ah oo sidiisa oo kale dawooyinka u soo saara".

Sayniska casriga ah ayaa Ibnu Zuhri ku raacay waxyaalo uu horey u ogaaday sida tirada lafaha madaxa iyo xuubka kor iyo hoos uga dahaaran, sidoo kale wuxuu cilmiga saynisku ka dhaxlay Ibnu zuhri waxyaale badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin oo aad ogaan karto haddii aad si qoto dheer u baarto dhaxalki cilmiyeed ee uu ka tagay.

"wuxuu ahaa dhakhtarki ugu waynaa dunida, waqtigiisi" George Sarton

Ibnu Zuhri wuxuu noloshiisa u huray barashada cilmiga caafimaadka, sidaa darteed wuxuu ahaa saynisyahankii ugu horreeyay ee muslim ah ee naftiisa u hura caafimaadka oo kaliya, wuxuu xoogga saaray soo saaridda cilmi sugan iyo tijaabin qoto dheer. Wuxuu gaaray natiijooyin wax ku ool ah oo kaliya lagu ogaan karo baaritaan qoto dheer, taas oo ka dhigtay in uu noqdo dhakhtar dhab ah, oo u furay waddooyinka cilmi-baarista caafimaadka kuwii ka dambeeyay. Wuxuu ka qayb qaatay horumarinta qalliinka, si toos ah iyo si dadbanba.

Sida tooska ah; Ibnu Zuhri wuxuu hormariyey aqoonta qalliinka iyo caafimaadka isagoo sharraxaad ka bixiyay cudurro badan, ikhtiraacayna habab cusub oo daaweyn ah, kuwaas oo aan horay loo soo bandhigin. Tusaale ahaan, daah-furkiisi suurtagalnimada in wax lagu quudiyo tuubo si toos ah ugu gudubta caloosha, taas oo saldhig u noqotay samaynta waxa maanta loo yaqaan quudinta macmalka ah, iyo inuu noqdo dhaqtarkii ugu horreeyay ee muslim ah ee sharraxa habka loo isticmaalo quudinta macmalka ah iyada oo la adeegsanayo cunaha ama gadaal.

Sidoo kale, wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee qalliin ku sameeya muruqa ugu wayn ee laga neefsado diaphragm-ka, wuxuu qali jiray oo nadiifin jiray feeraha. Wuxuu sameeyay baaritaano badan oo ku saabsan xanunnada ku dhaca madaxa, afka, sanka, indhaha, ilkaha, cudurrada wadnaha iyo sambabada, noocyada qandhada iyo cudurrada faafa, wuxuu kala saaray xanuunnada oofwareenka (pneumonia) iyo xanuunka loo yaqaano pericarditis.

Buuggiisa, «التيسير في المداواة والتدبير», oo markii dambe loo turjumay afafka Cibriga (Hebrew) iyo Laatiinka, wuxuu ku sharaxay cudurka loo yaqaan 'pericarditis' (caabuq ku dhaca xuubka ku wareegsan wadnaha), iyo finan ka soo baxa xubnaha iyo unugyada ku yaala Thoracic cavitiga ama Chest cavity loo yaqaano. Sidoo kale wuxuu ku sharraxay buugaan habab qalliin oo loogu talagalay neef mareenka, ka saaridda dhagxaanta kilyaha, dawaynta caadka fuula bikaacda isha (Cataract). Wuxuu rumaysnaa in laga hortagi karo dhagxaanta kaadi-mareenka ku samaysma iyada oo loo marayo maareynta habka cuntada loo qaata.

Marka laga hadlayo ka qayb qaadashadiisa aan tooska ahayn ee horumarinta qalliinka, waxay ku timid u dhabar adeegiddiisi ku aaddaneed hilitaanka barnaamij tababar oo si wanaagsan loo kormeeray oo qaabaysan oo loogu talagalay dhakhaatiirta qalliinka ku cusub in ay ku tababartaan ka hor inta aan loo oggolaan inay si madax-bannaan u shaqeeyaan. Iyo xoogga uu saaray muhiimada ay leedahay in qofka loo tababarayo qalliinka uu si fiican u yaqaano cilmiga Anatomy-ga . Waxa kale oo uu dhigay qad casaan ah oo ay tahay in dhakhtarku ku joogsado inta uu ku guda jiro maarayntiisa guud ee qalliinka; Tani waxay gacan ka geysatay horumarinta qalliinka guud oo ah takhasus iskiis u madax bannaan.

Buugaagtiisii ​​iyo Waxqabadkiisii

Ibn Abii Usaybica wuxuu sheegay in Ibnu Zuhri uu qoray toddobo buug, oo ay kaliya ka hareen saddex ka mid ah, kan ugu caansanna uu yahay buugga: «التيسير في المداواة والتدبير», oo ah qaamuus caafimaadeed dhameystiran oo uu Ibnu Zuhri ku aruuriyey mirihi aqoontiisi caafimaad, wuxuu kitaabkaan u hadyeeyey saaxiibkiis Ibnu Rushdi, oo markii dambe asaguna qoray buugga: «الكليات في الطب», waxay noqdeen laba buug oo uu midba midka kale kaabayo.

Buugga «التيسير» wuxuu saameyn weyn ku yeeshay dib u soo nooleynta cilmiga caafimaadka gudaha qaaradda Yurub, maaddaama uu marjac u noqday Machadka Caafimaadka ee Jaamacadda Montpellier intii lagu jiray qarnigii 14aad, waxaana loo tixgeliyey xilligaas inuu ahaa isha ugu muhiimsan oo ay ku tirsanaan karaan ardayda barata cilmiga caafimaadka.

Saamaynti Caafimaad ee Ibnu zuhri ku dhex lahaa Yurub waxay soo gaartay ilaa qarnigii 17aad, taas oo ay sabab u ahayd buugaagtiisa oo loo tarjumay Laatinka iyo Hebrew-ga.

Intaa waxaa dheer, Ibnu Zuhri wuxuu qoray buugga: «الاقتصاد في إصلاح الأنفس والأجساد» oo uu ku aruuriyey soo koobidda cudurrada iyo daawooyinka, ilaalinta caafimaad-qabka, iyo cilmu-nafsiga. wuxuu kale oo uu qoray buugga: «الأغذية والأدوية», oo sharraxaya noocyada kala duwan ee cuntooyinka, sida Malabka, iyo saameynta ay ku leeyihiin caafimaad qabka. Buuggaan wuxuu Ibnu-zuhri u hibeeyey Muxammed Cabdil-Mu'min bin Cali, Amiirki dowladdi Al-muwaxiddiin.

Gebo Gebo

Ibnu Zuhri wuxuu ku geeriyooday magaalada Seville sanadkii 1162 miilaadiga. Qoraalladiisa iyo raadki uu uga tagay dunida ayaa marqaati cad u ah in ilbaxnimadi Islaamka iyo horumarkii laga gaaray dhanka caafimaadka uu san ahayn wax laga soo minguuriyey aqoonti dhanka caafimaadka ee giriigga taallay sida ay ku doodaan qaar ka mid ah kuwa caashaqsan dhaqanki giriigga. Dhab ahaantii, Ibnu Zuhri wuxuu furay jihooyin iyo waddooyin cusub si loo hormariyo cilmiga caafimaadka, goob kasta bari iyo galbeedba.

Fiiro gaar ah: Reer yurub waxay u yaqaannaan "Avenzoar", "Abumeron" iyo "Abynzoar".

Xigashooyin

SasaPost: Isha Qoraalka

Alajzeeera.net

Somalidoc.com

Soo gudbin
Mohamed Hassan Biikole
RaadPost
Raad Media

Previous Post Next Post