Soomaaliya Waa Dhulkii...

Haddii aad doonto waxaad dhihi kartaa Soomaaliya, waa dhulki uu islaam ku gaaray inta uu san gaarin Madiino. Waa dhulki gurmad ka looga fidiyay oo sakada looga aruuriyay sacuudiga marki ay abaaraha kulul ku dhufteen.
Waa dhulki looga ol’oleeyay in ay afrikaan badan xoriyaddooda helaan. Waa dhulki loo yaqaannay xarunti geesiyaasha afrika. Waa dhulki Muxamed Cabdulle xasan iyo Axmed gurey. Waa dhulki ciidan ki xabashida casharrada taariikhda galay siiyay. Waa dhulki ameerikaan ka casharka lagu siiyay. Waa dhulki ay dad kiisu ahaa yeen isku afka, diinta iyo dhaqanka.
Soomaaliya waa dhulka leh xeebta labaad ee ugu dheer qaaradda africa, waa dhul ka ay ku duugan yihiin dhammaan macdanta dhulka laga helo. Waa dhul haddii aad doonto aad beer falan karto haddii aad doontana aad xoolo dhaqan karto, haddii aad doontana aad ganacsado noqon karto haddii aad doontana aad kaluumayto noqon karto haddii aad doontana aad……… Waa dhul dadkiisa oo dhami uu deeqi karo wax soo saarka hal gobol oo gobolladiisa ka mid ah qani nimadiisa darteed. Waa dhul nimcada ku duugan ay ka badan tahay midda la muuqata. Waa dhul…..
Haddii aad doontana waxaad oron kartaa, waa dhulkii dad kiisu isnacay, qabiil qabiil, jufo jufo iyo qoys qoys isku qashay. Waa dhulki beeca ahaa. Waa dhulka wax walba oo xun tusaalaha loogu soo qaato. Waa dhulka dadkiisu ay iska jecel yihiin shisheeyaha. Waa dhulka dadkiisu meel walba qaxootiga ku ah. Waa dhulka hebel iyo hebel. Waa dhulkii……….
Haddii aad doonto wanaag giisa waad sheegi kartaa haddii aad doonayna xumaantiisa ayaad meel walba la istaagi kartaa. Soo ma ogid wax aan cay iyo meel xun lahayn in uu san jirin. Lakin waxaa daran marka aad sida diqsigi aad meelaha xun ee u raayo un beegsato. Malab ka macaan ee uu qof walba jecel yahay, mar waxaad dhihi kartaa malab ki macaanaa ee shinnida marna waxaad dhihi waa mataggi shinnida.
Mohamed H. Biikole
Binbiikole@gmail.com
Raad Media

Previous Post Next Post