Maalinta tobanaad ee bisha Muxarram waa la soomaa oo waa maalin lagu sheegay ajar gaar ah. Ha ahaatee, waxay kaloo sumad u tahay dilkii saxaabigii Xuseen bin Cali bin Abii Daalib oo dadka haysta madhabka Shiicadu waxay bisha Muxarram iyo maalmaha ka dambeeyaba sameeyaan hawlo badan oo ay ku xasuusanayaan dilkaas.
Markii uu talada xukunka la wareegay Yaziid ibnu Mucaawiyah oo ahayd sannadkii 60aad ee Hijriga, waxaa aqbali waayey saxaabo badan oo uu ku jirey Xuseen bin Cali waayo waxay rumaysnaayeen inaanu lahayn aqoon, karti iyo cibaado uu kaga bixi karo xilkaas culus. Xuseen oo markaas deggenaa magaalada Madina ayaa waxaa loo keenay farriin looga codsanayo inuu yimaado guriga Guddoomiyaha magaalada (mayor) Madiina oo la oran jirey Waliid ibnu Cutbah bin Abii Sufyaan oo ahaa reer Banii Ummayah.
Xuseen wuxuu yimi gurigii oo ay wada fadhiyaan guddoomiyihii magaalada iyo nin isna banii Ummaya ahaa oo la oran jirey Marwaan ibnu Xakam (waa ninka dhalay inta boqorradii dawladdii Ummawiyiinta). Waxay u sheegeen in xukunkii uu la wareegayYaziid ayna ka rabaan inuu hadda ballan (bayco) ku galo inuu u hoggaansamayo Yaziid. Xuseen wuxuu yiri anigoo kale qol mugdi ah ballan kuma galo ee dadka oo dhan u yeera una caddeeya sida wax u dhaceen iyo xaakimka cusub markaas anigu dadkaan ka mid ahaanayaa.
Guddoomiyuhu wuxuu ahaa nin jecel cafiska iyo wanaagga oo wuxuu yiri waa yahay sidaas ayaan yeelayaa. Laakiin ninkii la fadhiyey, Marwaan ibnu Xakam, ayaa yiri wallee haddaadan hadda ballan ka qaadin dib u arki maysid ee ama hadda ku khasab inuu ballan qaado ama qoorta ka jar.
Xuseen hadal kulul ayuu ku yiri Marwaan waana baxay. Markii ay labadoodii isu hareen ayaa Marwaan ku yiri Waliid “Maxaad u deysey maad dishid?” Waliid wuxuu yiri “Ma inuu ballan qaadi waayey ayaan naftiisa ku gooyaa? Haddii adduunka waxa hanti iyo xukun yaal gacanta la ii soo gelinayo ma dilayo Xuseen waayo qofka dhiigga Xuseen qiyaamaha la yimaada miisaankiisu ma qurxoona”. Waliid isla markiiba waa laga qaaday maamulkii magaalada.
Xuseen isla maalmahaas ayuu u safray Makka si uu ugu cibaadaysto ugana gabbado fitnooyinka iyo khilaafka. Isagoo sidaas ah, ayaa dad deggenaa magaalada Kuufa ee Ciraaq oo shiico ah u soo direen qoraallo is daba jog ah oo ay kaga codsanayaan inaanu iska fadhiyin ee dhibka jira wax ka qabto ayna iyagu isaga garab iyo difaac u noqonayaan. Xuseen arrintaas kuma dhaqso uguma qancin, laakiin farriimaha badnaantooda dartood ayuu jeclaystay inuu bal ka war doono xaaladda Ciraaq oo markaa u diray nin la yirahdo Muslim Ibnu Caqiil inuu soo hubiyo xaaladda magaalada Kuufa.
Muslim markuu tegey waxaa isugu soo baxay dadkii oo dhan oo ilaa labatan kun dad ku dhaw ayaa ballan ku qaaday inay garab siinayaan Xuseen. Waqtigaas Ciraaq waxay ahayd meesha ugu hantida, aqoonta iyo ciidanka badan dhulka Muslimiinta.
Muslim ayaa u soo qoray Xuseen inuu si degdeg ah u soo baxo oo u yimaado Ciraaq. Xuseen sidaas ayuu ugu soo safray Ciraaq iyadoo saxaabadii la joogay Makka ay uga digeen safarka laakiin warbixinaha u yimi ayuu ku kalsoonaaday. Safarka intuu ku jirey ayaa nin dawladdii Yaziid madax ugaa ahaa Ciraaq oo la oran jirey Cubaydulaah bin Ziyaad soo galay magaalada Kuufa isagoo raadinaya Muslim bin Caqiil. Waqti yar ayey ku qaadatay inuu kala daadiyo Shiicadii badnayd ee lahaa waa ku difaacaynaa wuxuuna ku guulaystay inuu soo qabto oo dilo Muslim bin Caqiil. Xuseen isagoo safar ah ayaa loo sheegay geerida Muslim laakiin wuxuu go’aansaday inuu safarka ku sii jiro.
Waxaa la sheegaa in gabyaa la oran jirey Farasdaq oo ka yimi Ciraaq ay dariiqa ku kulmeen Xuseen oo markaa Xuseen weydiiyey xaaladda reer Ciraaq. Farasdaq waxaa la sheegaa inuu yiri “Qalbiyadooduna waa kula jireen seefahooduna waa kaa jireen”
Xuseen waxaa ka hor yimi ciidammo ka amar qaata Cubeydulaah bin Siyaad dagaal adag ayaana dhex maray labadii ciidan halkaas ayaana la lagu dilay Xuseen iyo dad 70 ku dhaw oo u badan walaalihiis, ilmihiisa, kuwo uu adeer u yahay iyo qabaao kale. Madaxyadoodii oo dhan ayaa la qaaday oo loo geeyey Cubeydulaah isaguna waxaa la sheegaa inuu u sii diray Yasiid oo joogay Dimishiq.
Waxay ahayd 10kii Muxarram sannadkii 61aad ee Hijriga. Maalin madaw oo dulmi lagu laayey dad khayr iyo dhaqan suubanaa.
Shiicadu waxay qabaan in dadka maanta jooga ee Sunnada la yiraahdo ay ka soo jeedeen dhinaca Yaziid iyaguna dhinaca Xuseen. Uma haystaan dhacdo nasiib darro ahayd oo la soo dhaafay. Waxay maalmahaan ku dhawaaqaan “Xuseenoow waa laguu aargudayaa” iyo “Xuseenoow waa na kan!” laakiin markii Xuseen u baahnaa waa ka kala yaaceen. Keligiis maaha ee rag badan oo Ehlul Beyt ah ayaa sidaas Shiicadu ugu yeerteen markii dambena gacantooda lagala baxay. Kitaabka ‘Maqaatilul Daalibiyiin’ ee uu qoray Abul faraj Al-Asbahaani ayaa qaar badan ka sheekeeyey. Shiicada laftigooda ayaa qaba in dhammaan 12ka imaam ee ay sheegtaan qaarna toos loo dilay qaarna la sumeeyey.
Maanta oo kale waxay Shiicadu isaga yimaadaan adduunka oo dhan waxayna tagaan magaalda Karbalaa oo ay rumaysan yihiin in lagu aasay Xuseen. Waxay jirkooda ka keenaan dhiig ay ku xasuusanayan dhiiggii Xuseen. Qaarkood way soo gurguurtaan ama laabta ayey ku soo socdaan tobanaan kiiloomitir iyagoo u qaba inay sidaas Ilaahay ugu dhawaanayaan. Magaalada Karbala iyo dhammaan meelaha Shiicadu degto waxaa la xirtaa dhar madaw oo geeri lagu muujinayo.
Geeridii Nebigeenna NNKH, tii Cali bin Abii Daalib, tii Xasan bin Cali shiicadu ma weyneeyaan waayo kuma jirto, siday ila tahay, fursad siyaasdeed ay ku muujiyaan jiritaankooda. Waxaad moodda in maadaama Xuseen ay dileen dad magaca ‘Sunnada’ si guud u soo gala ay tahay sabab lagu muujin karo cadaawad iyo jiritaanka Shiicada oo mar walba u ku dhisan in cadaw la yiraahdo Sunno ay jiraan.
Dhacdadaas xanuunka badnayd xagga taariikhda waxaa lagaga bogan karaa kutub badan oo uu ka mid yahay kitaabka Ibnu Jariir Aldabari ee Al-Umam wal Muluuk. Ilaahay ha u naxariisto Xuseen iyo intii gardarrada lagu laayey maalintaan oo kale, dadkii ka dambeeyeyna abaalkooda Ilaahay ha mariyo.
WQ. ©Cabdulqaadir Diiriye