Waa habeen.
Waa Hargeysa.
Waa bilihii ugu
dambeeyay
sannadka 1990.
Annaga oo
dhowr ah
oo
howl samafal u
soconna
ayaan
wadannaa gaari 4x4.
Mugdiga iyo burburka waddada waxaa uga sii daray roob da'ay oo xareeddiisu ay dhulka jiifto. Godadka laamiga ka dhex qodan xareedda ayaa buuxisay oo la sintay waddada inteeda kale.
Rasaas goos goos ah ayaa dhaceysa. Waxaa dawanka rasaasta sii xoojiyay oo jabaq daba dhigaya rayska iyo hawada cufan ee roobka iyo qabowgu ay sababeen. Amni darradu waa mid baahsan. Cabsida lagama sheekeyn karo. Wax kasta oo loo dhinto ayaad filan kartaa mar kasta.
Anigu waxaan ka welwelsan ahay in meesha aan u soconno aan nabad ku tegi doonno, maaddaama aan wadanno gaariga keliya ee waddada saaran inta isheennu qaban kartay inta aan soconnay.
Markii dambe ayuu i weydiiyay su'aal iga yaabisay - Maxaad waddooyinka isaga dhisi weydeen?
Maanta waa 2016
Gaar ahaan marka laga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo inta badan cakirnaa tan iyo berigaas. Kuwaas oo muwaaddin Soomaali ah ka sokow, ay inta badan shaqadeydu ahayd wargoobkooda, la socodkooda, baaritaankooda, falanqeyntooda iyo odorskooda.
Arrinta ay tahay in degdeg wax looga qabto sida is hortaagidda weerar argaggixiso iyo gurmadka abaauruhu ma ahan in ay sabab u noqdaan in la baajiyo ama ay dib u dhacaan wax ka qabashada arrimaha kale ee muhiimka ah ee wax ka qabadka u baahan ase aan deg deg ahayn.
Waa in ay suurta gashaa in kuwa gurmadka deg degga ah inta ay dad ka shaqeynayaan in dad kalena ay ku howlan yihiin kuwa aan deg degga ahayn laakiin muhiimka ah.
Guri ku yaalla meel ka dambeysa meesha ay hadda Madaxtooyada Somaliland tahay ayaan ka soo baxnay. Meel aan sidaa uga fogeyn ayaan u soconnaa arrin habeennimadaas nagu kalliftay darteed.
Waddada aan ku soconnaa waa mid jajaban. Marmar ayaad saqafkaama meel kale oo aadan dooneyn madaxa ama garabka ku dhufaneysaa.
Nin u dhashay dal Yurub ah oo i garab fadhiya ayaa intaa su'aalo i weydiinaya aan u qaatay in uu cabsida isku moogeeysiinayo. Laakiin anigu sheeko diyaar uma ahi. Jawaabaha qaar aan siinayo waa kuwo u dhigma in aan leeyahay saaxiib hadalka iga daa.
Su'aashani ma ahan mid aan filayay. Waan garan waayay wax aan ka iraa iyo meel aan jawaabta uga billaabo.
Si aan isu dhaafiyo ayaan ku iri rasaasta korkeenna ka dhacaysa sow ma maqashid? Xilli dagaal ayaa lagu jiraa ee xilli dhismo ma ahan.
Wuxuu igu yiri waddooyin xumada lagu rafaadayo ayaa ka mid ah waxa idiinkugu wacan dib u dhaca iyo weliba xanaaqa iyo colaadda. Waxaas oo dhan ayaana dagaalka uga sii daraya.

Ma aqaan sababta laakiin mar kasta hadalkii ninkaas, oo habeenkaas macna darrada iigu muuqday, wuu igu soo maaxdaa. Ma ahan in aan ka hadlayo waddada oo keliya, laakiin amnisugid waa mid aad uga ballaaran dagaal. Askariga iyo qorigiisu aad ayay muhiim ugu yihiin amniga. Laakiin keligood howsha kuma filna.
Dalkeenna mowduucii aad ka hadal maagto in uu waxqabad u baahan yahay ha ahaado fursad u abuurista shaqo ee dhallinyarada, xaqdhowrka xuquuqda aadanaha oo maxaabbiistu ay ku jirto, kobcinta dhaqaalaha, xeer u dejinta saxaafadda, ganacsiga iyo waxbarashada, horumarinta fanka, dhaqanka iyo Sportiga iyo dhismaha waddooyinka waxaad arkeysaa dad waxaas u arka faakiheysi iyo qof kibray hadalkiis.
Waxay soo hadal qaadayaan arrimo kale oo wax ka qabasho deg deg ah u baahan sida amniga, tahriibka, qaxootiga, barakaca iyo arrimo kale oo xasaasi ah.
Waxaa naga maqan in aan dadka oo dhami isku hal dhinac culeyska saari doonin isla markaana aanuu isku xirfad iyo aqoon ahayn, wakhtiguna aanuu na sugeyn. Markaa ay habboon tahay in howluhu ay isku dhinac socdaan.
Aragtideyda, tayaynta iyo baahinta waxbarashada, shaqaaleynta dhallinyarada, adeegga caafimaadka, dhowridda xuquuqda aadanaha, sarreynta sharciga, kobcinta dhaqaalaha, tababbarka suxufiyiinta, la xisaabtanka siyaasiyiinta iyo ganacsatada, xakameynta laaluushka iyo musuqmaasuqa, horumarinta fanka iyo Sportiga intuba waxaa ay qeyb ka yihiin sugidda amniga iyo ilaalinta nabadgelyada iyo xasilloonida wakhtiga dheer.
WQ. Yuusuf Garaad Cumar