Safarka Madaxwaynaha Ee Kenya Iyo arrimaha Badda Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Raysal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa ka wada hadlay muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Labada mas'uul ayaa ku kulmay magaalada Adis Ababa oo booqasho rasmi ah oo 1 maalin ah uu maanta ku tegay madaxweyne Farmaajo.

War qoraal ah oo lasoo dhigay bogga rasmiga ah ee Ra'iisul wasaaraha Itoobiya uu ku leeyahay Twitterka ayaa lagu sheegay in Farmaajo iyo Abiy ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga amni iyo nabadgelyo ee dalalka Geeska Afrika, xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, iyo sii wadida heshiisyada labada dhinac ee horumarinta dekedaha, iyo xiriirka Soomaaliya iyo Somaliland.
Kiinya waxay sheegeynaysaa qayb ka mid ah badda soomaaliya,sidaas daraadeed waxay xariirka u jartay soomaaliya ayada oo ka xun dacwadda ay soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga.
Kulanka addisababa kadib labada masuul waxay u anbabaxeen dalka kiinya, hadaba maxay tahay sababta halkaas loo aaday ma laga yaabaa in madaxwaynaha soomaaliya lagu qanciyo in muranka labada wadan u dhaxeeyo lagu xalliyo si hoose oo aan maxkamad ahayn. halkaan ka daawo Cabnasir sola oo arintaan falaanqaynayo.
Raad Media

Previous Post Next Post