Xogta Wikipedia

Wikipedia
------
Qof wal oo wax qora oo wax akhriyaa xog wuu ka raadiyaa dhiganeweynaha mareegta ee la yidhaahdo Wikipedia. Haddaba malyuumaadka maqaal ee halkaa ku jira intee in la'eg baa runnimadooda la gu kalsoonaan karaa?

Sannadkii 2001 ayay laba nin oo Maraykan ah oo la ka la yidhaahdo Jimmy Wales iyo Lary Sanger bilaabeen barta Wikipedia. Dantoodu wax ay ahayd in ay helaan meel la gu ururiyo dhammaan xogta iyo aqoonta jirta hordhac ahaan, dabadeed dad aqoon lihi halkaa ku tifatiraan oo ku shaandheeyaan, si waxaa marka la hubiyo loo gu sii gudbiyo dhiganeweyne kale oo rasmi ah. Markaa waxaa la odhan karaa Wikipedia wax ay ahayd warshad xogta la gu ka la shiilo. Dabadeed iyada lafteedii baa noqotay meel xogta la ga raadiyo.
Imika wax ay ku shaqaysaa siyaasad ah in la ga helo xog la gu kalsoonaan karo, laakiin waa riyo runta ka fog, waayo qof wal baa wax ku qori kara, qof kastaana wax hore u gu qornaa wax ka beddeli kara. Sidaas oo ay tahay cilmibaadhis la gu sameeyay waxaa la gu sheegay in qaladaadka ku qorani aanay aad u ga badnayn kuwa ku jiri kara encyclopedia-ha caadiga ah, tusaale ahaan ka dunida u gu ballaadhan ee Encyclopedia Britanica.
Haddaba xogta iyo aqoonta baaxadda weyn ee halkaa ka buuxda si aynnu u ga faa'iidaysanno, is la markaana u ga badbaadno been iyo madalhufin, waxaa fiican in aynnu sidan ka ga talagalno:
1. Maqaallada Wikipedia ku akhri digtooni iyo feejignaan, hana rumaysan ilaa aad u hesho raadraac iyo ilo kale oo xogtaa kuu xoojiya. Had iyo goor fur lambarka buluugga ah ee tixraaca, kana feker tixraaca qudhiisa sugnaantiisa.
2. Ka feker cidda qoraalka meesha soo galisay iyo ujeedka ay ka yeelan karto. Masalada maqaalku khuseeyaa ma tahay mid xasaasi ah oo la gu muransan yahay? Masalooyinka caynkaas ah dib u eeg inta jeer ee maqaalka la tifatiray iyo nuqulkii asalka ahaa (meesha ayaad ka arki jartaa), eeg doodaha la ga ka la qabo. Masalooyinka muranku ka taagan yahay u rog ama ku raadi afaf ka la duwan.
3. Cidda qoraalka meesha soo galisay ma lee dahay dan gaar ah? Adiga muhimaddaada kowaad waa in aad hubiso ciddaasi in ay dhexdhexaad ka tahay iyo in ay ku jirto eex, laablakac iyo dacaayad. Haddii aad dareen noocaas ah ka qaadato ka tag. Badanaa tani wax ay ku dhacdaa arrimaha siyaasadda, diinta, isirnacaybka iyo lacag samaynta.
4. Ma qof baa aragtidiisa meesha ku qoray, mise waa xog iyo aqoon sugan? Si fudud baad u ka la garan kartaa aragtida iyo xogta, markaa haddii ay aragti qofeed kaa ga dhadhanto ka tag.
5. Badanaa maqaalka aan adkayn Wikipedia wax ay ku dul qortaa digniin taa kuu tilmaamaysa, haddii uu maqaal hagaag u qoran yahayna dhiirrin bay ku soo qortaa. Labada jeerba talada tixgali.
U gu dambayn iyaga qudhoodu wax ay ku lee yihiin: "Wikipedia ma aha habraac akaademi oo uu habboon diyaarinta warqadaha aqooneed, waxaa se loo adeegsan karaa xog aqoonta kale la gu sii raadiyo".
Haddaba iyada oo ay sidaa tahay, ma aha in aqoonta mareegta ku jirta oo dhan shaki la ga qaado. Internetka waxaa ku jira buugaagtii iyo warqadihii aqooneed iyo suugaantii muhiimka ahayd ee dunida badankeeda oo aan qaarkeed xitaa weli la daabicin.

WQ. Ibraahin Hawd
Raad Media

Previous Post Next Post