Yaasiin Qulaam- Socdaal | RaadPost |
Waxaa baraha bulshada lagu faafiyey qisada wiil u dhashay dalka marooko oo galay safar lugta ah si uu u gaaro magaalada maka si uu xajka u guto. Saddex sano ayay ku qaadatay in uu soo gaaro magaalada maka, laakiin feyraska koroonaha ayaa sabab u noqday in uu san xajka ka qayb gelin sanadkaan oo aad loo yareeyey tirada dadka ka qayb qaadanayo acmaasha xajka.
Yaasiin oo ah 34jir u dhashay dalka morooko ayaa safarkaan u adeegsaday lugtiisa iyo mararka qaar oo uu isticmaalayay baaskiil, wuxuu na soo maray 26 dal oo dhaca qaaradda afrika ilaa uu aakhirki soo gaaray waddanka sucuudiga saddex bil ka hor.
Yaasiin ayaa sheegay in uu san sucuudiga ka tagi doonin ilaa inta uu riyadiisa ka rumeynayo, xajkana ka gudanayo.
Ibnu batuuta oo ahaa dhulmareen maray dalal badan oo dunida ka mid ah ayaa ka soo jeedo waddanka morooka oo uu u dhashay Yaasiin qulaam.