Dalka Musanbiik | Macluumaad Kooban

 

Calanka Musanbiik


 Waagi Hore, waxaa musanbiik la oran jiray jasiirad ku taalo xeebaha dalka musanbiik, dalkana waxaa la oran jiray sofa. Jasiiradda musanbiik waxaa loogu magac daray ganacsade muslim carab ahaa oo la oran jiray موس البيك، ama musa bin beyk oo ahaa qofki ugu horreeyey ee soo gaaro jasiiradda, marki danbana dalka oo dhan ayaa qaatay magaca musanbiik. 


Dalka musanbiik, wuxuu dhacaa koonfurta bari ee qaaradda afrika. Waxay xudduud wadaag yihiin dalal dhawr ah oo kala ah, tansaaniya, malaawi, saanbiya, simbabwi, koonfur afrika iyo suweslaan. Badwaynta hindiyana waxa ay ka saarantahay dhanka bari. 


Waxaa guumeysan jiray burtaqiiska oo ay ka xoroobeen 25ki juun 1975ti. Waxay na jamciyadda qaramada midoobey ku biireen 16ki September 1975ti. 


Dalka musanbiik, wuxuu dalalka kale ee afrika kala simanyahay, dib u dhaca, gaajada, dagaallada sokeeyo ee inbadan jiitama iyo dowlad xumada. 


Lacagta dalka waxaa lagu magacabaa Mozambican metical (mzn) .


Haddii aad darawal tahay, dalka musanbiik wuxuu ka mid yahay dalalka ay gawaaridu isteerinka ku leeyihiin dhanka midig oo ay macnaheedu tahay waddada waxaad ka leedahay dhanka bidix. Keep left. 


Codeka, ama furaha taleefanka dalka musanbiik waa +258, furaha internetkuna waa.  .mz. 


Caasimada waa Maputo waana magaalada dalka ugu wayn uguna dad badan. Soomaalida marka ay booqdaan magaalada mputo waxa ay isku soo sawiraan waddo loogu magac daray madaxwaynihi hore soomaaliya maxamed siyaad barre. Siad bare road. 


Tirakoobki sanadki 2014ki waxaa tirada dadka reer musanbiik lagu sheegay 24.692.144 qof. Waana dadka madow ee loo yaqaano baantuugga, intooda badanna waxay aaminsanyihiin diinta kirishtaanka. 


Dadka muslimiinta ah ee reer musanbiik waxaa lagu sheegaa in ay gaarayaan 4malyuun oo u badan gobollada waqooyi ee dalka. 


Nolosha dadka reer musanbiik waxa ay ku tiirsantahay wax soo saarka beeraha, sida beerashada bariiska, qasabka sonkorta laga sameeyo, qudaarta noocyadeeda kala duwan iyo looska. Sidoo kale dalka waxaa laga helaa khayraadka dhulka oo iskugu jiro, dahab, dhaymoon, yuraaniyowm iyo gaaska dabiiciga ah. 

Dalka waxaa maro wabiyo gaarayo ilaa toban webi, waxaa ugu caansan, wabiga ugu dheer oo lagu magacaabo zambezi river oo uu dhererkiisu yahay 1599mayl,  iyo wabiga lagu magacaabo limpopo river oo sidoo kale mara wadamada koonfur afrika, Botswana iyo Zimbabwe. Dhererkiisuna waa 1087 mayl. Sidoo kale wabiyada musanbiik mara waxaa ka mid ah wabiga ruvuma river oo uu dhererkiisu yahay 497 mile oo uu qulqulkiisu ka soo billowdo dalka tansaaniya sidaasna ku mara dalka musanbiik inta uu san ku darsamin badwaynta hindiya. 

Raad Media

Previous Post Next Post