Calanka Rwanda |
Magaca ruwanda, wuxuu la macno yahay dhulki kunka taag. Waa magac qeexayo halka uu dalka ku yaallo oo ah dhul taagag ama buuro u badan. Dalka ruwanda wuxuu dhacaa, bariga qaaradda afrika, wuxuu na daris la yahay dalalka, Uganda, Tanzania, Burundi, iyo dalka Drc-democratic republic of the Congo.
Ruwaanda waxaa guumeystay biljamka iyo jarmalka, wuxuu na xornimadiisa helay 1di luulyo 1962. Jamciyadda quruumada midoobeyna waxay ku biireen 18ki September isla 1962di.
Ruwanda waxay ka mid tahay waddama ugu yar qaaradda afrika, masaaxada ama dhulka uu ku fadhiyo dalka ruwanda waa 26338km2, tirakoob la sameeeyey sanadki 2015 dadka reer ruwaanda waxaa lagu sheegay 11 262 564 qof.
Caasimadda waddanka waa kigaali,
Waxaa waddanka looga hadlaa, afaf ay ka mid yihiin, kinyarwanda, ingiriisi, faransiis iyo sawaaxili.
Haddi aad darawal tahay, waxaad waddada ka leedahay dhanka midig, keep right.
Furaha taleefanka waddanka waa +250, internetkuna waa. .rw.
Lacagta waddanka waxaa loo yaqaanaa, Rwandan franc rwf
Wax soo saarka waddanka wuxuu ku tiirsanyahay beeraha sida qasabka sonkorta, caleenta shaaha, bunka, tubaakada, mooska. Sidoo kale reer ruwaanda waxay dhaqdaan xoolaha sida lo'da iyo ariga.
Madaxwaynaha waddanka waa ninka dheer ee soomaalida u eg ee lagu magacaabo paul kagame, xisbigiisuna waa rpf Rwandan patriotic front.
Saddex qabiil ayaa waddanka dega oo kala ah, huutuuga oo ugu tiro badan iyo tuutsiga iyo tawaha.
Marka aad maqasho ruwanda waxaa kugu soo dhacayo xasuuqi ba'naa ee waddanka ka dhacay. Xasuuqaas oo dhacay sanadki 1994ti ka dib marki uu shil diyaaradeed ku dhintay madaxwaynihi waddanka oo ka dhashay beesha huutuuga. Markaas ayay huutuuga xasuuq ba'an u geysteen beesha tuutsiga oo ay ku tuhmayeen in ay ka danbeeyeen dilka madaxwaynaha. Waxaa la dilay dad ku dhaw hal malyan.
Dadka tuutsiga oo ahaa kuwi la xusuuqay ayaa waxaa lagu sheegaayay in yihiin kuwo aan dalka u dhalan oo soo galooti ku ah kana yimaadeen geeska afrika sida itoobiya iyo soomaaliya. Marka aad u sii fiirsatana soomaalida lagama yaqaano. Miyaadan arkin sida uu madaxwayne pal kigaami ugu egyahay soomaalida.
RaadPost
#Rwanda