Dalka Simbaabwi - Zimbabwe

Calanka Dalka Zimbabwi

Magaca Zimbabwe, wuxuu ka soo jeedaa afka dadka shoonaha oo ah qowmiyadda ugu badan dalka. Waxaa simbaabwi la oran jiray xarun ay lahaayeen guumeystayaashi hore, xaruntaas oo ilaa maanta ka mid ah goobaha taariikhiga ah oo loo daawasho tago. 

 Dalka zimbabwi inta aan loo bixinin magaca Zimbabwe, waxaa la oran jiray roodiisiyada koonfureed, halka dalka zambiya loo yaqaannay roodiisiyada waqooyi. Dalka simbaabwi, wuxuu dhacaa koonfurta qaaradda afrika, wuxuu u dhaxeeyaa labada wabi ee la yiraahdo, Zambezi iyo Limpopo river. Waxay ood wadaagyihiin dalalka konfur afrika, botswaana, zambiya iyo musanbiik. Caasimaddu waa haraare, waxaa na horey loo oran jiray Salisbury waxaana magaca ka baddalay madaxwayne mugaabi. Dalka simbaabwi wuxuu xoryaddiisa si rasmi ah u helay 18. April 1980ki. Waxaana muddo dheer dhuunta uga dhegenaa guumeystihi ingiriiska. 

 Dalka simbabwe waxaa aad loo jecelyahay waxbarashada iyo aqoonta sare. Tirada dadka waa 16milyan. Waxaa looga hadlaa ilaa 16af, oo ay ugu magac dheeryihiin, ingiriiska, shoonaha iyo ndebelaha. 

 Dalka simbaabwe wuxuu ku fadhiyaa bed dhan: 390'757km2. Dalka simbaabwi waxaa laga adeegsan jiray lacag lagu magacaabo zimbabwian dollar. Laakin sicir barar ay keentay darteed waa la mamnuucay waxaana la isticmaalaa lacagaha dalalka dariska la ah , sida randka koonfur afrika, pulaha Botswana iyo doollarka mareekanka. Wadda mariddu waa dhanka bidix, furaha taleefanka waa +263, internetkuna waa. Zw.

 Mugaabi.

 Marka aad maqasho dalka zimbabwe, waxaa maankaada ku soo dhacayo ninka lagu magacaabo robert mugaabi? Mugaabi oo laga sheekeeyaa waa sooyaalka dalka simbaabwi oo laga sheekeeyey, hadaba waa kuma Mugaabi?

 Mugaabi, madaxwaynihi hore ee dalka simbabwe wuxuu dhashay 21Feb 1924. Wuxuu ka soo jeedaa qoys ka soo haajiray dalka mallaawi. Wuxuu ka dhashay qowmiyadda shoonaha oo ah qowmiyadda ugu badan dalka simbaabwe. Waxaa lagu tilmaamaa in 80% ay ka yihiin dalka. Mucaarad iyo muxaafadba ayaga ayaa isku ah. 

 Mugaabi wuxuu ku soo koray nolol iskorisnimo ah, aabbihiis waxaa ugu danbeysay asaga oo 10jir ah. wuxuu ku shaqaysan jiray macallinnimo asaga oo ah 17jir. Wuxuu ku biiray jaamacadda fort Hart, ee ku taala dalka koonfur afrika, wuxuu bartay ingiriiska iyo taariikhda, wuxuuna jaamacadda ka baxay 1951. Waxay jaamacadda isla dhigan jireen, madax caan ah oo afrikaan ah sida, Nelson Mandela, heyla salaasa iyo kenth kwanda oo ahaa madaxwaynihi hore ee dalka zambiya. 

 Mugaabi waxbarashada ayuu sii waday ilaa uu dalka ingiriiska u tagay waxbarasho asaga oo soo bartay qaanuunka iyo maamulka. Waxaa la sheegaa in uu heysto ilaa siddeed shahaadooyin sar sare ah oo uu ka qaatay jaamacado dunida caan ka ah. 

 Mugaabi wuxuu xabsi ugu jiray caddaanki guumeysanaayay dalkiisa muddo toban sano ah, marki uu xabsiga ka soo baxayna wuxuu u cararay dalka muzanbiik halkaas oo uu ka soo abaabuli jiray weeraro hubeysan oo uu geysan jiray xisbigiisa zanu. Mugaabi wuxuu noqday ra'isul wasaare 1980ki ilaa 1987do. Markaas oo uu xisbigiisa ku guuleystay doorashooyinki la qabtay. mugaabi, wuxuu madaxwayne noqday sanadki 1987di ilaa 2017. 

 Sanadki 2000 wuxu mugaabi soo saaray sharci dadka caddaanka looga wareejinayo beerihi iyo hantidi maguurtada ahayd ee ay haysteen ayada oo ay caddaanka 70% gacanta ugu jirtay hantida dalka sida beeraha, dadka madowga ahna ay ayaga shaqaalo u ahaayeen. Halkaas waxaa mugaabi uga billowday dagaal uu la galay reer galbeedka ama caddaanka. 

 Dalka ingiriiska ayaa mugaabi ku eedeeyey in uu ku dhaqmo nidaam lagu faquuqayo dadka caddaanka ah. 

Sanadki 2002 waxay dalalka midowga yurub soo saareen go'aan mugaabi looga mamnuucayo in uu cagta soo saaro dalalka midowga yurub. 8di dec 2003di zumbaabwe waxaa laga saaray dalalka la isku dhaho commonwelth-ga, isla sanadkaan 2003da ayuu koongareeska mareekanka cunaqabatayn ku soo rogay waddanka zimbabawe ayada oo lagu eedeeyey cunsuriyad. Mugaabi, asagana intaas wuxuu ku jiray dagaal afka ah asaga oo weerar afka ku qaadi jiray reer galbeedka marka uu ka hadlayo shirarka caalamiga ah. Waxaa ugu darnaa marki uu yiri: haddii uu obama u ololeeynayo ragga isku taga, ha ii yimaado aniga ayaa guursanayo e.

RaadPost
Raad Media

Previous Post Next Post