Calanka Dalka Malaawi |
Magaca Mallaawi wuxuu ka soo jeedaa, magaca maarfi oo loo yaqaannay dadki hore ee dhulka dagi jiray. Dalka mallaawi wuxuu dhacaa koonfurta bari ee qaaradda afrika, wuxuu daris layahay dalalka tansaaniya, musanbiik, iyo dalka saambiya.
Caasimadda dalka waa lilongua. Dalka waxaa guumeysan jiray ingiriiska. Waxayna ka xoreebeen 6 July 1964ti. Isla sanadkaan ayay na ku biireen jamciyadda quruumaha midoobey.
Dalka malaawi wuxuu ka mid yahay dalalka ugu yar qaaradda afrika. Badkiisu 118 484km2. Tira koob la sameeyey sanadki 2014ki tirada dadka waxaa lagu sheegay 17.377.468 qof.
Lacagta dalka waxaa lagu magacaabaa kawaasha.
Wax soo saarka dalka waxaa ka mid ah: tubaakada, caleenta shaaha, qasabka sonkorta, alwaaxda, suufka iyo qaxwaha.
Afafka lagu hadlo waxaa ka Mid ah jijeewaha.
Waddada gaariga waa dhanka bidix, furaha taleefankuna waa +265, internetkuna waa. Mw.
Sida uu qoray buugga xaqaaiqul caalam dadka muslumiinta reer mallaawi waxaa lagu sheegay 12.8%. Laakin ururada muslumiinta reer mallaawi percentage kaas sax uma arkaan waxayna rumeysanyihiin in muslumiinta reer mallaawi ay gaarayaan 30% ilaa 35 %. Jaamacadda bansalvania warbixin ay soo saartay sanadki 2010 waxay ku sheegtay muslimiinta reer mallaawi 25%.
Waddanka malaawi wuxuu caan ku yahay warta ama harada wayn oo lagu magacaabo Lake Malawi oo ku fadhido, dhul lagu qiyaasay saddex meelood marka loo qaybiyo dalka meel ka mid ah. Wartaan, ama badyareeyda mallaawi sidoo kale waxay martaa dalka tansaaniya waxaana loo yaqaanaa lake Nyasa, dalka musanbiik oo ay martana waxaa looga yaqaannaa lago niassa.
Muddo hadda laga joogo toban sano ayaan soo marnay tuulo lagu magacaabo karonga oo dhacda xuduudda mallaawi iyo tansaaniya. Muddo tobaad ah ayaan ku sugneyn waxaana maalin walba u dabbaalasho tagi jirnay lagta mallaawi oo aan ka fogeyn xeradi aan joogney.
Xerada karonga, waxaa joogto haweenay malaawi yaan ah, waxaa lagu naanaysaa maama soomaali, ganacsi yar ayay ku haysatay xerada iriddeeda. Shaaha, bursaliid ka (mandhaasi), iyo wax yaalo la mid ah ayay gaddaa. Canug yar oo ay gabadheeda dhashay ayay haysataa, canuga wuu timo jilacsan yahay, sida soomaalida ayuu u laf yar yahay una san dhuuban yahay, waxay nagu tiri, canuggaan waxaa dhalay nin soomaali ah oo hadda ka hor halkaan nagu maray, gabadhay da ayuu saaxiib la ahaa. Waxay na tustay sawir kiisa. Waxay tiri maama soomaali: “marki uu tagaayay waxaan isku ogeen in uu canugiisa soo taageeri doono, laakin maalinki uu tagay ayaa noogu danbaysay, haddii aad aragtaan u sheega in aad canugiisa soo aragteen, lana sugaayo”. Waxaan rajaynayaa in ay farriin taan gaarto, aabbaha canugaas.
Ka waran wiilkaas yar oo soomaaliyeed marka uu waynaado oo uu guursado, oo uu tarmo. Waxaa laga yaabaa in ay ka beermaan dad badan oo farac soomaaliyeed ah.
Xerada Saleeka (Dzaleka)
Xeradaan lagu magacaabo saleeka oo u jirto caasimadda dalka Malaawi, lilonguwe (lilongwe) ku dhawaad konton kiilowmitir (50km), waxaa maamusho hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno (UNHCR). Waxaa la asaasay1994ki, waxaa na markaas loo sameeyay dadki ka soo qaxay dagaalladi iyo xasuuqi ka jiray dalalka; Burundi, Rwanda iyo D.R. Congo.
Sidoo kale xeradaan waxaan soo marnay sanadki 2008 bishi 2aad.
Todobaadkiba mar ayaa safaf dhaadheer loo galaa raashin cayriin ah oo laga qaybiyo bakhaarka UNHCR. Tobanki qofba waxaa la isla siiyaa, raashin iskugu jiro bur, bariis iyo saliid. Maalinka ay soomaalidu leedahay raashin qaadashada, marka ay soo qaataanba waxay ka gataan dadka kale, lacag raqiis ah ayaa looga badashaa.
Xerada waxaa ku yaalo masaajid, ceel,garoon kubadda lagu dheelo, kaniisad, baarar khamri oo lagu tunto iyo suuq wayn oo wax walba laga helo sida dharka,raashinka, maacuunta iyo kabaha. Waxaa jiro suuq usbuuc le ah oo todobaadkiba mar yimaado, waxaa la keenaa jaakado iyo kabo iyo waxyaalo raqiis ah.