Haddii aad rabto in aad hesho deeq waxbarasho oo gabi ahaanba bilaash ah, gaar ahaan jaamacadaha waaweyn ee dalka Turkiga, ma jiraan wax ka fiican deeqda waxbarasho ee ay dowladda Turkigu siiso sanad kasta ardeyda doonaysa inay wax ku bartaan dalkeeda, ha ahaadaan heer Bachelor, heerka Master-ka ama heer PHD.
Faa'iidooyinka deeqda waxbarasho ee Turkiga
1- Deeqda-waxbarasho ayaa gabi ahaanba bilaash ah, laga billaabo soo bandhigidda codsiga waxbarashada, tikidhada diyaaradda iyo fiisaha.
2 - Waxaa deeqda la socdo hooy ama deegaanka ardeyga oo bilaash ah.
3. ardeygu wuxuu helayaa dhaqaale uu ku maareeyo noloshiisa inta uu waxbarshada wado, waana sidaan:
⦁ Bachelor: 600 Turkish Liras
⦁ Master: 850 TL
⦁ PhD: 1,200 Turki Liras
⦁ Cilmi baarista: 2,500 TL
4. Ardeygu wuxuu helayaa ceymis caafimaad inta uu wado waxbarashada.
5. Dhib ma lahan haddii aadan aqoon afka turkiga, waxaa deeqda la socdo sanad aad ku baraneyso afka turkiga.
Qeybaha ay ka koobantahay deeqda waxbarasho
Bachelor's, Master's, Ph.D., Research (cilmi baaris).
Bachelor
Marka aad raadineyso shahaadada 1aad ama Bacherlor waxaa jiro shan deeq waxbarasho oo ay bixiso dowladda Turkiga:
1- Deeqda barashada caafimaadka ee ibnu-siinaa (منØØ© ابن سينا الطبية)
Deeqdaan waxaa la ga soo codsan karaa dal walba oo dunida ah, macnaha dhalasha walba ama passport walba oo aad heysato waad ku codsan kartaa fursaddaan waxbarasho.
Shuruudaha laga doonayo ardeyga
⦁ Ardaygu waa inuu haystaa shahaadada dugsiga sare.
⦁ Guud ahaan darajada imtixaanka waa in uu san ardeygu ka hooseynin 70% iyo 90% marka uu doonayo barashada caafimaadka.
⦁ Taariikhda dhalashadiisa waa inaysan ka yarayn 1-1-1994.
⦁ In aan laga diiwaangalin deeq waxbarasho kale oo gudaha Turkiga ah.
⦁ In codsadaha deeqda waxbarasho uu san haysanin dhalashada turkiga.
Dukumentiyada looga Baahanyahay Ardeyga
⦁ Koobiga Shahaadada Dugsiga Sare.
⦁ Koobiga qoraal xusayo darajooyinka imtixaannadi ugu danbeeyey dugsiga sare.
⦁ Koobiga Baasaboorka
⦁ Sawir teesare ah.
Deeqaha waxbarashada waxaa loo codsadaa qaab online ah, websitekaan ayaa la gala socdaa: http://www.trscholarships.org/
2. Deeqda waxbarasho ee Bogazaci (منØØ© البوغازاتشي) .
Deeqdaan waxaa lagu bartaa qaybaha kala duwan ee jaamacadda iyo kuliyadaha waxbarshada marka laga reebo caafimaadka, waxaa na soo dalban karo dalal kooban oo ay ka mid yihiin dalalka: Saudi Arabia, Kuwait, United Arab Emirates, Qatar, Bahrain iyo dalka Cumaan. Haddii aad haysato baasaboorka dalalkaan waad dalban kartaa deeqdaan waxbarasho, shuruudaha ardeyga laga doonayo waa isla kuwii hore.
3. Deeqda waxbarasho ee Al-xarraan منØØ© الØران
Fursaddaan waxaa lagu baran karaa guud ahaan takhasusyada, marka laga reebo caafimaadka. shuruudaha waa isla kuwii hore, laakiin waxaa dalban karo dalalka: Ciraaq, Lubnaan, Suuriya, Falastiin, Yemen iyo Jordan.
4. Deeqda waxbarasho ee Turkey Africa.
Waxaa dalban kara dalalka: Somalia, Algeria, Morocco, Libya, Tunisia, Egypt, Djibouti, Sudan, Comoros, South Sudan iyo Mauritania. Shuruudaha waa isla kuwii hore.
5. Deeq waxbarasho oo diini ah
Deeqdaan waxa ay u furantahay dalalka oo dhan, shuruudaha iyo ducumentiyada la iska rabo waa isla kuwii hore.
6. Deeqda waxbarasha ee Yunus Emre (منØØ© يونس إيمري)
Deeqdaan waxaa lagu bartaa afka, suugaanta iyo dhaqanka turkiga, waana deeq waxbarasho oo u furan guud ahaan dalalka dunida, shuruudaha waa isla kuwii hore.
Masters
Shuruudaha deeqda waxbarasho ee heerka Masterska:
1 - Ardaygu waa inuu dhammaystiray shahaadada koowaad ee jaamacadda ee baachka ama uu ku jiro sanadki ugu danbeeyey.
2 - waa in aysan darajadiisu ka hooseynin 75% ee BA (qiyaasta guud ee sanadaha oo dhan)
3 - In taariikhda dhalashada aysan ka yarayn 1-1-1985
4 - Waa in uu san ka diiwaangashanayn jaamacad kale ama deeq waxbarasho kale oo turkiga ah.
5 - Waa inuusan ahayn muwaadin Turki ah.
Dukumentiyada loo baahan yahay:
⦁ Koobi ka mid ah shahaadada Bachelor, tixraaca darajooyinka iyo qiyaasta guud.
⦁ Koobiga baasaboorka.
⦁ Sawir teesara ah.
Macluumaadka ku saabsan deeqdaan iyo xiliyada aad isdiiwaan gelineyso waxa aad kala socon kartaa bartaan: http://www.turkiyeburslari.org/
Qeybaha deeqda waxbarasho ee Masters:
⦁ Culuumta Diinta iyo Fiqiga.
⦁ Deeqda Ali Kuchtsowa: Sayniska iyo Teknolojiyada.
⦁ Deeqda Ibn Khalduun : Cilmiga bulshada (social science)
⦁ Deeqda Yunus Emre : Luuqadda Turkiga iyo Suugaanta.
Guud ahaan dalalka way dalban karaan deeqdaan waxbarasho.
Su'aalaha badanaa la isweydiiyo
1. Maxaa ka mid ah shuruudaha ama waxyaalaha la gu kala doorto codsiyada?
Jawaab:
a. Waxyaalaha mudnaanta la siiyo waxaa ka mid ah shahaadooyinka qiimeynta (Certificates of Appreciation) haddii aad heshay inti aad waxbarashada waday ku lifaaq arjigaada ama codsiga aad direyso.
b. Warbixin kugu saabsan (Recommendation letters) warqaddaan waxaa kuu diyaarin kara macalimiintaadi iskuulka ama jaamacadda. Warqaddaan waxaa ku jira magaca macallinka iyo emaylkiisa iyo wixii uu adiga kugu arkay ee ku saabsan sababta aad ugu qalmi karto in lagu siiyo fursadda waxbarasho, kadibna wuxuu macalinku ku soo gabagabeynayaa warbixinta saxiixiisa.
c. Ka shaqaynta danta guud iyo hawlaha kheyriga: Sida ku biirista urur samafal ama gudbinta shaqo tabaruc ah oo aad hore u soo qabatay.
2. Sideen ku ogaanayaa in la i aqbalay deeqdaan waxbarasho?
Jawaab: Kaddib marka aad si online ah u codsatid deeqda waxbarasho, haddii lagu aqbalay waxaa farriin khaas laguugu soo diri doonaa e-maylkaaga, farriintaas oo laguugu sheegi doono in aad ku guuleysatay deeqda waxbarasho.
3. Maxaan Samaynayaa Marka La i aqbalo?
Jawaab: Waxaa dhacdo mararka qaar in farriinta emailka ah lagugu ballimiyo si la gugula yeesho waraysi ku saabsan warbixinta aad dirtay, laakiin ha welwelin inta badan waxaa ardeyga lagu qaataa aqbalaadda loogu soo diro emailka.
Oggolaanshahaaga ka dib, waxaad u tegi doontaa safaaradda Turkiga ee waddankaaga si laguugu diyaariyo waxyaabaha la xariira safarkaada sida fiisaha, waqtiga safarka, tikidhada iyo waxyaalaha la midka ah.
Ugu Dambayn: Aniga shakhsiyan waxaan aqaanaa dad badan oo ku guuleystey deeqdaan waxbarasho kadib markii ay sifiican ugu diyaar garoobeen, marka ma ahan wax aan macquul aheyn ama adag. Waxaa jira kumannaan qof oo loo ogolaado deeqdaan waxbarasho sanad walba, maxaa kuu diidaya in aad ka mid noqoto kumannaankaas?
Tillaaba qaad, oo ka faa'iideyso fursaddaan bilaashka ah ee waxbarasho, ugu yaraan qof kale oo ardey ah gaarsii farriintaan.
Fg. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah, la xariir ardeyda ama dadka aad garaneyso ee turkiga ku nool.
RaadPost