Dhismaha Huawei |
Sannadkii 2010, shirkadda Huawei waxay kaalinta 500-aad ka gashay liiska Global Fortune ee shirkadaha ugu faa’iidada badan adduunka, waxayna soo gaartay kaalinta 83aad isla liiskaas sanadkii 2017. Maanta waa shirkadda labaad ee ugu weyn dhanka soosaarka taleefanka gacanta, Samsung kadib, waana mid ka mid ah shirkadaha ugu wayn dunida ee bixiya isgaarsiinta, kuwaas oo suuqyada caalamiga ah siiya adeegyo ballaaran oo iskugu jira softweerro iyo qalab farsamo.
Injineer horey uga tirsanaa ciidanka shiinaha oo lagu magacaabo Ren Zhengfei ayaa aasaasay Huawei 33 sano ka hor, isaga oo ku billaabay ra'sumaal dhan $3,000 (saddex kun oo doollarka mareekanka ah). Shirkadda ayaa markaa ka koobneyd 14 shaqaale oo keliya, kuwaas oo ka shaqeynayay sameynta taleefannada shirkadda ilaa markii dambe ay shirkaddu ballaarisay hawlaheeda shaqo kuna dartay hawlaha isgaarsiinta, networkska iyo adeegyo fara badan oo ay ka mid tahay latalinta iyo samaynta qalabka isgaarsiinta. Ka dib markii ay shirkaddu la wareegtay waaxda isgaarsiinta ee waddankeeda Shiinaha, waxay ballaarisay saameynta ay ku leedahay dibedda, waxay ka tallaabtay badaha waxay na la shaqeysay shirkado badan oo waaweyn sida Vodafone iyo IBM.
Degmo lagu magacaabo Shenzhen ayay shirkaddu degantahay, halkaas oo ay uga dhisanyihiin qasriyaal waawayn oo isugu jiro xarumo lagu shaqeeyo iyo keydka ay yaalaan farsamooyinka qarsoon oo ay shirkaddu adeegsato. Xarunta shirkadda oo ah tuulo dhamaystiran, in aad ku soo dhexwareegto waxay kugu qaadanaysaa 24 daqiiqo marka aad adeegsanayso gaadiidka Tramka.
Huawei waxaa ka shaqeeya qiyaastii 194,000 oo shaqaale ah, kuwaas oo dalal kala duwan ka soo jeeda, waxayna injineerrada ku tababartaa aaladeheeda u gaarka ah si ay ula qabsadaan ku shaqayntooda, .. Shirkaddu waxay sidoo kale leedahay jaamacad u gaar ah oo tababarta ardayda waxayna siisaa fursado shaqo kuwooda heerka sare noqda.
Saamiyada shirkadda 98% waxaa iska leh shaqaalaha ka shaqeeya halka 1.4% uu leeyahay aasaasihi shirkadda Ran Jin, laakiin, aasaasaha ayaa leh oraahda ugu sarreysa ee la xiriirta go'aannada muhiimka ah ee shirkadda.
Shirkaddu waxa ay leedahay saddex maamule, kiiba lix bilood ayuu yeeshaa go'aanka sare ee maamulidda hawlaha shirkadda, inkasta oo ay u muuqato arrin la yaab leh, hadana waa hab ay shirkaddu ku liibaantay. In ay jiraan dhawr maamule, waxay u gogolxaartay in la helo khibrado kala duwan oo shirkadda u soo jiiday halabuur dheeraad ah.