Airporka Kuwalalumpur ee cusub markaan ka soo degey 11/3/2006 - waa markii iigu horreysaye - waxaan aad ugu bogay nadaafadda iyo designka quruxda badan leh ee uu leeyahay. Waa mid lagu farxo, wadan muslima, oo aad aragto intuu horumar fiican ka gaaray xagga technolojiga iyo waxbarashada, iyo horumarinta dalka.
Gabadhii fadhiday immigrationka, oo khimaarku madaxa u saaranyahay, Markey baabsaboorkayga aragtay, wexey la hadashay gabadh kale oo aan filayo iney ka sarayso, oo ku tiri ( waa saan umaleeyeye): waa soomaali, kaalay ila arag, maku jirey qoloyinkii karantiinada, dabadeedna wexey igu yiraahdeen, u tag xafiiskaas caafimaadka (karantiinada), warad haku soo siiyaan, oo soo noqo, waayahay, gabdhihii xafiiska markaan u tegey wey I marxabeeyeen, waxaan ku idhi, hadda afrika kama iman, ooh.. masidaasaa, waayahay, qaado kaadhkan oo ku noqo, alxamdulilaah, sidi ayey gabadhii immigrationka iigu dhifatay, immisaad joogeysaa maleysia? Waxaan ku idhi: usbuuc ayaa laga yaabaa, wexey tidhi: lixdan maalmood ayaan kuugu dhiftay maadaama aad fiiso safaaradayada kasoo qaadatay, laakiinse, ogow, haddaad mudda intaas leeg, usbuuc iyo wax la mida joogeysid, uma baahnid inaad safaaradda soomarto, maadaama aad soomaali tahay!! Waxaa lagaa siinayaa bil airporka..( maashallaah) waa markii iigu horeeysey, ee aan maqlo, dawlad qadarineysa baasaboorka soomaaliga, ee dadkiisu ku ciyaaray, oo dawladiisi, la burburiyey!! Shukran Malaysia..intaasaa na deeqday. Inaad dawladnimadayadii hore weli nagu tix gelisaan, inkastoo aanu maanta dugaagowney, oo duurjoogtu qaar badanoo naga mida ka fiicantahay!!
Waxaan ku iri rafiiqii ila socday: Bal hadda eeg dadku wadankooda sidey u dhisanayaan, oo ugu danqanayaan, iyo adduunku meeluhuu ka shaxaayo, inaguna waxaan dhaafi kari lanahay: Qansax oo ah Guddoomiyaha gobolka Qurac wuxuu u kicitimay Ethiopia si uu hub iyo rasaas uga soo qaato. Canjeel oo ah wasiirka isbaarooyinka iyo garoomaada qaadka iyo daroogada wuxuu idaacadda darxumo u sheegay inuu dadweynaha ugu bishaaraynayo, inuusan weligiis dawladnimo aqbalayn waayo wexey hor istaageysaa horumarka iyo hawlaha qaranka ee uu u hayo bulshada soomaaliyeed. Wuxuu warkiisa ku sii daray, maalmaha soo socdana inuu shan isbaaro ku kordhin doono, jidka u dhexeeya garas iyo dacar.!! Sacab…..
Markaanu isa salaanay Dr Nur oo macalin ka ah, jamacad Malaysian ah oo ku taal gobolka Selangor, oo Kuwalalumpur u jirta 40 km, waxaa maskaxda naga qabsaday, cadaabka ay Somalia ku jirto, iyo adduunku meesha uu marayo. Waxa dadkeenu isku hayo, iyo waxa dadku ku fekerayaan. Sarta weyn ee Airporka kuwala Lumpur ku dhinac taal ee loogu talagay (Parking) meesha baabuurta la dhigto, waxaan is iri, Muqdisha, Hargeysa, Kismaayo, Berbera, iyo Boosaaso keligeed ayaa gegooyin dayuuradu ka dhisi karta!!
Dadka malaysianka ah waa dad qabow, oo degan, oo aanba is lurihayn. Islaamku waa ka muuqdaa, sida masaajidda, dumarka khimaarka sita, rag koofiyada wata, laakiin waxaa badan inta aan ku dhaqmayn. Dumarka waxaan is iri: yaa u dar daarmay surweelka jiniska, iyo khimarka madax la saarto. Waxaase arrin aan Soomaali aqoon ka mida, masaajidka markaan ku tukaney, ayaan waxaan arkay dumar qaawan oo masaajidka kasoo baxaya, iridka dumarka oo kan raga ku dhow. War gabadhan finaanada yarta ah, iyo surweelka jiiniska wadata, ma masjidkey kasoo baxday khayr allaha siiyee, waaba gabar fiicane? Haa ayuu igu yiri, wadaadki ila socday, waa dhaqan meeshaan laga yaqaan. Masjidka gudihiisa ayaa waxaa u yaal mara weyn oo ay isku duubto marka ay tukaneyso, Markey salaadda ka baxdana, meeshey dhigeysaa, oo sideede ayey ku bexeysaa!! Dadkaas waa dad niyad fiican, waa gabar islaanimo dareemeysa, laakiin, aqoon yare iyo dhaqan ayaa ka qaalib noqday, iimaankuse qalbigeeda wuu ku jiraa.
Dr. Nur, intaan airporka kuwala Lumpur, oo magaalada cabbaar u jira, kasoo soconey ilaa hodheelka aan ku degi lahaa, wuxuu isoo mariyey meelo dhawra ee jidka ku yaaley, si aan bal fikrad uga qaato, mindhaa wuxuu ogyahay, cudurkayga, iyo meesha I xanuuneysa, oo ah, markaan dal dhisan, oo nabada arkaba, waxaan xasuustaa, dalkaygi darxumada haysata, iyo dadka qimaarka ku ciyaaraya, iyo sida, dadkaygu aaney u garan ilaa hadda meesha laga hayo, ee ay jidkii darxumada weli ku dalanbaabiyayaan.
Waxaa laygu yiri: Dawladda Malaysia, magaalada quruxda badan, ee saraha adduunka ugu dhaadheeri ku yaalaan, ee Kuwala Lumpur la yiraahdo, waa magaala madaxda dalka, wey nacday, oo wexey tiri, waa saxmad, iyo cariiri. Waxaan u baahanahay, magaala madax, la socon karta casriga aynu joogno, iyo horumarka Malaysia.
Sidaa darted waa ineynu magaala madax cusub dhisanaa. Wexey dawladdu marka bilawday, dhawr sannadood ka hor, magaala cusub oo qorshe casriyaysan leh in la dhiso, xafiisyada dawlada iyo wasaaradaha, iyo hay'aduhuna meesha u guuraan, Dawladda iyo baarlamaankun dhex fariistaan.
Halkaas ayaa waxaa ka bilawday dhismaha magaala madaxda cusub ee PUTRAJAYA.. Jidka weeyn ee (High wayga) ah, - Afsoomaali ma garanayo wax lagu yiraahdo jidka – High wayga – waayo waxaan filayaa inusan buugga magacyada weli inoo gelin, saa wadankeenu intuu jireyba hal high wey weligiis looma samayn. High way, waa jid ballaaran, dhinac walba saddex ama afar gaari ayaa is dhinac socon karta, waa jid furan oo aan nalal ku istaajiya lahayn, si dhaqsi badan gawaaridu ugu xawaarayso.
Haddaan jidkaas, oo aad u qurux badan, nadaafad aan caadi ahaynna u dheertahay, aan wax yar ka weecannay, roob ayaaba na qariyey, waxaan iri, Ilaahow dalkayagii roob ku soo daa, abaaraha iyo biya laįanta ka jirta. Wadaadki I dhinac fadhiyey ayaa yiri: Dalkeeni wuxuu roob u waayey, dulmiga batay, dilka aan xisaabta lahayn, iyo waxa dhiig xaq dara ah ku daadanaya!!
PUTRAJAYA waa tan. Caasimadda cusub ee Malaysia rabto. Magaalada waxaad moodaa in loo PLAN gareeyey si aad u farshaxana. Jidadku waa waasic. Guryuhu, wexey isugu jiraan, Filooyin gaagaaban, iyo Xeryo gurya ah (compounds) iyo sara dhaadheer oo cirka ku shareeran oo aqalada yar yare e flaatyada ah (Apartments). Jidka waxaa dhinac socda, adeegyada daruuriga ah, Biyaha, Korontada, Taleefanada, Internetka, Satelliteyada iwm.
Jidadka dhinacyadiisa waxaa ah, laami yar oo dadka iyo baaskiiladu maraan. Geedaha, iyo cagaarka, iyo Fiyooraha, isku jar jaran ee aadka loo qurxiyey wexey hareeraha ka socdaan jidka. Xoogaa markii la socdaba, laba jid dhexdooda, ama Guryaha waaweyn agtooda, ama Xafiisyada dawladda hareerohooda waxaa lagu sameeyey, fadhiyo, wanaagsan, oo hadh leh, kuraas milicsan, iyo jardiino yar, oo lagu nasto, ama lagu sheekaysto.
Daaraha xafiisyada wasaaradaha waa dabaqyo badan oo (architect) farshaxanihi ku fara yaraystay, oo aanan xitaa yurub iyo mareekan qaarkood aanan ku arag. Wexey kulansatay, qurux, hannaan, wasac, iyo iskalifid la'aan. Meel xoogaa jirta waxaa iiga muuqday, Daar aad u qurux badan, oo buur yar oo tag ah dusheeda laga qotomiyey, hareerahana dhul cagaaran iyo geedo kaga meegaaran yihiin. Daartu Qubada waaweyn oo sida kuwa masaajidda ayey leedahay, indhahayga ayey soo jiidatey. Waxaan iri: Daartaasuna mexey ahayd quruxda badani, wuxuu yiri: Waa xafiiskii dawladda, waa meesha uu raÄ·isul wasaaruhu fariistu!
Gurigaas wasiirka koowaad iyo dawladdiisa waxaa ku ag yaar Masjid aad u weyn, oo 4 dabaqadood uu kor usii yaraaneysa leh, meesha u saraysana ay kaga fadhido qubad weynm waxaana ku ag taal Minaarad dheer. Masjidku wuxuu leeyahay, bar xad aad u weyn, oo dad badan oo dalxiis ah, oo isugu jira dadka wadanka iyo kuwa dibadda, ay ku raaxaysanayaan, qaar isku sawirayaan, qaar ku qabowsanayaan, jawi aad u fiican, oo markaas roobku qaaday, qoraxduna daoolantay, ayaa meesha haysta. Masjidka badhkiis wuxuu ku jiraa biyaha dhexdooda, badhka kalena berriga, waxaa ka baxa jid buunda ah, oo toosan, oo hareeraha ay ka socdan daara dawladeed oo aad u qurux badan, qumaatina wuxuu ugu dhacayaa jid kale oo weyn, oo dhex bartanka uu kaga yaal guri dabaqya ah oo aad loo qurxiyey, oo barlamaanka fadhiisin u ah.
Magaaladani wexey bedeleysaa, Kuwala Lumpur oo ay u arkaan iney duqowdey, oo ganacsiga loo daayo, inkastoo magaalada dhexdeedu aad u qurxan tahay, gurya dhaadheer, suuqyo caalami ah, iyo nadaafad aan caadi ahaynba leedahay. Haddana waa arrin ay ku dhaqaaqi karaan ummadaha dalkooda danaynaya, horumar doonaya, ee maaha mid uu QOF soomaali ah oo intii yaraydee uu haystey burburinayaa uu ku fekeri karo, Waxa soomaali maamul u hayaa ay maskaxdooduba qaadi karto.
Wadan wuxuu ku hormaraa markii dadkiisu ay jecelyihiin, oo ka shaqaynayaan, waxna gelinayaan, ee ayan dhaqaalihiisa, afka u wada dhiganayn. Madaxdu iney wax cunto oo lunsato iyaga iyo kuwa ku hareeraysan waa arrin iska caadiya. Laakiin waxaa adduunka horumarka raba, ama dalkiisa iyo sharafta shaqada ilaalinayaa, yaqaan, inuu si habaysan wax u cuno, oo midda kale, waxna cuno, waxna wadanka geliyo. Laakiin, Soomaaliya, iyo afrika guud ahaan, dhibaatada haysata, waxa weeye, maamulada dadka haya, nin walbaa wuxuu rabaa, waxa wadanka soo gala inuu keligiis cuno, wadankiina aan koob shaaha loo darin. Damiir xumo, diin la'aan, iyo sharaf daro ay ka qabaan.
Malaysia sideey u fekereysaa? Sidee ayeyse ku noqotay mudda gaaban wadan la tartama kuwa horumarey sida galbeedka iyo jaban?
Aan fiirino horta luqada xisaabta si aan u garano meeshey mareyso, iyo meesheey ka soo kacday..
Markii ay xornimada qaadatay, 1957, saddex sano ayey inaga horreysey, ingiriis ayaana ka kacay, waxaa dakhliga qofka Malaysia u dhashay ahaa(per cabita) ama GDP = US$ 300. wuxuu maanta sii marayaa US$ 5500. Marka laga reebo dhaqaalaha deggan ee isu dheeli tiran, dadka reer Malaysia waxaa baahida (faqriga) ahaa nisba gaareysa 50%. Maanta nisbada faqriga reer Malaysia wexey ka sii hoobaneysaa: 7%.
Ganacsiga dibadda oo u badan dhoofin, wuxuu sanadkii gaarayaa: US$ 170 billion. Taasoo ka dhigtay Malaysia iney liiska ka gasho booska 18aad wadamada adduunka ugu ganacsi weyn. Malaysia wexey jaamacadeheedu soo saareen dhawrkii sano ee u dambeeyey in ka badan 500,000 oo jaamici, Master iyo phD isugu jira.
Wexey ku hamineysaa iney noqoto adduunka meelaha ugu muhiimsan ee tacliinta loo doonto, waxaana qorshohoodu yahay 2010 intaan la gaarin, ardada ajnebiga ah ee wadanka wax ka barataa iney gaaraan 100,000 oo arday. Wexey qorshayneysaa iney 2020 noqoto wadamada adduunka ugu hormarsan xagga waxbarashada iyo technologiga iyo nolosha wanaagsan ee shacabkeeda.
Arrimahaas ciyaar laguma gaarin. Bal Hadda aan wax yar idiinka soo guuriyo, Qorshaha iyo siyaasadda, iyo hoggaanka ka dambeeya horumarkaas deg dega ah ee Malaysia ey tartanka adag ugu jirto, oo weliba si daacada ay rabto iney jabaan iyo Europe usoo qabato, oo u dhaafto, iyadoo Islaamkeeda haysata.
Madaxda Malaysia muddada dheer majaraha u haysey horumarkaana qayb libaax ka qaatay waxaa ka mida, Raiisul wasaarihii hore ee Malaysia Dato Seri Dr. Mahathir Mohamad (1925 - ). Waxaa Meeshiisii hadda kasii wada, Raiisul wasaaraha waqtigan la joogo Abdullah Ahmad Badawi ( 1939 - ). Waxaa labadooda ka horreeyey 3 Raiisul wasaare, intii isticmaarku kacay. Waxaase intaba ka weyn: In wadanka loo dejiyey system ama (nidaam) uu ku kala socdo, qof kasta oo meesha yimaadaana raaco.
Wuxuu leeyahay ninka qoray kitaabka (Mahathir.. Sirta horumarka Malaysia, 2003) ( Mahathir – The Secret of the Malaysian Success) Hajrudin Somon (wuxuu ahaa safiirka Bosnia u fadhiya Malaysia): Dr. Mahathir wuxuu heli karay, sida ay yeeleen qaar badan oo wadamada Muslimka madax ka noqday isticmaarku markuu kacay, inuu madax nimadiisa keliya ilaashado, caqligiisana halkaa isugu geeyo, shacabkana been ku maaweyliyo, Laakiin wuxuu doortay midda adag oo ah, inuu fuliyo aragtidiisa ku wajahan inuu soo saaro Wadan casriya, oo hodon ah, oo horumar technolijiga iyo tacliinta dadkiisa ka haqab tira. Wuxuu ka faaiidaystay khibradihii weynaa ee Japan iyo reer galbeedka. Wuxuu Mahathir ku celceliyey dhawr jeer: (( Dadka Muslimiintaa wey ducaystaan laakiin wexey hilmaamaan inaan xaalkooda Ilaahay bedelayn haddaaney iyagu is bedelin).
Maxaa sabab u noqday in Malaysia ay gaarto horumar deg dega mudo gaaban gudeheed, oo kasoo boodo booska dawladaha saboolka ah kuna biirto 20 dawladood ee adduunka ugu ganacsi ballaaran!?
In dhaqaaleheedu sara u kaco sanadkii 2002, 7% (economic growth) taasoo dakhliga guud ee wadanka laban laabtay oo oo gaarsiisey 219,4 bilyan oo Ringet (57,7 bilyan US$), qiimaha dhoofintuna saddex jeer laba jibaarmo ilaa 349,6 bilyan oo Ringet (92 bilyan US$), soo dejintuna gaarto 298,5 bilyan Ringet (78,6 bilyan US$) taasoo maleysia ka dhigtay iney qabsato booska 18 ee 20ka dawladood adduunka ugu ganacsi weyn.
Intii aan joogey wexey soo saartay wasaaradda Wershedaha iyo Ganacsiga caalamiga xisaabaatkii sanadka 2005, waxaana la guddoonsiiyey wershedihii iyo shirkadihii private ka ahaa kuwooda ugu horreeya abaalgudyo, ay qaybineysey wasiirka Ganacsiga adduunka, waa haweeney la yiraahdo Rafida Caziz. Siduu qoray Joornaalka maalin laha ah ee New Straits Times, Jimcihii, 17 March:
Malaysia Ganacsigeeda adduunka wuxuu sanadkii 2005 kor u kacay 9.9%. isagoo garaacay: 967.8 bilyan Ringet.( waa taqriiban 300 bilyan US$. Wax dhoofinta oo kor u kacday 11% wexey ka badantahay inta Hayádda Ganacsiga Adduunka (World Trade Organization WTO) ay u aragtay sarakaca 6.5%.
Mexey tahay sirta ka dambeysa horumarkaas aan caadiga ahayn ee adduunku la yaabay?
Waxyaabaha ugu Muhiimsan:
1) Hoggaan iyo Madax wanaagsan oo daacad u ah iney dalkeeda Horumarisa, waxaana isku bedelay intii isticmaarka ka dambeysey 1957 ilaa hadda 5 Raiisul Wasaare oo uu ugu caansana Tun Dr. Mahathir Muxamad oo 22 sano xukumey.
2) Plan (Qorshe ) cad oo isugu jira mid dheer iyo mid gaaban. Midka dheer waa wexey u yaqaanaan (Vision 2020) oo ah sanadkaas 2020 Malaysia iney noqoto Wadamada adduunka ugu hormarsan dhinac kasta. Midka gaabanna waa (5 year plan) qorshe dawladdu shantii sanaba dejiso, oo kaas dheer ujeedooyinkiisa lagu fulinayo, marba dhinac xoog la saarayo, haddana waxaa bishan 4aad April la filayaa in la soo saaro Plankii 9aad ee Malaysia ee 5ta sanoo soo socota.
3) Nabad iyo Xasilooni dalka ka dhacda oo ay ka wada shaqeeyaan dawladda iyo dadka reer Malaysia oo kala ajnaas ah (Malay, Chinese, iyo Hindi) Taasoo keentay kalsooni soo jiidda Ganacsadayaalka adduunku iney maal gelin ballaaran ku samaystaan Malaysia, dadkii wadankuna shaqooyin ka helaan iyo dhaqaale.
4) Tacliinta oo dawladda Malaysia ay xoog saartay iney dadkeeda wax barto, jaamacadaha iyo macaahidda iyo goobaha wax barashana badiso, minxooyinka (scholarship) dibadda iyo gudahaba ardaydu helaan, sanadkiiba wexey dawladdu bixisaa scholar ship dibadda ah 1500 oo arday Sanad kasta adduunka wax ku soo barta tacliin sare, 5500 Arday Gudaha. Taasoo keentay in maanta dadka dhalinta yar sey u badan yihiin rag iyo dumar ay wada jaamiciyiin yihiin. Bal jaamacadaha markaad dhex qaado aad la yaabeysid ardayda boqolaalka kun ee qul quleysa.
5) La dagaalanka Musuq maasuqa (anti corruption) oo dawladdu xoog saarto, inkastoo aan dhaadhac marna la weynayn, haddana si adag ayaa loola dagaalamaa musuqmaasuqa heer ay u sameeyeen, Hayád dhan oo arrimahaas daba gasha qof kasta oo dawladda u shaqeeya, iyo Akaadeemiyo lagu tababaro dadka la dagaalama musuqmaasuqa, oo iyaga hadda barashadiisa loo soo raadsado.
6) Raacidda system iyo (nidaam) idaariya oo casriya oo wadanka lagu wado, lana raaco, iyo akhlaaqda shaqada (work ethics) la raaco, oo ah ilaalinta asluubta shaqada iyo gudashada waajibaadka xilka, oo lagasoo guuriyey in badan dalalka horumaray ee bariga oo ku dhow sida (Japan iyo Korea) taasoo uu soo saaray Raisul wasaarihii Hore Dr Mahathir, siyaasad la yirahdo (Xagga Bariga Fiiri) (Look East Policy- LEP). Oo ahayd ka carar addoonsiga iyo xaasidnimada reer galbeedka oo qof taagdaran aan u naxariisan.
7) Raacidda systemka loo yaqaan (privatization) ama ganacsiga dawladda ka madax banana ee dadku leeyahay, oo ah in dawladdu adeegyada bulshada inteeda badan faraha kala baxdo, waxaan ka ahayn maamul iyo muraaqabo guud, shirkaduhuna la wareegaan oo adeegyadaas ka ganacsadaan, sida Shidaalka, Beeraha, Wershedaha, Korontada, isgaarsiinta, iwm. Taasoo keentay tartan iyo shaqo wanaagsan.
8) Iney dawladdu (qorshaha)fog, xoog saartay xagga cilmiga farsamada casriga ah ama IT (Information Technology) wexeyna arrinkaas u samaysay magaala dhan oo la yiraahdo (MSC) ama (Multimedia Super Corridor) si gaara ayaanan meeshaas hal maqaal ugaga hadli doonaa, waa tajribo la yaab leh, sida loo fuliyey iyo qorsheheeduna ka sii yaab badan yahay.
Arrimahaas waxaa la oran karaa waa asbaabaha ugu weyn ee ka dambeysey horumarka deg dega ah ee Malaysia. Iyadoo Marka laysku soo duuduubo u noqoneysa: Dad aad u jecel wadankooda, doonaya horumar, la tartamaya adduunka, heshiis ku ah iney dalka wada dhistaan oo kawada shaqaystaan iyagoo diinta iyo dhaqanka ku kala duwan.
Soomaaliya oo isku dhaqan,
Isku diin, isku qoys wada ahna,
Waxaa caqligeenu dhaafi kari waayey,
Tuulooyinka yar yare e abaarta ah inaan dhiigeenna maalin walba ku daadino, iyo in Dagaal ooge jaahila oo adduunka boqolaal sano ka dambeeya, oo indhala uu shukaanta ku fariisto, aqoonyahanaduna sacabka u tumaan..
Ciil badanaa…………
Dua pulub-Dua pulub macneheedu afka Malayga waa 2020, waana ( Qorshaha dheer ee Malaysia ilaa sanadka 2020) iney gaarto dawlad horumarsan oo dhamaystiran,oo galbeedka iyo Japan wax la qaybsata.
Qorshahaas waxaa aabe u ah oo curiyey Ra,iisul Wasaarihii Hore Dr, Mahathir Muxamad, oo si kasta oo ninkaas laysugu khilaafo, ama loogu kala qaybsamo, sida caadiga u ah, raga taariikhda baalasha weyn ka gala, waxaan laysku khilaafsanayn, inuu yahay: Aabaha Horumarka Malaysia ee casriga ah.
Muxuu yahay qorshaha (Vision 2020) ama (Aragtida 2020)?
Waa qorshe dheer oo ku dhisan aragti fog, sida ay noqon lahayd Malaysia facyaasha soo socda in hadda lasii dhagax dhigo.
Dr. Mahathir wuxuu hindisaas (Aragtida – Vision- 2020) soo saaray 1990. Marka waa qorshe 30 sano ah, kuna taagan in waqtigaas, inshallaah, ay Malaysiya noqoto Dawlad Hormartay (Developed Country) dhinac kasta, bulshada, ruuxda, dhaqaalaha, siyaasadda, wax barashada iyo aqoonta. Markuu qorshahan soo bandhigayey Dr. Mahathir wuxuu hordhaca ku yiri 1990kii shirkii Golaha horumarinta iyo Qorshaha:
Waxaan Rajaynayaa Ilmaha Malaysianka ah ee manta dhasha ama sanadka soo socda inuu noqondoono, Faca u dambeeya eek u noolaanjirey wadan soo kacaya oo la yiraahdo Malaysia, facaas wixii ka dambeeyaana ay ku noolaan doonaan Malaysia Horumartay (Developed Country).
Qorshuhu wuxuu dejiyey 9 istraatiijiyo oo loo baahanyahay in laga gudbo si loo gaaro aragtida 2020, kuwaasoo ah:
- Taxadiga koowaad oo ah in la dhiso ummad Malaysian ah oo wadaagta dareen iyo aragti, kuna dhisan nabad dhexdeeda ah, iskuna duuban,wada nool, dalkana kawada qayb qaata, daacadna u ah.
- Taxadiga labaad waa in la abuuro bulsho Malaysian ah oo xor ah, hor marsan, nafteedana kalsooni buuxda ku qabta, kuna faanta waxay tahay iyo waxay guddo.
- Taxadiga saddexaad ineynu abuurno Bulsho Demoqradi ah oo wada tashi wax ku goosata, madax banana, oo ka duuleysa maslaxadda Malaysia, cidna aan (copy) ka ahayn, tusaalena u noqota wadama badan oo horumar doonaya.
- Taxadiga afraad waa inaan helno bulsho Malaysian ah oo leh darajada ugu saraysa xagga qabsashada diinta iyo dhaqanka wanaagsan.
- Taxadiga shanaad oo markasta nah or taagnaa waa inaan abuurno Bulsho Malaysian ah, oo xoriyad ku wada noolaata iyo nabad iyadoo mid kastaa diintiisa iyo dhaqankiisa uu haysto haddana wada leh wadankan oo u wada tiirsan.
- Taxadiga lixaad waa inaan abuurno bulsho cilmiga iyo sancada ku horreysa oo horay fiirineysa, oo aan ahayn bulsho wax technologiyada isticmaasha oo suuq u noqota keliya, ee innagu aan noqono mid technolojiyada wax ku darta oo kaalin ka qaadata ooh al abuur leh.
- Taxadiga todobaad waa dhisidda mujtamac isku xiran qoys ahaan iyo bulsho ahaan oo is daryeela, oo maslaxadda guud ka hormariya midda gaarka ah, oo ku dadaala nolol wanaagsan ee qof kastaa helo.
- Taxadiga sideedaad waa abuuridda mujtamac cadaalad leh oo si cadaalada dhaqaalaha u qaybsada, si wada jira oo simana horumarinta dhaqaale uga qayb qaata.
- Taxadiga sagaalaad waa abuuridda bulsho Malaysian ah oo nolol wanaagsan, dhaqaale tartan ku jira, firfircooni, iyo ka qayb qaadasho adduunka leh.
Qorshahaas uu Dr. Mahathir ummadiisa soo hor dhigay 1990 Markaan annagu soomaali haddaan nahay birta isku saafeyney ilaa haddana aan isku saafeynu, cali iyo cabdalla is haystana aan ka bixi kari la’nahay, geedi iyo faarax baa kala booday xaalkeenu taagan yahay, waxaad mooda in Malaysia 15 sano ka dib ay in badan kaga guulaysatey arrimahaas. 15 sano ee qorshaha ka harayna haddii ilaahay nabad ku gaarsiiyo ay gaarayaan waqti ka horreeya waqtigii ay qorshaysteen.
Halkaas waxaa ka caddaatay mar kale, muhimadda ay leedahay dejinta qorshaha iyo ka shaqayntiisa iyo in la wada higsado gaaritaankiisa, oo riyada run loo bedelo.
Laakiin Soomaaliya ayaan lahayn cid u ooyda……
Waxaan maqaaladan u gaar yeelayaa, weyna istaahishaa, XARUNTA TECHNOLIJIYADA MALAYSIA- ama (Multimedia Superior Corridor) (MSC).
Waa tiir ka mida tiirarka horumarinta Malaysia ee (Aragtida – Vision 2020) ee Qorshaha dheer ee Malaysia ku tashatay.
Waa Magaalo loogu tala galay iney bedesho Celicon Valleyga maraykan, ama shirkadaha adduunka (Information Communication Technologu ICT) ka shaqeeya. Wexey sanadkan hay’adaha arrimahaas indhaindheeyaa liiska ay soo saareen, Malaysia ka gasha booska saddexaad shirkadaha mustawahaas leh ee wadan kasta ugu jira, waxaa kaga shirkada badnaa oo keliya Maraykan iyo India.
Mexey tahay Qisada, magaaladan wada technologiga ah, oo la yiraahdo, qalin lama qaato, ee computer, digital ayey wax kasta gudeheeda ku shaqeeyaan, waxaana isugu yimi in ka badan 1000 shirkadood ee kuwa adduunka ugu haysta cilmiga ICT?
Marka hor qorsheheeda shaxdaan ka garo:
Qaybta 1aad: 1996 – 2004 ee Qorshaha magaaladan waa dhisidda iyo asaaska.
Qaybta 2aad: 2004-2010 Waa iney noqoto Meel adduunka technolojiyadiisa hoy iyo xero u noqota.
Qaybta 3aad: 2010 – 2020 Waa iney u bedesho Malaysia Mujtamac cilmiyaysan.
Wixii ka dambeeya 2020 waa in la hanto hoggaanka dhaqaalaha cilmiga.
Waxaan Somaalida inta caqliga leh ka codsanayaa, bal iney u fiirsadaan dadku sideey u shaqaynayaan, (bal ineynu wax yar ka xorowno – maskaxda dhaafi la’ 16 sano, technikaan haystaa iyo ciidan ayaa ii diyaarsan, gawaari pick-up oo adduunku mar hore ka tegey, 4 wiil oo caga cad, jaadna qawlalada qalajiyey dul fadhiyaan, loo malaynayo in adduunka la qabtay, ama la dhaafi la’ yahay, hay’adaha adduunka waxaanu ka baryeynaa iney noo soo gurmadaan- soomaalidaas inta caqliga lihi bal si fiican ha ugu fiirsato sida wax loo dhiso oo aan wax loo dumin.
1995 – 29 Aug Wuxuu Dr. Mahathiir Dhagax dhigay magaalada caasimada cusub ee Putra jaya oon xoogaa kazoo sheekeeyey.
1 Nov. wuxuu jeexay magaalada Technolojiyada ee Multimedia Super Coorridor, oo ku fadhida (15x50 KM).
1996 Nippon Telegraph and Telephone Corporation (NTT) Wexey ogolaatay iney ka dhisto MSC , markas cilmibaaris iyo horumarin.
6 May waxaa soo baxay Plankii 7aad ee Malaysia oo qayb fiican laga siiyey horumarinta magaaladaas.
28 May wuxuu ra’iisul wasaaruhu booqday maraykanka si uu fikradan u baahiyo suuqna ugu sameeyo.
5 June waxaa la asaasay Hay’adda Horumarinta Cilmiga macluumaadka (Multimedia Development Corp. MDC) si ay u horumariso una kormeerto magaalada MSC.
20 June Dr. Mahathir wuxuu siyaartey Saldhiga Shirkadda adduunka computerada ugu haysata ee Microsoft ee Seattle si uu ugala xaajaysto ka qayb galkooda magaaladaas.
2 October waxaa dawladdu wasaaradda wax barashada ku amartay in la asaaso Jaamacadda (Multimedia University).
Weli anagoo wadna dadaalkii ay Dawladda Malaysia u gashay xarunta technolojiyada (MSC).
1997 13 January Dr. Mahathir oo hoggaaminaya wafdi cilmiyeed iyo ganacsato ayaa Booqasho ku tegey Maraykanka iyo Japan, wuxuuna la kulmay Ragga adduunka Computerada iyo Multimediada maamula sida Bill Gates, Scott Mcneaally, James Barksdale, Eckhard pcfiefer, Stan shih, John Cambers, iyo Noboyuki idie.
16 Januaray Wuxuu Dr. Mahathir guddoomiyey shirkii ugu horreeyey ee Guddiga Caalamiga ah ee la taliya MSC, oo ka kooban raga kor ku xusan iyo kuwa kaleba, (International Advisory Panel IAP),wuxuuna kula kulmay Daarta Gates ku magacaaban ee Jaamacadda Stanford (Stanford University) ee California.
20 May Wafdi Ballaaran oo culimo oo MSC ka socda oo uu hoggaaminayo Dr. Mahathir ayaa booqasho ballaaran ku bixiyey, dalalka yurub, Galbeed iyo Bariba, Ingiriis, Hoolland, Germany, Sweden, Finland, iyo kuwa kaleba, wuxuuna la kulmay, masuuliin, shirkado Technolojiga, Jamacadaha, wuxuu ugu baaqay ka qayb galka MSC, wuxuu la galay qaarkood, heshiisyo.
1998 Feb waxaa kulmay shirkii 2aad ee (IAP) International Advisory Panel, oo ku qabsoomay xarunta MSC, oo uu guddoomiyey Dr. Mahathir.
March wuxuu Dr. Mahathir hoggaamiyey Wafdi MSC ah oo u baxaya Germany, si loola kulmo shirkadaha iyo culimada technolojiyada.
2001 Waxaa xaflad loo qabtay shirkadii 500 ee degtay magaalada MSC.
Masoo koobi karo, laakiin bil kasta waxaa dhacayey intaas oo talaabo oo horumar ah oo Raiisul wasaaraha Dr. Mahathir uu goob jog ka yahay, sidii aanu shaqa kaleba lahayn, laakiin, waa ummad shaqayneysa. Haddaad faahfaahin unga baahantahayna ka fiiri,. Websitekooda internetka. www.mdc.com.
Maanta 1000 shirkadood in ka badan ayaa maraakis cilmi baaris, wershedo, saldhigyo, sheybaaro, xafiisyo ku leh MSC.
Qaabka ay u shaqayneyso iyo ujeedada dheer oo laga leeyahay oo ah:
- Kordhinta cilmi barista
- Dhisidda Technolojiyada
- Horumarinta Bulshada xagga cilmiga
- Soo jiidashada khibradihii adduunka
- Dhaqaalaha Dibadda soo gelintiisa
- Kordhinta wax soo saarka
- Shaqaalaha carbisan kordhintiisa
Waxaa wax ka muujineysa shaxdan kale sida la rabo in wadanka loogu baahiyo cilmiga ay soo saarto MSC:
Sidaas ayey Rabtaa Malaysia iney adduunka inta gaarto weliba dhaafto 2020, waxaana ka dambeeya magaaladaas dhisideeda:
Caqli fayow oo ku fekeraya horumar, iyo dad danaynaya dalkooda.
Waxaan qof kasta oo soomaaliya oo hadalkan akhrisanaya ka codsanayaa, inuu isu fiirsho, heerka dadku ku fekerayaan, iyo heerka aan joogno.
Waxaan ka codsanayaa, qolooyinka ku fekeraya iney Soomaaliya ama qeyrkeedba tala ka qabtaan, haddeeyan u fekeri Karin sidaas oo kale, iney iskaga haraan, oo meelahaas, iskaga shaqaystaan.
Waxaan qof kasta oo Soomaaliya oo hadalkan akhrista u sheegi lahaa:
Haddii uu weli taageerayo in duruufteenu sedan ahaato, dawladnima sedan aan ku jirno ku raadineyno, (Madaxweynayaal aan ardaaga beesha caqli ka fog ku fekeri Karin, wasiiro iyo xil dhibaano qaadka Nairobi, Jawhar iyo Baydhabo islaamaha deynta kaga dhamaystay, Raiisul wasaarayaal saajinada Ethiopia iyo keenya iney amarka ka qaatan ka fog aan ku fekeri Karin, dagaal oogayaal, la sasabo, oo maalinba mid cusubi soo boxo, inta xaafad rasaas ku asqaysiiyo, yiraahdo anna waa ikan, beeshuna tiraahdo, waa halyeey, ) Haddaad weli dadkaas oo kale taageereyso ogow in Qalbigaagu dhintay. Aadan noolayn, waxna aadan arag !!
Akhristaa wuxuu yiri: Saaxiib Malaysia miyey ku sixirtay? Waxaan iri: Lacajabidda sheyga lala cajabo waa nooc sixirka ka mida. Sida aftahamada iyo hal abuurku u yahay nooc sixira. Waxaa I cajabiyey, oo aan uga hadlayaa Malaysia, waa Tajribu u baahan in la dhigto, oo loo kuur galo, lana miisaamo.
Dawlada Badan oo ka xoola badan Malaysia ayaan gaarin una dhowayn heerkeeda.
Sacuudi Carabiya, Kuwait, Imaarat, iyo kuwa la mida wey ka dhaqaale badan yihiin, Malaysia, maxaa sababay, iney dhaafto boqolaal sano, iney noqdaan suuqyada wax quuta, iyana noqoto kuwa wax quudiya, iney noqdaan kuwa wax iibsada keliya, iyana noqoto mid iibisa oo iibsata, iney cilmiga ku hor marto iyana afar gaal oo xun xun mooyaane wax kale ayan kibis u ogolayn!!
Waxaa sababay siduu Yiri Dr. Mahathir:
Malaysia Horumarkeedu ma noqonayo mid dhinac walba kala mida UK, ama US ama Canada. Waa Horumar Malaysian ah, waxbuu ka faiidaystaa dadkaas, laakiin mid isu ekaysiinaya maaha.
Waxaa sababay, maskax xora oo aan addoonsi aqbalayn, adduun manta furfurmay, oo cilmigu meel kasta yaal haddii ay daacad kaa tahay inaad soo raratana aad heli karto. Laakiin rabitaan, iyo shaqo u baahan oo qudha.
Waxaa sababay in Malaysia ay ka xoroowdey iney reer galbeedka hoos fadhido, marti u ahaato, daba ruclayso, laakiin wexey kula dhaqantaa, hoo – isii.. (give and take). Wexey kula dhaqantaa xornimo, wexey iska oran kartaa: YAC!!!
Waxa meesha yaal maaha malala dhaqmaa wadamada shisheeya, ama wax Malaga qaataa, mid taasi laysku khilaafsan yahay maaha, laakiin waxaa laysku khilaafsanyahay, sidee loola dhaqmayaa, side wax looga qaadanayaa?
Japan Reer galbeedka wey ka qaadatay, laakiin wexey ku fekereysey maaha iney (camiil – customer) u noqoto keliya, ee iney ka kaaftoonto waqti yar ka dib, weeyna gaartey. Korea wey u baahnayd reer galbeedka iyo Japan, laakiin wexey ku fekereysey iney ka kaaftoonto, waqti ka dib. Malaysia sidoo Kale wey ka qaadatay welina wey ka qaadataa reer galbeedka iyo bariga labadaba, laakiin wexey ku fekereysaa iney ka kaaftoonto ama iyaguba u baahdaan waqti ka dib.
Dalalkan carabta muslimiinta ah, badanaaba maskaxdaasu ma xukunto, waxaa xukuma iney (camiil- customer) ahaadaan, alaabta loo iib geeyo, keliya.
Maalmihii dhoweyd ee Denmark la gooyey, waxaa soo baxday sucuudigu inuu ka qaato bidaacooyin gaaraya 100 Bilyan sanadkii, isuga 100 malyan xitaa ma gaaro waxa u u dhoofiyo oo patrol u badan.
Soomaaliya jirtoo iyadu xisaabta kuma jirto, saa sucuudiga iyo qeyrkood dhulkooda ayey ku heshiiyaan oo wax ka dhistaan haba u yaraatee, inagana waxaan weli taaganahay, (Haddaanu reer hebel nahay…..). Muxuu yahay reer hebel marka adduunka la fiirsho?
Waa beel yaroo miskiina, oo caga cad, oo cayra, oon dhul iyo dawlad midna haysan, caruurteedu wax ma barato, dadkeeda jiranna cisbitaal ma leh, gabadha umushaana waa isku dhimataa, ninka wax noqdana Nairobi iyo Dubai ayaa loola cararaa lacag kasta oo uu leeyahay? Mexey ku nooshahay oo nolola?
Soomaaliyey I maqal: Haddaan wallaahi runta laysu sheegin inaan wax la noqonayn dhibkana laga baxayn. Waxa afka laga sheegayo haddaan uurka la geyn, haddaan la baran in la heshiiyo, lawada noolaado, wax la wadaago, kuwa u qalma talada loo dhibo, wallaahi ineydaan ka bixi hayn cadaabka aynu ku jirno, dhamaanteenna ina wada saaqay. Ilaahow ma gaarsiiye.
Raiisul wasaaraha Malaysia ee Hadda jooga waxaa la yiraahdaa, Cabdalla Axmad Badawi, wuxuu kasoo jeedaa qoys Caraba, oo weliba diinta ku lug lahaa, awoowihiis wuxuu ahaa nin shiikha oo masjidkiisu ilaa hadda caan yahay. Badawi hadaladiisa waxaa laga dhadhaminayaa inuu diinta wax ka yaqaan ama wax badan ka akhriyey.
Waxaad dareemeysaa nimankan Malaysianka ah madaxdooda, iney Islaanimadooda ku faanayaan, meel kastana ka sheeganayaan, xitaa Markey reer galbeedka meelohooda u caansan joogaan, wexey afka ku ballaarinayaan, islaanimadooda iyo iney dhaqan iyo diin ka duwan reer galbeedka leeyihiin. Taasi waa mid aan laga arag qaar badan oo madaxda muslimiinta manta ah, kuwaasoo afka ka dhawra xitaa iney dad muslima matalaan, ama diin islaam lagu shaabadeeyo, bal qaarkood wexey jecelyihiin, inaan laga werin wax islaamka la xiriira, waana ayaan xumo.
Kitaabka la yiraahdo “ Islam Hadari” oo uu lagu soo ururshey 12 khudbadood oo uu jeediyey Abdalla Axmad Badawi, si kastaba ha ahaatee, waxaad ka dareemeysaa – hadalka keligiis – ficilku waa meeshiise, masuuliyad, islaanimo, iyo wadaninimo. Waxaad ka dareemeysaa, sida Madaxda dooneysa dalkeedu inuu adduunka wax ka noqdo ay u dhaqmaan, ama aragtidoodu tahay.
Taasi wexey tiiraanyo ku noqoneysaa qofka Soomaaligaa, markuu eegu, sida wadankiisu yahay, iyo meesha uu yaal, iyo dadka taladiisa kala marooqsanaya, ee aan masuulka ahayn.
Muxuu yahay “Islam Hadaari” ga uu wado Badawi? Waxaad Moodaa, hadal ahaan markuu mabaadidiisa usoo bandhigo, inuu fiicanyahay, hase yeeshe marka ay dhaqan gelinayaan, xoogaa debcin iyo waasicin – aad moodo – iney xadkeeda dhaafeyso ayey ku dabaqaan. Balse aan fiirino siduu u dhigayo Badawi.
Wuxuu leeyahay Islam Hadariga ujeedadiisu waa inuu gaadho 10 qodob oo ah:
1) Iimaan iyo Taqwo
2) Dawlad caadila oo lagu kalsoonaankaro
3) Shacab xora oo madax banana
4) Raadinta iyo tixgelinta cilmiga
5) Horumar dhaqaale oo dhamaystiran isuna dheeli tiran
6) Shacabka oo nolol wanaagsan hela
7) Difaaca xuquuqda dadka laga badan yahay iyo dumarka
8) Aqoonta iyo sharafta ruuxiga
9) Ilaalinta hantida dabiiciga ah ee dalka iyo biiadiisa
10)Awood lagu difaaco dalka
Hadaladiisa waxaa ka mida:
((Ardayda Muslimiintu waa iney ogaadaan in muslimiintu cilmiga aduunka bilaabeen. Waa ineynu samayno qorshayaal sare si aynu u soo saarno culimo Malaysian ah oo soo saari kara sancooyin cusub).
Mashaakilka muslimiinta ee dawladohooda badankood la dib dheceen wuxuu ku cilleeyey:
((Muslimiinta wadamadooda inta badani waa faqri. Waxaa sabab weyn ka ah, maamul xumo, dhaqaalaha oo aan sidii la rabay loo isticmaalin, khilaaf iyo dagaalo. Waxaa kaloo halbawlaha gooyey musuqmaasuq. 133 wadan oo la baaray, wadanka muslimka ee ugu fiican wuxuu soo galay booska 26aad. 4 wadan oo muslimana wexeyba ka mid noqdeen 10ka u hooseeya)).
Badawi wuxuu leeyahay : (( Maamul dawladeed oo wanaagsan, xisaabtan guud, iyo ladagaalan musuqmaasuq, ayey Malaysia ku noqon kartaa tusaale ay ku daydaan dawladaha Muslimku)).
Waxaan filayaa inul uu arrinkaas run ku sheegay, waayo dalalka islaamku wexey la dhaqaaqi la’yihiin, waa maamul xumo, ama musuqmaasuq xididaystey oo laftiyo dhuuxa saaqay, ama xisaabtan guud oo aan jirin oo aan masuuliyadda dadka haya aan la weydiin: Xagee ka keentay?
Maxaan ka faiidaysan karnaa soomaali haddaan nahay, Malaysia?
1) Waxaan ka faiidaysan karnaa(wadani nimo) sida wadankaaga loo jeclaado looguna hamiyo inuu hormaro.
2) Waxaan ka baran karnaa sida waaqic ahaan danta guud looga hormariyo danta gaarka ah. Intii lagu sameeyey Anwar Ibrahim, oo ahaa Raiisul wasaare ku xigeen, inta laga xayuubshey masuuliyadda, oo la misabitay, oo la ceebeeyey xitaa sharaftiisa iyo diintiisa la duray,ayaa haddana xabsi 15 sano lagu xukumay, haddana markii Badawi uu soo daayey, noloshiisa si caadi ah ayuu u wataa, wadankuuna joogaa, waxaa laga reebay wax siyaasad ah ilaa 2008. Waxaa igu soo dhacday intaa in ka yar haddii lagu samayn lahaa isbatoore soomaaliya, tolla’yey ayuu ku dhufan lahaa, jabhadna itoobiya ayuu kala soo jeensan lahaa, cadow kasta oo soomaaliyi leedahayna wuu soo hoggaamin lahaa, si wadanka gees ka gees loo dumiyo, isaguna dambaska ku dul geeraaro.
3) Waxaan ka baran karnaa sida qorshayaal dheer iyo kuwa gaaban loo degsado, iyo sida loo fuliyo (good Management and governance iyo Work ethics).
4) Waxaan Malaysia ka faiidaysan karnaa Sida loo heshiiyo, loo wada noolaado, xukunka iyo xoolahaba qaybsado. Wadanku wuxuu ka kooban yahay 13 gobol, 9 ka mida waxaa ka jira Suldaano ama boqortooyo soo jireen ahayd. Sagaalka Boqol, hal kursi ma wada qaaydo, kursiga kuma heshiin waayin – sida qab qablayaasha soomaaliyeed – oo mid kasta kan kale caanaha ka daadsho. Sagaalka boqor wexey ku heshiiyeen in midkastaa gobolkiisa suldaan hoose ka ahaado, Boqortooyada Guud ee dalka Malaysiana kaltan noqoto oo mid kastaa 5 sano ku fadhiisto, isagoo ku soo baxaya doorasho dhexdooda ah. Sidaas ayey ku socotaa ilaa hadda, Sagaalka iyo cida dhaxalkooda leh, marba mid ayaa ku fariista. Maxaa dhibi lahaa nimankan ummadda soomaaliyeed rogay, ee dukun daakun ka dhigay, haddii ilaa 1991 , ay ku heshiiyaan, mid walbaa in afar sano xukunka loo daayo. Dadka iyo dalkuna nabad galaan, laakiin iyana ma calfan 16 sano, oo kii u dambeeyey waa kan maalinba tuula yar ku ag meeraya, caasimadii tegi kari la’, kuwuu shalay jilaafeeyey, ayaa manta jilaafo u dhigaya. Sidaaseyna door bideen iney ku jiraan weligood iyaga iyo dadkooduna ku dulloobaan!!.
5) Waxaan ka baran karma Malaysia, in ummadda wax la baro oo cilmiga la qiimeeyo.
6) Waxaan ka faaiidaysan karnaa (administration iyo Management) maamul, waxaan is iri, afar gabdhood oo Malaysian ah ayaa soomaaliyaba maamuli lahaa xagga Adminstrationka.
Waxaa hadda Malaysia jooga in ka badan 600 oo arday oo soomali ah, oo jaamacadaha dhigta culuum kala duwanna barta, waxaan rajaynayaa iney noqdaan kuwa ka qayb qaata horumarinta dalkooda, iyo kuwa ka faiidaysta meesha ay joogaan.
Mar aan la kulmay ardayda Jaamacada Islaamiga Caalamiga ee Malaysia ee soomalida ah (ilaa 150) in ku dhaw ayaa dhigata, waxaan la dhacsanahay sida ay isugu duubnaayeen, isuguna yimaadeen hal goob, Rajo wanaagsan ayaanan ka qabaa ardaydaasi iney kuwa dadkooda, diintooda iyo dalkoodaba wax tara iney noqdaan.
Marka aan intaas ku soo kobo maqaaladii aan kaga hadlayey Malaysia, waxaan rajaynayaa in akhristayaashu wuxuun ka faaiideen. Ujeedada ugu weynina wexey ahayd baraarujin damiirka Soomaaliga inuu bal miyir daboolanka ka soo kaco, kor xoogaa uga kaco inuu ag fadhiyo is qab qabsi aan macna lahayn, iyo qabyaalad wexey dumiso mooyaane aan dugsi lahayn, waxaan ula jeedey bal in soomaalida kuwa siyaasadda dhex yaal iyo kuwa taageeraaba ay ku baraarugaan adduunku meeluhuu ka shaxayo, wuxuu ku haminayo, iyo meesha ay joogaan.
Dal bur buray, dad kala haadey, adeegya bulsho oo dhumay, ummad aduunka ka dambeysa ugu yaraan 50 sano, Bal in Damiirka nololi ku hartay uu isku noqdo, oo baraarugu. Bal in INTA CAQLIGA LIHI isu timaado, is guubaabiso, meesha ka kacdo, tashato, Inta caqligooda wax u dhimanyahay, ee dalka iyo dadka 16 sano wareeriseyna, bal si la yeelo, waloo xitaa bal dalalka hodonkaa la weydiisto iney noogu hayaan, cisbitaalada dadka xisku ka dhaawacmay la geeyo oo halkaa nlooku hayo inta caqliga waxa lihi wadanka u tashanyaan.
Ilaahow na caymi…….
Sh. Muxamad Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com