Dalka lesutu ama boqortooyada lesuto waa mid ka mid ah dalalka qaaradda afrika, wuxuu dhacaa koonfurta qaaradda afrika. dalka lesuto wuxuu ku yaalaa dhexbartamaha dalka koofur afrika oo waxaa dhan walba ka jiro dalka koonfur afrika, waa mid ka mid ah dalal madax banaan laakiin ku dhexyaalo dalal kale sida vatican city iyo marino oo ku dhexyaala dalka talyaaniga laakiin iskood isku maamula.
caasimaddu waa maseru, afka looga hadlana waa sesotu iyo ingiriisiga. dalka lesutu wuxuu xoriyaddiisa ka qaatay guumeysitihi ingiriiska 4ti oktoobar 1966ki.
waa dal ku fadhiyo baaxad dhan 30355km2, tirakoob la sameeyey sanadki 2016ki waxaa tirada dadka lagu sheegay laba milyan iyo bar. lacagta dalka waa lesotho loti waxaa sidoo kale laga isticmaalaa ranka koonfur afrika. haddii aad gaari ku dhe qadato gaari wadada waxaad ka leedahay dhaka bidix. codeka ama furaha wicitaanku waa 266.
Dhaqaalaha dalka wuxu ku tiirsanyahay beeraha, xoolaha , warshadaha iyo qodashada macaadita dhulka.