Gobolka gedo oo dhaca koonfurta fog ee dalka soomaaliya, wuxuu daris la yahay labada gobol oo ay itoobiya iyo kiinya ka haystaan soomaalida. Marki ay burburtay dowladdi soomaaliya, dad badan oo deganaa ama ka soo qaxay caasimadda soomaaliya ayaa gobolka u soo qaxay.
Marki ay soo afjarmeen dagaalladi sokeeya ee ka soo billowday xamar kuna soo gabagaboobay gedo, gobolka gedo wuxuu ka mid noqday deegaannadi soomaalida ee ugu horreeyey ee uu ka hana qaado maamul ay majaraha u hayaan dadka deegaanka oo is kaashaday.
Magalooyinka luuq, doolow iyo baladxaawo oo ay ku noolyihiin dadka ugu badan ee gobolka gedo ku nool ayaa waxaa maamulkiisa majaraha u qabtay wadaado gobolka u dhashay oo uu hormuud u ahaa sheekh maxamed xaaji yuusuf, kuwaas oo gobolka ku soo dabbaalay nabad gelyo ay si fiican dadka ugu diirsadeen, taas oo sababtay in deegaanno kale oo ay markaas ka holcayeen dagaalladi sokeeye looga soo hayaamo. Wuxuu gobolku noqday deegaan ay soomaalida oo dhan ku soo hirato, waxbarasho maaddi iyo diini iskugu jirtana loo soo doonto.
laakiin nasiib darro, siyaasiyiin gobolka u dhashay ayay u cuntami wayday nabaddi iyo noloshii uu gobolku ku naaloonayay, Subaxnimo jimco ah 9.8.1996 ayay ciidamada tigreega oo ay horkacayeen siyaasiyiin gobolka u dhashay oo uu ugu magac dheeraa generaal Cumar xaaji Masale weerar cir iyo dhul ku ekeeyey magaalooyinka luuq, doolow iyo baladxaawo.
Weerarkaas iyo mid kale oo dhacay 12.6.1997 ayay ciidamadi xabashida ku xasuuqeen dad soomaaliyeed oo iskugu jiray rag, dumar iyo carruurba. Ciidamada tigreega iyo maleeshiyaadki soomaalida ahaa waxay gubeen , guryo, masaajidyo iyo maktabado.
Waxay sidoo kale burburiyeen qaybo ka mid ah maagaalooyinka oo ay ku duqeeyaan diyaarado. Layaab ma ahayn in ay ciidamada tigreegu dadka soomaaliyeed xasuuqaan, oo waa cadaw soo jireen ah laakiin waxa layaabka leh waxa ay ahayd in saraakiishi loo tababaray in ay difaacaan dadka iyo dhulka soomaaliyeed ay cadawgi loogu tala galay in ay ka difaacaan ku soo hogaamiyaan dalka kuna xasuuqaan dadka soomaaliyeed.
Wixi intaas ka danbeeyey, gobolka gedo wuxuu madaxa la galay dagaalo sokeeye, maamulki tigreega ayaa hub fara badan soo geliyey gobolka, hubkaas oo ay jufo jufo ugu qeybiyeen dadki deegaanka, waxaana halkaas ka billowday dagaalo sokeeye oo gobolka u soo jiiday dib u dhac wayn oo uu ilaa maanta ka soo kabsan la'yahay.
Waxaa xirmay goobihii waxbarashada, waxaa meesha ka baxay duruusti masaajidda ka bixi jiray, waxaa la kala dareeriyey kumanaan agoon ahaa oo ku xareysnaa magaalooyinka luuq iyo baalad xaawo. Quruxdi, waxbarashadi, kaladanbeynti iyo ganacsigi gobolka ka jiray waxaa bedelay dhac, dil, dagaal sokeeye , qax iyo abaaro. Kuwii gobolka ku soo hogaamiyey tigreega ayaan iyagana mahdinin falkoodi gurracnaa, waxay kala noqdeen kuwo ku baxay dagaaladi sokeeye iyo qaar gobolka iskaga cararay iyaga oo ka baxsanaya ciidamadi xabashida oo doonayay in ay jeelasha ku hubsadaan maadaama danti laga lahaa lagu gaaray.
Maamulladii ay tigreegu gobolka ka samaysteen waxaa ka mid ahaa, maamulkii magaalada doolow oo ay gudoomiye uga dhigteen ninka hadda baxsadka ah ee lagu magacaabo cabdirashiid janan. Cabdirashiid oo ay dadka deegaanku ugu yeeraan cabdi ileyga gobolka gedo, wuxuu ahaa gacanta midig ee ay tigreegu u adeegsadaan dhibaateenta shacabka soomaaliyeed ee ku nool saddexda degmo ee dolow, luuq iyo baladxaawo. wuxuu gobolka ka geystay falal gurracan oo midba midka kale uu ka daran yahay.
Marka laga soo tago dhibaatadi uu maamulki tigreegu ku hayay gobolka, waxaa dhanka kale dhibaato iskugu jiray duqeyn, afduub iyo barakicin gobolka ka geystay ciidamada kenya. Diyaaradaha kenya waxay maalin walba duqeeyaan deegaannada magaalooyinka ka fog halkaas oo ay ku laayaan dadka iyo duunyada ku nool.
Dowladihi soo maray dalka soomaaliya wuxuu xilkooda dhammaanayay iyaga oo aan soo gaarin gobolka gedo maadaama uu aad uga fogyahay caasimadda ama aanba diyaarba u ahayn in ay faraha la galaan deegaano ay tigreega iyo kiinyaatigu gacmaha iyo lugahaba kula jiraan.
Marki loo doortay Maxamed Cabdullahi farmaajo madaxweynaha soomaaliya, dadka gobolka waxay ka mid ahaayeen dadki aadka u soo dhaweeyey doorashada farmaajo. Xadgudubki iyo cabashadi dadka deegaanka oo sii batay ayaa sabab u noqday in ay dowladda soomaaliya gobolka u soo dirto qaar ka mid guutooyinka ciidamada qaranka , kuwaas oo meesha ka saaray maamulki wada shaqaynta la lahaa tigreega iyo kiinyaatiga.
Kuwii gobolka laga xorreeyey , ee warabayaasha ahaa, meel fog may san aadin, dowladda kiinya ayaa dejisay duleedka magalada mandheera oo daris la ah magaalada baladxaawo, halkaas oo ay ka soo malafsanayaan iyaga oo doonayo in ay markale ku soo noqdaan gobolka si ay u jiqaan dhiigga shacabka.
Hadaba, si uu san gobolku dib ugu noqon dib u dhaci sababay in ay ka haajiraan, ganacsatadi, aqoonyahanki iyo waxgaradki gobolka u dhashay waa in si wada jir ah looga hortagaa in aysan waraabayaashu dib ugu soo noqon gobolka.