Mohamed Bin Salmaan Iyo Cajiibka Noloshiisa

150 gabadhaha dunida ugu qurux badan oo laga soo kala duuliyey Brazil, Russia iyo meelo kale, ayaa la keenay Jasiirad gaar loo leeyahay oo ku taalla Maldives, si ay uga qaybgalaan Xaflad ay iman doonaan dhawr iyo labaatan nin oo ka yimid Bariga dhexe.

Qalqaalada iyo casuumaaddaba, waxaa fidiyey Mohamed bin Salmaan oo markaas ahaa 29-jir ku jiray Guriga reer-Boqor. Ahaana Wasiirka Gaashaandhigga Sacuudiga.
Maanta waa Kuxigeenka Ra'iisul-Wasaaraha iyo ninka sugaya dhaxalka Boqortooyada. Wuxuu ka mid yahay dadka ugu awoodda badan Gobolka, uguna lacag badan.
July 2015, wuxuu hal bil ka fakarayey iibsiga Jasiirad gaar uu u leeyahay oo ku taalla dalka Maldives. Magaceedu waa "Velaa". Jasiiraddan waxaa loogu talogalay inay ka mid noqoto Jasiiradaha ugu qaalisan dunida.
Jasiiradda waxaa ku dhexyaalla in ka badan 40 Villa oo ku soo jeeda biyaha buluugga ah ee Badwaynta India. Waxay leedahay meelo lagu dabbaasho ama lagu caweeyo.
Villooyinkaas mid walba waxay leedahay dhammaan dadkii gudaha ka shaqaynayey oo nooc walba leh. Xataa waxaa loo sameeyey meelo baraf ah oo dadka ka imanaya dalalka kulul ay ku qabawsadaan.
Jasiiraddan waxaa fasaxyada waqtigiisa ku qaata Prince Mohammed. Waxaa hadda soo baxay book ay si wadajir ah u qoreen Bradley Hope iyo Justin Scheck. Magaca buugga waa (Blood & Oil).
Jasiiraddan waxaa kiraystay Mohamed bin Salmaan (MBS) isaga iyo dadka uu halkan ku casuumo, ayaa ku raaxaysta.
Sida lagu qoray buuggan, kharashka kiradu waa $50 million. 40-ka Villo ee ay ka kooban tahay Villadu, mid walba waxaa ka shaqeeya in ka badan 300 shaqaale ah. Mid walba oo shaqaalaha ah, wuxuu helayaa Deeqda MBS oo ah lacag gaaraysa $5,000 gunno kaliya ah. Shaqaalaha hoose kiiba bishii wuxuu qaadanayaa inta u dhaxaysa $1,000 - $1,200 bishii.
Lacagtaas waxaa loo bixinayaa in MBS iyo Martidiisu arrimmahooda si gooni ah loo ilaaliyo oo aan Joornaallada lagu soo daabicin.
MBS wuu ogyahay in dhallinyarada Sacuudigu ay ka daaleen dhaqaalaha ay sanado badan lunsanayeen Qoyska Reer-Boqor.
Si haddaba loo ilaaliyo Arrimaha gaarka ah, shaqaalaha looma oggola haysashada Smartphones inta ay joogaan Jasiiradda. Waxaa kaliya oo loo oggol yahay teleefannadii hore ee aan lahayn Kaamerooyinka sida Nokia 3310 ay kula xiriiraan eheladooda. 2 shaqaale ah, ayaa saas lagu eryey, inay jabiyeen sharciga.
Dumarka ka soo dagaya doonyaha waxaa laga baaraa cudurrada la iskugu gudbiyo galmada. Loomana oggola in shaqaaluhu ay salaamaan dumarka.
Marka dumarku ay noqdaan Negative oo la geeyo Villooyinkii loogu talogalay, ayaa waxaa imanaya MBS iyo saaxiibbadii. Warkan waxaa daahfuray laba ka mid ah qorayaasha Wall Street Journal oo sanado baarayey arrinkan.
Kambaniyada ku caanbaxay Baashaalka dunida sida (Pitbull, Gangnam Style, Korean Rapper Psy iyo DJ Afrojack, ayuu soo kireeyaa MBS. Xataa Jennifer Lopez iyo Shakira, ayaa halkaas imanaya.
Raggu inta badan maalintii, way hurdaan. Laakiin marka ay qorraxdu dhacdo, waa xaadir, waxayna diyaar u yihiin Xafladda. Illaa Waabariga, ayaa halkaas lagu tuntaa.
Marmarka qaar, MBS wuxuu soo dhawaystaa oo uu isku halleeyaa shaqaalihiisa kuwa uu ugu kalsooni badan yahay, marka uu cabbayo khamriga. Khamrigu waa ka mamnuuc Saudi Arabia.
Usbuuc ka yar, ayaa Jaraa'idka Maldives soo daabaceen inuu joogo MBS. Isagiina isla markiiba, wuu ka soo duulay. Markaas kaddib, dumarkuna way ka tagayaan halkaas
Markabka Serene.
Waxyar kaddib MBS, wuxuu iibsaday Markabka Serene oo ah 439-foot. Waa doon aad u wayn oo loogu talogalay tamashlaha. MBS wuxuu ku gatay $500 million. Waxaa sameeyey Russian Vodka Mogul. Labajibbaar lacagtii uu markabku joogay, ayaa laga siiyey MBS.
Markabkan dhererkiisu waa 48,000 square feet. Waxaa lagu sameeyey laba meel oo ay ku soo dagaan helicopterrada. Meel ay ku soo xirato Gujis (submarine), meel u furan biyaha hoose oo laga daawan karo badda hoosteeda, tiyaatar lagu dhigo riwaayadaha iyo barxadda sare oo laga daawan karo muuqaallada Quruxda badan.
Qalcadda Versailles ee France.
Qalcaddan cajiibka ah ee hoos ku sawiran, ayuu MBS iyo kooxdiisu ka iibsadeen France marka ay doonayaan raaxada dhulka laga helo. $300 million lacag ka badan, ayuu u tiriyey dadkii uu ka iibsaday. Qalcaddu waxay leedahay dhul hoose oo qaadi kara 3,000 dhalo oo khamri ah iyo 2 meel oo lagu ciyaaro Qoobka-ciyaarka iyo laba meel oo lagu dabbaasho.
Mohamed Bin Salmaan waa wiilkii 8aad ee uu dhalo Boqor Salmaan. Hooyadiina kaligii bay dhashay. Waxay ahayd xaaskii 3aad ee uu yeesho Boqorku. Markii uu yaraa, wuxuu jeclaa quusidda biyaha, cunnada meelaha laga cuno iyo Video Games.
Wuxuu ka duwan yahay walaalladii. Ma uu jeclayn inuu waxbarasho u aado dibadaha sida England iyo France. Waxaa uu iska joogay Sacuudiga. Wuxuuna khibrad ka helay inuu barto sida loola macaamilo ragga reer-Boqor ee tartanku kala dhexeeyo.
Markii uu soo gaaray 15-jir, wuxuu adeerkii u sheegay inuusan aabihii lahayn nasiib badan, inkasta oo uu in badan joogay xafiiska.
Wuxuu jeclaa inuu ganacsi samaysto. Wuxuu aabbihii ku yiri "Waxaan rabaa inaan furto dukaan" Aabbihii baa ku qoslay. Markaas kaddib wuxuu samayn doonaa lacagtii dhabta ahayd. 16-jir markii uu soo gaarayba, qoyska reer Boqor waxay siiyeen dahab iyo saacado markii la iibiyey noqday $100,000.
Wuxuuba billaabay inuu furto shirkad isaga u gaar ah. Wuxuu sameeyey kambaniga gura qashinka iyo inuu wax ku darsaday Kambaniyada dhulka iibsada.
Inta badan wuxuu ahaa Xaasid.
Marbuu uu diray sarkaal dhulka qaabilsan Xabbad (bullet). Ninkaas wuxuu u diiday dhul uu doonayey in loo cabbiro. Ficilkaas, ayuu kula baxay naanaysta ah "aabbihii Xabbadda".
Raad Media

Previous Post Next Post