Doorashada Koonfur Afrika 2024
Doorashada Koonfur Afrika 2024
1. ANC, xisbigii Nelson Mandela ayaa lumiyey kalsoonida shacabka Koonfur Afrika, soddon sano kaddib. Marki ugu horreysay ayuu xisbigu heli waayay awood uu ku soo dhiso dowlad ay u madax bannaanyihiin. 400 oo xubnood oo ah Golaha Qaranka waxay ka heleen 159, oo u dhiganta 40%.
Madaxwayne Ramaphosa oo filayay in uu ku guuleysto dowrkiisi labaad ee hoggaaminta dalka, ayaa la kulmay wax uu san filaynin.
Qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka, oo uu ku jiro xisbiga Zuma ee MK, ayaa meesha ka saaray heshiis isbahaysi ah oo lala galo ANC ilaa ay marka hore erido Ramaphosa.
ANC waxay taagantahay Ramaphosa madaxiisa kuma gorgortami doonno, ciddi gorgortan kale wadato ha soo dhawaato.
2. DA, oo kaalinta labaad ku jira waxaa ku mideysan haraadigii caddaanki dalka haysan jiray. Waxaa u soo baxay 87 xildhibaan oo u dhiganta 21%. Waxay ANC ka codsanayaan in ay dowladda la dhisaan oo ay isbahaysi samaystaan.
3. MK, waa xisbiga ugu da'da yar, lix bilood ka hor ayaa la aasaasay, waxaa hoggaaminaya madaxwaynihii hore, Zuma. Waa xisbiga dhabar jabiyey ANC, kaalinta afaraadna u diray EFF. Waxaa u soo baxay 58 xildhibaan oo u dhiganta 14%.
4. EFF, waxaa hoggaamiya Jules Malema, oo horey uga faraq furtay ANC oo uu hoggaamin jiray garabka dhalinyarada ee xisbiga, waxaa saaxada ku cariiriyey oo kaalinta saddexaad kala baxay xisbiga Zuma. Waxaa u soo baxay 39 xildhibaan oo u dhiganta 9%.
Waxaa jira xisbiyo kale oo yaryar oo iyagana carrabka loo qooyay.
Muslimiinta dalkaan inta badan waxay u codeeyeen xisbiga ANC maadaama uu garab u noqday reer Gaza. Xisbi yar oo ay Muslimiintu leeyihiin, Aljama ah ج cododka wuxuu helay 0.24% (39kun oo cod). Waxay sidaas ku heleen 2 kursi.
RaadPost