Calooshaada ayaa la isku haysataa | RaadPost |
Xilliyadi hore, cunnada dadka waxay ahayd waxa ay beertaan iyo waxa ay soo ugaarsadaan, cunto fareesh ah oo isbadal yar oo dhanka bisleynta ama kaydin aan waqti dheer qaadan soo martay ayaa la quudan jiray. Arrinku se wuxuu isbadalay marki uu billowday kacaankii warshadaha, cuntadi isbadal wayn ayaa uga dhacay dhan walba, heer waxaa la gaarsiiyey shayga asalkiisi uu ka joogo magaca un.
Ganacsatadu si ay u hormariyaan warshadahooda iyo wax soo saarkooda, waxa ay raadiyaan suuq cusub iyo wax soo saar kala duwan si aysan macaamiishu uga bixin gacantooda. Waxay dhaqaalo xooggan ku bixiyaan daraasaadka iyo cilmibaarisyada la xariira cuntada, si loo amaano cunto ay soo saareen ama ay ceeb ka saliim uga dhigaan cunto la ogaaday in aysan caafimaadka u fiicneen.
Macallimad ka tirsan jaamacadda newyork oo lagu magacaabo marion nestle, ayaa ka shakisay sida ay wax u socdaan, waxayna qaadatay go’aan ay iskeed dabaggal ugu sameysay daraasaadki laga soo saaray cuntooyinka sanadki 2015ki, waxay ogaatay in 168 daraasad oo soo baxday sanadkaas , 156 oo ka mid ah daraasadahaas ay u soo baxeen qaab ay dan ugu jirto shirkadihi maalgeliyey daraasaadka.
.... Lakiin, sanadki 1977di ayay hay’ad mareekan ah oo lagu magacaao McGovern soo saartay warbixin ay ku sheegtay in la iska yareeyo dheefsashada hilibka xoolaha iyo waxyaalaha laga sameeyo caanahooda, lana badsado quudashada waxyaalaha ka yimaado dhirta sida qudaarta iyo miraha. Waxaa daraasaddaas ka carooday shirkadihi soo saarayay hilibka xoolaha, caanaha, ukunta iyo waxyaalaha laga sameeyo caanaha, cadaadis ay dowladda saareen ayaa sabab u noqday in hey’addi daraasadda soo saartay la kala diro oo aysan dib danbe u shaqaynin, daraasaddoodina waxba kama jiraan laga soo qaaday.
Marion nestle , laga soo billaabo sanadki 2001-di waxay dabagal ku haysay waxa ay sameeyaan shirkadaha cuntada ka ganacsada kadib marka ay maalgeliyaan daraasaadka lagu sameeyo cuntooyinka iyo caafimaadkooda, sidoo kale waxay dabagal ku sameysay baarayaasha madaxa bannaan ee daraasaadkaas sameeyo, ka dib waxay ka qortay buugaag badan oo ay ku caddeyneyso munaafaqadda qarsoon ee meesha ka socota, waxaa ugu danbeeyey buugeeda ay ugu magac dartay: Unsavory truth: how food companies skew the science of what we eat.
Waxay ku caddeysay buuggeeda sida ay shirkado badan oo caan ah kana ganacsada caanaha iyo hilbaha iyo qaybaha kala duwan ee cuntooyinka ay ugu lug leeyihiin marin habaabinta macaamiishooda ka dib marka ay farageliyeen natiijooyinka ka soo baxa cilmi-baarisyada. Waxay tiri Marion ayada oo la hadleysa wargeyska Undark: Waxaa mar walba isoo gaaro dhambaalo iiga imaanayo shirkadahaan, iyaga oo ileh: Kaala noo samee daraasad aad ku caddeyneyso waxtarka iyo faa’iidada ay leeyihiin wax soo saarkeenna, ma qarsadaan arrintaan, waxaasna cilmi ma ahan ee waa suuqgayn, ayay tiri.
Shirkadaha dhaqaalaha ku bixiyo marin habaabinta cilmi-baarisyada waxaa ka mid ah shirkadda coca-cola, baaritaan uu sameeyey wargeyska newyork tymes waxay coca-cola ku qiratay in ay ku maalgelisay 132.8malyan oo doollar cilmi baarisyo kala duwan inti u dhaxaysay sanadihi 2010 iyo 2015ki.
Sidoo kale shirkadda caanka ku ah samayta qamadiga lagu quraacdo ee lagu magacaabo KELLOGG ayaa la ogaaday in ay ka danbeysay faafinta fikrad qaldan oo oranayso: in quraacda ay miisaanka qofka riddo ama yarayso iyo in ay quraacdu xoojiso dheef shiidka qofka.
Dhibaatadaan waxaa looga bixi karaa in laga ilaaliyo warshadaha iyo shirkadaha cuntooyinka soo saara maalgelinta cilmi baarisyada la xariira cunnooyinka, oo la helo ilo madax bannan oo maal geliyo cilmi baarisyada sida in ay dowladaha maalgeliyan.
Weli! Haddii arinta maal gelinta xal loo helo waxaa jirto sabab kale oo aan loogu kalsoonaan karin cilmi baarista la xariirto cunnooyinka. Sababta oo ah Cilmi baarayaashu waxay ku qasbanyihiin in ay dadka ka waraystaan waxa ay cunaan, waxaana jirto daraasad lagu ogaaday in ay dadka 60% aysan run ka sheegin waxa ay cunaan. Tusaale, 10 qof oo soomaali ah ayaa la waydiiyey waxa ay ku qadeeyaan, 7 ka mid ah waxay sheegayaan in ay cunaan bariis ama baasto, runta se waxay u dhawdahay in aysan qadaynin ba ama ay muufo ama koob shaah ah ay gaajadi qadada ku damiyeen. Waa cilmi baaris la xariirta maskaxda dadka iyo noloshooda hoose, ma ahan wax inta kaamiro la qaato la duubi karo oo sidaas lagu ogaan karo, sidaas daraadeed; sinnaba lagu ma kalsoonaan karo cilmi baaris ku xiran waydiinta ah; Maxaad cuntaa?
Iyada oo ay jiraan shakiyada iyo dhibaatooyinka ku gadaaman cilmi baarisyada lagu sameeyo cuntada, hadana waxaa jiro xaqiiqooyin sugan oo looga nabad geli karo dhibaatooyinka jiro:
1. cun cunnooyinka dabiiciga ah sida qudaarta, miraha, hilibka, digirta, haruurka , soorta iyo muufada, waliba waxaa fiican in aad gurigaada ku cunto.
2. Ka fagow cuntada warshadeysan: si uu san kuu saamayn dagaalka warshadleyda ka fagow cunto walba oo gasacadeysan ama kartoon ku jirto.
3. Iska yaree isticmaalka sonkorta. Ka digtoonow cabbitaannada aashitada leh oo aadan rumeysan karin xaddiga sonkorta ah ee ka buuxa.
4. Ha isticmaalin daawooyinka loo qaato nafaqo ahaanta.
5. Ha isticmaalin waxyaalaha sida degdegga ah loogu dhimo miisaanka ama cayilka, dhibaatooyinka ay kuu geysanayaan ayaa ka badan faa’iidada aad ka heleyso, haddii aad dooneyso in aad miisaankaada dhinto, si dabiici ah iskaga dhin; sida in aad cuntada iska yareyso , jimicsigana aad badiso.
6. Ha ku kalsoonaan warbixinnada aad ka aqriso warbaahinta ama baraha bulshada gaar ahaan waxyaalaha aadka loo buunbuuniyo.
Xogta la xariirto sidi aad ku heli lahayd cunto caafimaad qabta, ka qaado il aad ku kalsoontahay, kuna tiirsanow baraha ku takhasusay arrimahaan.