Dhacdo dhab ah, Xog Wadaag.
Dadka Africa ugu gaagaaban ee “Bigmiska” Dalka Congo, waxa ey deegaankoodii uga soo Carareen, Qabiilada Dadka Hilibkiisa Cuno. Waan ogaa Caadada ka jirto wadamada Afrika qaar ee ah: “ Qofkii Caafimaadka wax ka yaqaan Jirkiisu waa Daawo waana lagu caafimaadaa”. Qofkii dhakhtar ah ama caafimaadka wax ka yaqaan waa in Hilibkiisana Tuulada loo qeybiyo, Beerkiisana la siiyo Nabadoonka Tuulada. Dantuna waa in Dadka ku xanuunsan Tuuladu ey wada caafimaadaan.
Waan ogaa in Danjirihii Faransa u joogay Dalka Congo Amb. Philippe Bernand lagu toogtay Congo 1993, iyo in Diplomasigii Faransiiska Mr. Etienne lagu dilay Congo Sannadkii 2017.
Laakin Dhacda dhabta ah ee Wargeysyada Caalamku ey waqtigaa wada qoreen, ayaa ah in Markii Congo-Belgium ey xuriyadda qaadatay 30 June 1960kii, waxaa Madaxweyne ka noqday Md. Josef Kasavubu. kadibna, Faransiiska ayaa u soo dirsaday Safiir Caasimadda Congo Magaalada Kinshasa. Markii uu Sannad joogay ayuu Safiirkii Farnsiisku Fasax nasasho iyo daawasho ugu baxay keeymaha quruxda badan ee Miyiga Congo. Waxa uu meel fog ka arkay Dad ciyaarayo oo xagiisa u soo socdo, waxa uu u qaatay in ey soo dhaweynayaan. ( F.S: 1aad) Laakin waxa ey aheed kulan Qabiileed oo lagu Cunno Xilibka Dadka. Safiirkii Faransiiska ayeey soo qabsadeen, Qaleen, karsadeen kadibna Cuneen Hilibkiisii.
Dowlada iyo Shacabka Faransiisku aad ayey uga argagexeen dhacdadaa. Kadibna Dowladda Congo ayeey ka codsaneen in Lacag Dhowr Boqol oo Million ah ey magdhaw u siiso Qooyskii laga cunay Safiirka.
Madaxweynihii Congo waxa uu shiriyay Golihii Xukuumadiisa, Si looga hadlo awooda dhaqaale ee Congo ey ku bixin karto Magdhawga laga rabo. Wasiirkii Maaliyadda ee Congo ayaa yiri: khasnadda Dowladda Congo kuma jirto Lacag intaa la eg oo aan Magdhaw ku bixino.
Shirkii waxaa lagu soo gabagabeeyay, in Dowladda Farnsiiska loo diro dhambaalkii Caanka noqday u Qoran sidaan:
((( Dowladda Congo waxa ey ka xuntahay dhacdadii aheeyd in Safiirkiinii la cuno, Laakin hadda Dowladeenu ma heeysato Lacag ey ku bixiso Magdhawga Malaayiinta ah ee aad dalbateen. Sidaa daraadeed waxaan soo jeedineynaa in Adinkuna aad Cuntaan Safiirkeena noo Joogo Dalkiina Faransa. Waxaan rajeeyneynaa in aad si Xushmad iyo Qadarin leh aad nooga ogolaataan Codsigeena ))). ( F.S: 2aad)
Taasi waxa ey aheyd Jawaabtii ugu yaabka Badneed ee wadan Afrikaan ahi uu siiyo wadan Reer Galbeed ah.
Ogowna Qabiilada Congo qaarkood Hilibka Dadka ayey cunaan, Xaqiiq kale ayaa ah, Meela Dunida ka mid ahna Maanta waaxaa la cunaa Hilibka Dadka Muslimiinta si toos ah, Laakin intaa waxaa ka daran Wadamada Caqliga kaa cunno
Mar aan tagay Aniga oo dhalin yaro ah Magaalada Milano ee Talyaaniga.( F.S: 3aad) waxaan la kulmay Duqa Magaalada iyo Ganacsato Talyaani ah, Anigu kama socon Dowlad ama urur laakin kulankaa oo aad la iigu soo dhaweeyay waxaa ii fududeeyay Ganacsade weyn oo Talyan/ Sweden ah oo aan Hotelkiisa daganaa Ninkaa oo Somalida iyo Muslimiinta Daneynayay, isaguna ahaa Nin Muslim ah. waxaa la ii sheegay in Magaalada Milano lagu dhisay Dhaqaalihii Somalida waqtigii gumeeysiga. Hadda markaan Qiyaas qiimeeyay, waxaa ii soo baxday Deeynta uu Talyaanigu nagu sheeganayo, waxaa 61 jeer ka badan Hantida Magaaladaa lagu dhisay ee Somaliya laga qaaday, Waqtigii Gumeysiga. Arrintaa oo maalintaa iigu muuqatay in hanti intaa la eg eynanba somaliyaba aalin Xattaa waqtigaan la joogo. laakin aan dib wax u qiimeeyay.
Somaliya Hadda waxaa nalagu leeyahay Deymo Badan oo aanan ogeeyn xaqiiqdooda iyo halka ey ku baxday. Hadda iskama Bixi karno, haddii aad iga cafi tiraana waxaa laguugu xiraa Shuruud deyntii ka sii culus.
Hadda, Adiga oo aan iga cafi dhihin, ma u heeysaa Jawaab u dhigantu tii Congo?.
Jawaabtu waa xagaaga.
La soco Xog wadaaga dambe.
Qore: Yahya Amir