Scan Halal: Waa Aalad Lagu Ogaado Cuntada Xalaasha ah

Scan Halal

Waxaa dhacda marka laga adeeganayo dukaamada waaweyn in loo baahdo in la hubiyo waxyaabaha laga sameeyey cuntada in ay xalaal yihiin.

Haddaba, taas xalkeeda waa barnaamijka “Scan Halal” oo ah aalad lagu ogaado waxyaabaha cuntada laga sameeyey haddii ay yihiin Xalaal iyo in kale.

Barnaamijkaas waxaad ku soo rogan kartaa telefoonka gacanta (Android iyo iPhone).

Marka aad dukaan tagto waxaad aaladdaas ku akhrineysaa calaamadda loo yaqaan Barcode oo ah astaan xambaartan lambar u khaas ah shey kasta oo dukaanka yaal, astaantaas oo ah hayb-sooc ah oo ay ku qoran yihiin waxyaabaha laga sameeyey cuntada.

Waxaana inta badan uu barnaamijkaasi kuu tilmaamayaa cuntada aad iska ilaalineyso ee aan xalaasha ahayn, iyo cuntada xalaasha ah. Waxaase dhacda qayb cuntada ah inuu kuu kala cadayn, waayo waa cunto aan weli lagu kaydin diiwaanka barnaamijka.

Barnaamijkaas waxaad ka soo rogan kartaa halkan: https://www.scanhalal.org/download

FG: Haddii aad adeegsato barnaamij kaas ka casrisan fadlan ku qor qaybta hoose ee jawaabaha si akhristayaashu uga faa’iideystaan.

Source: AqoonKaal

RaadPost

Raad Media

Previous Post Next Post