SIDEE LACAG LAGU HELAA?


SIDEE LACAG LAGU HELAA?

Qofkasta waa jecel yahay in uu lacag helo. Qofku in uu jecel yahay in uu lacag helo kuma timaado!
Waa muhiim marka qofku in uu jawaab waafi ah u helo su'aasha ah: sidee lacag lagu helaa?
Jawaabtu aad bay u fududahay waxaase laga yaabaa in dadku waqti iyo juhdi badan ku lumiyaan in ay ka raadiyaan meel aysan jirin.
Lacag waxay ku timaadaa oo keliya in aad qaadid 3 tallabo oo muhiim ah:
Tallaabada 1-aad:
In aad leedahay aqoon ama xirfad aad xal ugu heli kartid baahi taagan. Luuqada ganacsiga waxaa lagu yiraahdaa "Value Propostion" ama in aqoontaada, fikradaada, xirfadaada ay soo kordhinayso dheef daawo iyo xal u ah baahi ama mushkilo taagan (Solution for a customer pain).
Dadka qaar waxay ku bixiyaan hanti badan iyo sanado badan sidii ay u heli lahaayeen xirfadii iyo aqoontii ay xal ugu heli lahaayeen baahiyaha bulshada (B2P) ama ganacsiyada (B2B). Tusaale: haddii aad 6 sano ku bixisid in aad dhakhtarnimo baratid waxaad kasbanaysaa xirfad iyo aqoon aad baahi caafimaad xal ugu heshid.
Waxaad kale oo daraasad ku samayn kartaa suuqa iyo bulshada dhexdooda si aad ugu fiirsatid (Observation) baahi taagan oo aan xal weli loo helin dadkuna xallinteeda lacag ku bixin lahaayeen. Mar marka qaarkood dadku ama bulshadu ma oga in ay baahidaas qabaan (Latent Need), laakiin marka aad xalka la timaadid bay soo baxdaa. Tusaale: baahida looqabo internet ka iyo isticmaalka Mobile-ka ma jirin 25 sano ka hor! Maantana noloshii iyo ganscsigii oo dhan baa ku xiran.
Mar marka qaarkood waxaan u fekeri kartaa si ka duwan sida dadka caadiga u fekero. Tusaale: in aad si lacag la'aan ah u buuxusid baahida bulshada qaarkeed, laakiin aad haddana si dadban lacag badan uga samaysid (Freemium Business Model). Waxaa adeegsada dariiqada noocaan ah Shirkadaha caalamka ugu waaweyn maanta qaarkood sida kuwa baraha bulshada (Facebook, Youtube, Twitter etc.). Waxay gadayaan waa xogta dadka isticmaalaya. Waxay maal ku bixinayaan sidii ay isugu dayi lahaayeen in aad joogto ugu xirnaato una isticmaashid maxaa yeelay adigii baa ah badeecadda ay gadayaan in ay ku lumiyaana ma rabaan.
Haddii ay kuu suurto gasho in aad xal baahi taagan u heli kartid waxaad qaaday ama ku guulesatay in aad qaaday tallaabadii 1-aad ee aad lacagta ku sameyn lahayd.
Tallaabada 2-aad:
Tallaabada 2-aad ee aad u baahan tahay in aad qaadid si aad lacag u samaysid waa in aad la timaadid dariiqadii aad xalka baahida bulshada uga dhaadhicin lahayd ama aad ku gaarsiin lahayd. Luuqada ganacsiga waxaa lagu yiraahdaa "Value Delivery". Dariiqadu waxay noqon kartaa in aad meel furatid, in aad "Online" ku gudbisid. Siday rabtaba ha noqotee waa in ay jirtaa dariiqo aad ku gudbisid xalkii baahida.
In aad xalkii ogaatid keliya muhiim ma ahan ee waa in aad gudbin kartaa dadka ka dhaadhicin kartaa in aad xalka haysid. Marar badan waxaa dhacda in qofku gurigiisa u gado sida uu muujin lahaa in fikradiisu shaqeynayso, xalka uu hayaana shaqeynayo. Haddii xalku yahay badeeco ganacsi wuxuu isku dayaa in uu Sample ka sameeyo (Prototype).
Tallaabada 3-aad:
Tallaabadan waa tan ugu muhiimsan waxaana luuqada ganacsiga lagu dhahaa "Value Capture". Waa sidii qofku xalkeenidiisa u lacageyn lahaa waxayna ku xiran tahay nooca xalka iyo baahida la xallinayo.
3 daas tallaabo waa tiirarka waxa loo yawaan "Business Model" ama suurada ganacsi yeelan karo ee ka tarjumaysa xaqiiwadiisa dhabta ah.
Isku day in aad maskaxdaada maashid, tuujisid, daalisid sidii aad xal daboola baahiyaha faraha badan ee taagan aad ugu heli lahayd. Soomaaliya waa dal dihin, dadkuna waxay qabaan baahiyo nolosha dhinac kasta.
Lacagta in aad heshid ama raadinaysid waxay ku jirtaa xallinta baahiyahaa. Ha isku madhquulin in aad ku dayatid dariiqooyinka ganacsiga ee daalay sida in aad qof kale ku dayatid (bandwagoning) adiga oo aan ogayn dhibta iyo dheefta uu ku qabo ama ay sabibi karto in aad isla degtaan!
Lacagi waa kasbasho ...

Raad Media

Previous Post Next Post